Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Tuubbaada Xididka: Daryeeliddeeda Guriga

Article Translations: (English) (Spanish)

Guriga marka loo kaxeysto ilma ay ku jirto tuubbo

Waxaad guriga u kaxeysaneysaa ilmahaaga oo ay ku jirto tuubbo. Waxaad baraneysaa sida aad u isticmaaleyso oo aad u daryeeleyso tuubbada, oo waxaa ka mid ah sida looga ilaaliyo infakshanka, sida aad ula macaamileyso, gudaha u biya raacineyso, daawo uga siineyso (haddii loo qoray), sida aad uga saareyso (cirbadda uga bixineyso), iyo inaad ogtahay goorta iyo meesha aad caawimaad ka heleyso.

Ka-hortegidda Infakshanka

Tuubbada xididka la geliyey waxay u fiican tahay daryeelka ilmaha buka; hase yeeshee, waxaa jiri kara khatar ah infakshan marka ay bakteeriyo gasho qalabka oo ay dabadeedna dhiigga sii raacdo. Xaaladdaas ayaa la yiraahdaa Infakshanka Tuubbada Xididka Dhiigga ama CLABSI. CLABSI waxay noqon kartaa halis khatar gelin karta nolosha.

Waxaa muhiim ah in aad ka hortagto infashanka, ama waxay noqoneysaa in leynka tuubbada laga saaro. Waxaa jira waxyaao aad sameyn karto si aad uga hortagto infakshanka leynka tuubbada xididka.

Nadaafaddu waa khasab! Mar kasta oo aad daawo ka siiso ama aad gudaha u biya raacineyso leynka, raac siyaabaha soo socda:

  1. Si fiican gacmaha ugu nadiifi alcolada jeermiska ama ku dhaq biyo iyo saabuun ka hor intaadan taaban tuubbada ilmaha. Taas macnaheedu waa in aad dhaqdo gacmaha ka hor intaadan waxba sameyn:
    • Markaad cirbad gelineyso, biya-raacinta, daawo ku shubidda, ka-bixinta cirbadda iyo mar kasta oo aad u dhawaaneyso leynka tuubbada.
  2. Meelaha aad alaabta saaraneyso ku nadiifi jeermis-dile (sida Lysol® ama nooc kale) marka aad isu diyaarineyso daryeelidda leynka tuubbada.
  3. Eeg meesha leynka haddii ay ka jiraan calaamado ah infakshan.

Dabaal miyuu aadi karaa ilmahaygu?

Haa, ka dib marka ay meeshu bogsooto oo aan isla markaasna aan la isticmaaleyn. Waxa uu ilmuhu ku dabaalan karaa barkad, haro ama bad lagu shubay daawo ka disha xasharaadka. Fadlan shaqaalaha caafimaadka weydii wixii su'aalo ah.

Isticmaalidda Kareemka Kabuubyeynta

Haddii ilmahaagu isticmaalo kareem ah kabuubyeyn (sida EMLA® ama ELA-Max®) si uu uga yareeyo xanuunka cirbadda la gelinayo, u mari 1 ilaa 4 saac ka hor intaadan wax cirbad ah ku mudin. Raac tilmaamaha ku dul qoan kareemka, ama eeg waraaqaha la socda, "Anesthetic (numbing) cream / kareem ah kabuubyeyn."

Si aad ugu mariso, farahaaga ku taabo geesaha leynka tuubbada. U mari inta loogu tala galay oo keliya. Ku dabool kareemka Tegaderm® ama balaastiigga lagu duubo.

Isticmaalidda Leynka tuubbada

  1. Diyaarso oo nadiifi goobtaad alaabta dhiganeyso.
  2. Gacmahaaga si fiican u dhaq
  3. Soo uruurso alaabta:
    • qalabka isticmaalka chlorhexidine (CHG)
    • saliingaha heparin
    • saliinge dareere ku jiro oo cusub
    • daboolka infakshanka
    • gacmagelis cusub
    • maro cusub
    • gafuurxir badan (3)
    • cirbadaha aan maqaarka gaareyn oo ah cabbir sax ah
    • faashadda tuubbada (CHG)
    • looma baahna buufiska maqaarka
    • caagga cirbaduhu ku jiraan
  4. Iska eeg qoraalka dareeraha loogu talagalay iyo saliingaha heparain ka hor intaadan ilmaha ku shubin.
    • Dareeraha loogu talagalay iyo saliingeyaasha heparin waxaa la isticmaali karo waa inta aysan dhicin. Iska tuur haddii ay daawadu salka joogto ama aysan kuula muuqan wax ah nadiif. Haddii aad mid iska tuurto iska hubdo in aad taleefan u dirto farmashiyaha si ay kuugu diyaariyaan daawada.
  5. Haddii la isticmaalay kareemka kabuubyeynta (sida EMLA® ama ELE-Max®), ku masax maro ama waraaq nadiif ah.

Diyaarsashada cirbadda tuubbada iyo tuubbada

  1. Gacmaha dhaqo.
  2. Gafuurxirka gasho. Gafuurxirka waa in aad gashataan adiga, ilmahaaga, iyo marka uu joogo qof ah shaqale.
  3. Furo maro cusub. Keliya taabo dhinacyada bannaanka ah ee gudaha ha ka taaban.
  4. Alaabo furo oo dhigo meel nadiif ah adigoon ka taaban hal shay oo ka mid ah alaabta ama baakadaha dahaarka dushooda.
  5. Gacmahaaga si fiican u dhaq.
  6. Gasho gacmagelisyo cusub. Ka dib markaad xirato gacmageliska cusub, ku soo qabso marada.
  7. Cirbadda afkeeda ku xir daboolka qeybteeda leyna tuubbada.
  8. Ku xir dareeraha saliinge cusub daboolka cirbadda afkeeda.
  9. Gudaha ku biya raaci dareeraha loogu tala galay adigoo u marina daboolka cirbadda iyo tuubbada leynka ilaa ay hal dhibic muuqato.
  10. U dhaaf dareeraha saliingaha inuu ku xirnaado daboolka cirbadda afkeeda.
  11. Maqaska caagga ah ku qabo tuubbada. Dhex geli meel nadiif ah.

Nadiifi leyka afkiisa

  1. Ku nadiifi nabarka hal qalab oo ah CHG ilaa 15 ilbirisi, qeyb yar ku isticmaal horay iyo gadaal, kor iyo hoos, dhinacyada, iyo si babac ah.
  2. Ha qallasho 30 ilbiriqsi ilaa ay gebi ahaan qalleyl noqoto. Yaan la afuufin ama yaan marwaxad loo dhigin.

Geli cirbadda leynka afkiisa

  1. Hal gacan ku qabo cirbadda meesha laga qabto. Ka bixi furka cirbadda.
  2. Si fiican leynka ugu qabo adigoo qabanaya dhinacyada leynka. Ka taxaddar inaadan taaban qeybta cirbadda ee galeysa leynka gudihiisa.
  3. U qabo cirbadda xagal quman ahaan ama 90-digrii, ku aaddi bartamaha leynka, si fiican cirbadda ugu riix maqaarka iyo leynka ilaa ay taabato qeybta dambe ee leynka.
  4. Maqaska caagga ah ka fur tuubbada.
  5. Ka soo saar caagga lagu riixo saliingaha si aad uga eegtid dhiig ka hor intaadan ku shubin dareeraha loogu tala galay.
    • Haddii dhiig ku soo raaco, isticmaal habka ah "riix-oo-jooji" si aad ugu shubto dareeraha, ka dib ka jooji 1 ilaa 2 ilbiriqsi, ka dibna ku sii shub xoogaa, jooji, oo ku wad sidaas.
    • Haddii aan dhiig ku soo raacin, oo aad u maleyneyso in aad meel sax ah joogto, si aayar ah ugu shub 2 ama 3 ml oo ah dareeraha saliingaha. Haddii aad si caadi ah ugu shubto dareeraha, mar labaad ka soo saar saliingaha caagga lagu riixo oo ka eeg in uu dhiig ku jiro. Haddii aad dhiig ku arki weydo, jooji. Taleefan u dir kalkaalisada.
  6. Isticmaal buufiska maqaarka difaacaya dhinacyada faashaddu gaareyso. Sidaas ayaad u ilaalineysaa maqaarka.
  7. Geli bahasha CHG afka cirbadda ah hoostiisa.
  8. Faashadda soo harta u isticmaal cirbadda iyo tuubbada dushooda.

Siinta Daawada iyo Biya-raacinta Leynka

Tilmaamo muhiim u ah biya-raacinta gudaha

  • Mar kasta isticmaal saliinge ah 10mL ama ka weyn. Saliingaha yar cadaadis badan ayuu ku sameyn karaa tuubbada xididka oo dillaac ayuu ku keeni karaa.
  • Ka hor mar kasta oo xididka laga biya-raacinayo gudaha ama daawo lagu shubayo leynka, gasho gacmagelis nadiif ah oo daboolka infakshanka mari in yar oo ah CHG ilaa 30 ilbiriqsi. Ha qallasho 30 ilbiriqsi ilaa ay gebi ahaan qalleyl noqoto. Yaan la afuufin ama yaan marwaxad loo dhigin.
  • Mar kasta oo la sameynayo biya-raacinta gudaha ah, isticmaal habka ah "riix-oo-jooji": xoogaa ku shub dareeraha, ka dib ka jooji 1 ilaa 2 ilbiriqsi, ka dib ku sii shub xoogaa, jooji, oo ku wad sidaas. Habkan waxa uu nadiifinayaa gudaha xididka tuubbada.
  • Haddii ay adkaato in aad gudaha leynka nadiifiso ama aad ka siiso daawada, ha ku khasbin biya-raacinta gudaha. La xiriir oo caawimaad weydiiso dhakhtarka ama kalkaalisada daryeelka guriga.

Inta jeer ee uu leynku u baahan yahay in gudaha laga biya raaciyo waxa ay ku xiran tahay haddii si joogto ah daawo looga shubayo. Waa in la nadiifiyo leynka tuubbada ilmahaaga:

___ bishiiba hal mar                           ___ dareeraha loogu tala galaynormal saline

___ maalin kasta                                ___ heparin

___ daawada ka dib

Waa in aad barato sidaad ugu shubeyso daawada ama dareeraha. Kalkaalisada guriga ayaa si fiican kuu bareysa waxyaabaha aad sameyneyso ka hor intaadan sameyn.

Siyaabaha Degdegga ah ee loo Siinayo Daawada/Dareeraha

1. Mari
2. Ku biya raaci dareeraha loogu tala galay
3. Ka sii daawada ama dareeraha
4. Mari
5. Ku biya raaci dareeraha loogu tala galay
6. Ku shub heparin, haddii loo qoray
7. Maqaska caagga ah ku qabo leynka

 

Waxyaabaha aad sameyneyso

 

  1. Haddii aad mar dhow isticmaashay leynka, u gudub qeybta 12.
  2. Diyaarso goobtaad alaabta dhiganeyso.
  3. Gacmaha dhaqo.
  4. Soo uruurso alaabta:
    • gacmagelisyo caadi ah
    • Masaxaha CHG
    • saliingaha heparin
    • saliinge dareere ku jiro (2)
    • gacmagelisyo caadi ah
    • daawada aad siineyso, haddii ay jirto
  5. Iska eeg qoraalka dareeraha loogu talagalay iyo saliingaha heparain, iyo daawo ama dareere kale ka hor intaadan ilmaha ku shubin. Iska hubso in ay daawadu sax tahay.
    • Daawo kasta waxaa la isticmaali karaa inta aysan dhicin. Iska tuur haddii ay daawadu salka joogto ama aysan kuula muuqan wax aan ahayn nadiif. Haddii aad hal daawo iska tuurto iska hubso in aad taleefan u dirto farmashiyaha si ay kuugu diyaariyaan daawada.
  6. Gasho gacmagelisyo caadi ah
  7. Diyaarso saliingaha dareeraha diyaarsan oo saliinge(yaashiisa) ka saar xunbada gudaha ku jirta. Ka saar furka. Saliingaha afkiisa dusha kore u jeedi. Kor u qabo si aayar ah u riix qeybta dhexe ee saliingaha si aad xunbada iyo hawada uga saarto. Daboolka geli saliingeyaasha.
  8. Fur daboolka cirbadda oo ku nadiifi CHG ilaa 15 ilbiriqsi oo dabadeedna gebi ahaan ha kuu qallasho ilaa 15 ilbiriqsi.
  9. Ku xir dareeraha saliingaha daboolka cirbadda afkeeda.
  10. Maqaska caagga ah ka fur tuubbada.
  11. Gudaha xididka ku biya-raaci dareeraha habka riix-oo-jooji. Marka uu saliinguhu eber noqdo, cirbadda ka bixi daboolka.
  12. Haddii aad daawo(oyin) siineyso, samee qeybta 13. Haddii aadan hadda siineyn daawo(oyin), samee qeybta 18.
  13. Fur daboolka cirbadda oo ku nadiifi CHG cusub ilaa 15 ilbiriqsi oo dabadeedna gebi ahaan ha kuu qallasho ilaa 15 ilbiriqsi.
  14. Ku xir daawada oo u sii sida ay kuu bartay kalkaalisada guriga. Haddii aad daawo siineyso, u gudub "Uga tegidda cirbadda meesha daawada looga shubayo".
  15. Ka dib markaad daawada siiso, ka bixi daawada furka cirbadda
  16. Fur daboolka cirbadda oo ku nadiifi CHG cusub ilaa 15 ilbiriqsi oo dabadeedna gebi ahaan ha kuu qallasho ilaa 15 ilbiriqsi.
  17. Gudaha xididka ku dheji saliingaha dareeraha habka riix-oo-jooji. Marka uu saliinguhu eber noqdo, cirbadda ka bixi daboolka.
  18. Fur daboolka cirbadda oo ku nadiifi CHG cusub ilaa 15 ilbiriqsi oo ka dibna gebi ahaan ha kuu qallasho ilaa 15 ilbiriqsi.
  19. Ku dheji saliingaha cirbadda heparin oo ku nadiifi gudaha xididka adigoo raacaya habka riix-oo-jooji. Marka uu saliinguhu eber noqdo, cirbadda ka bixi daboolka.
  20. Maqaska caagga ah ku qabo tuubbada.

Markaad uga tageyso cirbadda wax lagu shubo

  1. Ka dib markaad isticmaasho leynka oo aad ku nadiifiso dareeraha loogu tala galay, ka soo saar saliingaha.
  2. Raac waxa ku qoran faleebbaha lagu shubayo ee ay kuu keento kalkaalisada guriga.
  3. Ka dib markaad ku shubto, gudaha ku biya raaci dareeraha iyo heparin haddii loo qoray.
  4. Haddii ay ku jirto cirbad, ku xir dabool jeermiska ka dilaya cirbadda afkeeda.

Markaad cirbadda ka bixineyso (ka saareyso) leynka tuubbada

Markaad cirbadda ka saareyso leynka tuubbada

  1. Gacmaha dhaqo.
  2. Soo uruurso alaabta:
    • gacmagelisyo caadi ah
    • Masaxaha CHG
    • Saliinge dareere ku jiro
    • Saliingaha heparin
    • Faashad dhiigcelis ah (haddii aad rabto)
    • Sharootada dhejiska (haddii aad rabto)
  3. Gasho gacmagelisyo caadi ah.
  4. Fur daboolka cirbadda oo ku nadiifi CHG cusub ilaa 15 ilbiriqsi oo ka dibna gebi ahaan ha kuu qallasho ilaa 15 ilbiriqsi.
  5. Gudaha xididka ku dheji saliingaha dareeraha habka riix-oo-jooji. Marka uu saliinguhu eber noqdo, cirbadda ka bixi daboolka.
  6. Fur daboolka cirbadda oo ku nadiifi CHG cusub ilaa 15 ilbiriqsi oo ka dibna gebi ahaan ha kuu qallasho ilaa 15 ilbiriqsi.
  7. Ku dheji saliingaha cirbadda heparin oo ku nadiifi gudaha xididka adigoo raacaya habka riix-oo-jooji. Marka uu saliinguhu eber noqdo, cirbadda ka bixi daboolka
  8. Leynka si fiican ugu qabo farahaaga hal gacan.
  9. Gacantaada kale, ku qabso cirbadda leynka, oo ku qabo hal far qeybta dambe ee xusulka si aad u ilaaliso.
  10. Qaad oo toosi qeybta cududda ilaa aad dhag maqasho. Sidaas ayaa cirbadda ka bixineysa afka oo isla markaasna dabooleysa cirbadda.
  11. Haddii dhiigbax yimaado, xoog ugu qabo faashad nadiif ah ilaa uu dhiiggu istaago.
  12. Sharooto ku dheji haddii aad u baahato
  13. Saliingeyaasha la isticmaalo iyo alaabta ku tuur qashinka caadiga ah.
  14. Geli cirbadda tuubbada caagga lagu tuuro ama isticmaal caag gaar ah, sida dhalo adag oo uu daboolkeedu adag yahay. Ku dul qor "Do Not Recycle - Household Sharps" (Inaan Dib Loo Warshadeyn - Waa Cirbado).
    • Aad ha u buuxin caagga cirbadaha qashinka. Qashinku waxa uu ku kala duwan yahay deegaanka lagu nool yahay. Deegaamada qaar ayaa leh goob lagu tuuro cirbadaha. Si aad isaga hubsato, weydii shirkadda qashinqubka, farmashiyaha, ama kilinig aad la xiriirto.

Sidee baan u dalbanayaa alaabada?

Alaabada waa in aad ka dalabato shirkadaha qalabka daawada ama farmashiyeyaasha guryaha u soo dira daawada. Dalabka ugu horreeya isbitaalka ama guriga ayaad ku heleysaa. Weydii kalkaalisada haddii aad haysato waxa aad u baahan tahay. Waxaa lagu siinayaa lambar taleefan aad garaacdo marka aad u baahato in aad dalbato alaabta.

Qofkee iyo goortee ayaan caawimaad raadsan karaa?

Leynka kala xiriir xafiiska kalkaalisada guriga:

  • markay adag tahay in aad gudaha u biya raaciso ama ka aad siiso daawo
  • Marka aad caagga la riixo ka weydo dhiig

La xiriir kilinigga haddii aad ilmahaaga ku aragto:

  • qandho gaareysa 101.5° F (38.6° C) ama wax ka badan
  • guduudasho, barar, dheecaan, ama xanuun ah meeshii la jeexay
  • guduudasho, barar, dheecaan, ama xanuun ah meesha leynka

Wax su'aalo ah?

Haddii aad ka qabto wax su'aalo ah, fadlan soo garaac:

Taleefanka kalkaalisada guriga ____________________________

Shirkadda alaabta ____________________________

Taleefanka kalkaalisada guriga ______________________________

Dhakhtarka ____________________________

Wakhtigii qoraalka 4/2023 Tuubbada Xididka iyo Daryeelka Guriga

Waraaqdan qoraalkeeda gaar kuma aha ilmahaaga, laakiin waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad noo qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga. Macluumaad badan oo ku saabsan baaristan iyo mowduucyada kale ee caafimaadka, fadlan taleefan kala soo xiriir Children's Minnesota maktabadda Xarunta Tasiilaadka Qoyska, ama booqo www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2023 Children's Minnesota

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota