Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Tuubbada Gudaha Qeybteeda Bannaanka (PICC): Daryeeliddeeda Guriga

Article Translations: (English) (Spanish)

Tuubbada Gudaha Qeybteeda Bannaanka (PICC): Daryeeliddeeda Guriga

Marka guriga lala aadayo Tuubbada Gudaha Qeybteeda Bannaanka ama leynka (PICC)

Waxa uu ilmahaagu guriga la aadayaa tuubbada gudaha qeybteeda bannaanka ama leynka (PICC) Waxaa lagu barayaa sida aad u isticmaaleyso iyo sida aad u daryeeleyso tuubbada, oo waa siyaabaha aad uga hortageyso infakshanka, biya-raacinta, xallinta dhibaatooyinka, iyo in aad tuubbada daawo ka siiso.

Kateetaraha ilmahaaga:

___ Xooggeeda lagu duri karo

___ Hal qeyb                   Wax kale: ___________

___ Laba qeybood                 Dhiig baarista ah ayaa laga qaadi karaa  afka tuubbada: Haa / Maya

Sidee baan ilmaha ugu daryeelayaa guriga?

Marka ilmahaagu soo bogsanayo oo uu joogi karo guriga, kalkaaliso ayaa ku bareysa ilaa aad isku filnaato sidaad u daryeeli doonto tuubbada afkeeda ama PICC ee ilmaha ka hor intaadan keligaa sameyn.

Waa wax aad u baahan tahay ka hor intaadan guriga la aadin ilmaha:

  • ka-hortegidda infakshanka
  • biya-raacinta gudaha ah ee leynka PICC
  • xallinta dhibaatooyinka
  • inaad ogtahay marka iyo meelaha aad caawimaad ula xiriireyso

Ka-hortegidda infakshanka

Tuubbada leynka PICC waxay u fiican tahay daryeelka ilmaha buka, laakiin waxaa jiri kara khatar ah infakshan marka ay bakteeriyo ku jirto tuubbada oo ay dabadeedna dhiigga raacdo. Xaaladdaas ayaa la yiraahdaa Infakshanka Tuubbada Xididka Dhiigga ama CLABSI. CLABSI waxay noqon kartaa halis khatar gelin karta nolosha.

Waxaa muhiim ah in aad ka hortagto infashanka, ama waxay noqoneysaa in tuubbada ama PICC laga saaro.Waxaa jira waxyaabo aad sameyn karto si aad uga hortagto infakshanka tuubbada leynka PICC.

Nadaafaddu waa khasab!

  1. Gacmaha ku nadiifi biyo iyo saabuun ama isticmaal aalkolada jeermiska ka hor intaadan taaban leynka PICC. Taas macnaheedu waa in aad dhaqdo gacmaha ka hor intaadan waxba sameyn:
    • Biya-raacinta gudaha ah ee PICC, siinta daawada, iyo mar kasta oo aad taabaneyso leynka PICC.
  2. Meelaha aad alaabta saaraneyso ku nadiifi jeermis-dile (sida Lysol® ama nooc kale) marka aad isu diyaarineyso daryeelidda tuubbada leynka PICC.
  3. Qubeyska
    • Dabool meesha leynka PICC oo ku xir bac ama maro aan biyuhu uga so gudbi karin inta uu ilmuhu qubeysanayo. Meesha leynka PICC waa in aysan qoyin ama aan biyo la dhexgelin. Haddii ay qoyan tahay faashadda muuqata, la xiriir kalkaalisada guriga si loo beddelo isla markiiba.
    • Biyo socda waa inaan loo dhigin leynka PICC oo yeysan biyuhu ku dhibcin, sababtoo ah jeermis biyaha la socda ayaa geli kara. Qubeyska baafka la dhex seexdo lama oggola.
  4. Meelaha xafaayadda ka fogee leynka PICC marka aad ilmaha ka beddeleyso xafaayadda, oo ilmuhu yuusan afka gashan tuubbada.
  5. Meesha lenka PICC waxaa lagu dabooli karaa oo lagu ilaalin karaa sharabaad nadiif ah oo laga duleeyey faraha.
  6. Eeg meesha ay ku jirto leynka PICC oo ka eeg calaamadaha infakshanka (eeg Xallinta Dhibaatooyinka).

Dabaal ma aadi karaa ilmahaygu?

Inta uu ku jirto leynka PICC, uma fiicna dabaasha badda, harooyinka, webiyada, barkadaha iyo baaf biyo kulul. Waxaa jiray warbixin infakshan la arkay dabaal ka dib. Waxaa jirta mar ay shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa daryeelka oggolaan karaan dabaasha, laakiin waa in iyaga keliya lagala hadlo. Haddii dabaasha loo oggolaado, leynka PICC waa in lagu daboolo wax kale oo ah maro biyaha ka celineysa oo daboolka waa in laga beddelo isla marka uu ilmuhu ka soo baxo biyaha.

Biya-raacinta gudaha ah ee leynka PICC

Goorma ayaa la biya-raacinayaa leynka PICC?

Leynka PICC waa khasab in saliinge lagula shubo gudaha si uusan dhiig ugu xinjiroobin (ugu uruurin) oo uusan u xannibin. Haddii uu xirmo leynka, waxaa khasab ah in laga bixiyo.

Marka uu faleebbe ku xiran yahay leynka PICC, si joogto ah ayaa loo nadiifinayaa. Marka aan leynka la isticmaaleyn, waa in gudaha loo biyo raaciyo saddex mar:

  • Ka hor iyo ka dib marka daawo ama faleebbe laga siiyo.
  • Ka dib marka dhiig laga qaado.
  • Haddii culeyska ilmahaagu ka sarreeyo 17 baawn, biya-raacinta gudaha ah waa in ay noqoto 12-kii saac mar. 
  • Haddii culeyska ilmahaagu ka hooseeyo 17 baawn, biya-raacinta gudaha ah waa in ay noqoto 8-dii saac mar.

Sidee baa loo biya-raacinayaa gudaha leyka PICC?

Tilmaamo muhiim u ah biya-raacinta gudaha:

  • Mar kasta isticmaal saliinge ah 10mL ama ka weyn. Saliingaha yar cadaadis badan ayuu ku sameyn karaa tuubbada xididka oo dillaac ayuu ku keeni karaa.
  • Ka hor mar kasta oo xididka laga biya-raacinayo gudaha ama daawo lagu shubayo leynka PICC, gasho gacmagelis nadiif ah oo daboolka infakshanka maro in yar oo ah CHG ilaa 30 ilbiriqsi. Ha qallasho 30 ilbiriqsi ilaa ay gebi ahaan qalleyl noqoto. Yaan la afuufin ama yaan marwaxad loo dhigin.
  • Mar kasta oo la sameynayo biya-raacinta gudaha ah, isticmaal habka ah "riix-oo-jooji": xoogaa ku shub dareeraha, ka dib ka jooji 1 ilaa 2 ilbiriqsi, ka dib ku sii shub xoogaa, jooji, waa uun sidaas. Habkan waxa uu nadiifinayaa gudaha xididka tuubbada.
  • Haddii ay adkaato in aad gudaha leynka PICC nadiifiso ama aad ka siiso daawada, ha ku khasbin biya-raacinta gudaha. La xiriir oo caawimaad ka codso dhakhtarka ama kalkaalisada.

Siyaabo ah Biya-raacin Dhakhso Badan:

1. Mari
2. Ku shub dareeraha loogu tala galay
3. Mari
4. Ku shub heparin, haddii loo qoray
5. Maqaska caagga ah ku qabo leynka PICC

 

Waxyaabaha aad sameyneyso

  1. Diyaarso oo nadiifi goobta aad alaabta dhiganeyso
  2. Gacmahaaga si fiican u dhaq.
  3. Soo uruurso alaabata:
    • gacmagelisyo caadi ah
    • Masaxaha CHG
    • saliingaha dareeraha loogu talagalay (1 qeyb cabbirka gudaha)
    • heparin (haddii loo qoray, 1 qeyb cabbirka gudaha)
  4. Iska eeg dareeraha loogu talagalay iyo qoraalka saliingaha heparin ka hor intaadan ilmaha ku shubin.
    • Dareeraha loogu talagalay iyo saliingeyaasha heparin waxaa la isticmaali karo waa inta aysan dhicin. Iska tuur haddii ay daawadu salka joogto ama aysan kuula muuqan wax ah nadiif. Haddii aad mid iska tuurto iska hubso in aad taleefan u dirto farmashiyaha si ay kuugu diyaariyaan daawada.
  5. Gasho gacmagelisyo caadi ah.
  6. Diyaarso saliingaha dareeraha diyaarsan oo saliinge(yaashiisa) ka saar xunbada gudaha ku jirta. Ka saar furka. Saliingaha afkiisa dusha kore u jeedi. Kor u qabo si aayar ah u riix qeybta dhexe ee saliingaha si aad xunbada iyo hawada uga saarto. Daboolka geli saliingeyaasha.
  7. Daboolka cirbadda mari CHG ilaa 15 ilbiriqsi. Ha qallasho 15 ilbiriqsi ilaa ay gebi ahaan qalleyl noqoto.
  8. Ku xir dareeraha saliingaha daboolka cirbadda afkeeda.
  9. Maqaska caagga ah ka fur tuubbada.
  10. Gudaha xididka ku biya-raaci dareeraha habka riix-oo-jooji. Marka uu saliinguhu eber noqdo, cirbadda ka bixi daboolka.
  11. Daboolka cirbadda mari CHG cusub ilaa 15 ilbiriqsi. Ha qallasho 15 ilbiriqsi ilaa ay gebi ahaan qalleyl noqoto.
  12. Haddii loo qoray heparin, afka uga xir saliingaha cirbadda heparin oo ku nadiifi gudaha xididka adigoo raacaya habka riix-oo-jooji. Marka uu saliinguhu eber noqdo, cirbadda ka bixi daboolka.
  13. Maqaska caagga ah ku qabo leynka PICC.
  14. Haddii uu leynka PICC leedahay laba qeybood, waxa aad sameyneyso qeybta labaad si gaar ah ugu samee 6 ilaa 13 ilbiriqsi. U isticmaal CHG cusub, dareeraha loogu talagalay iyo saliingeyaasha heparin qeyb kasta.
  15. Saliingeyaasha la isticmaalo iyo alaabta ku tuur qashinka caadiga ah. Saliingeyaasha dhiigga leh ku tuur goobo gaar ah, sida caag adag oo leh dabool lagu dul xirayo. Ku dul qor "Do Not Recycle - Household Sharps" (Dib looma Warshadeyn karo - Waa Cirbado).
    • Aad ha u buuxin caagga cirbadaha qashinka. Qashinku waxa uu ku kala duwan yahay deegaanka lagu nool yahay. Deegaamada qaar ayaa leh goob lagu tuuro cirbadaha. Si aad isaga hubsato, weydii shirkadda qashinqubka, farmashiyaha, ama kilinig aad la xiriirto.

 

Xallinta dhibaatooyinka

Dhibaato Sababta macquulka ah Waxa aad sameyneyso
  • Qandho, qarqaryo
  • Danqasho, guduudasho, ama malax meesha tuubbada
  • Gacanta oo bararsan
  • Infakshan
  • Cabbir qandhada ilmaha.
  • Taleefan kula xiriir dhakhtarka ilmaha isla markiiba.
  • Dhib la xiriira nadiifinta gudaha leynka PICC
  • Marka aadan daawo ama dareere ku shubi karin tuubbada xididka
  • Tuubbada waa in lagu kala xiro maqaska caagga ah
  • Tuubbada ama kateetarka ayaa isku uruuri karo
  • Ka fur maqaska caagga ah (haddii uu ku xiran yahay).
  • Toos-toosi duuduubka.
  • Haddii tuubbadu isku duubanto ama isku dhagto, ha ku khasbin dareeraha tuubbada gudaheeda. Taleefan kula xiriir kalkaalisada guriga oo u sheeg dhibaatada.
  • Biyo markay ka socdaan tuubbada
  • Daboolka cirbadda markuusan si fiican u xirneyn
  • Tuubbadu in ay duleesho
  • Dhuuji daboolka cirbadda.
  • Haddii ay biyo ka socdaan leynka, maqaska uga qabo dusha meesha ay biyuhu ka socdaan.
  • Taleefan u dir kalkaalisada, kilinigga, ama dhakhtarka.
  • Marka uusan dabool saarneyn cirbadda
  • Marka uu daboolka cirbadda furan yahay ama dhaco
  • Isla markiiba maqaska caagga ah ku qabo tuubbada, haddii ay furan tahay.
  • CHG ku nadiifi ilaa 30 daqiiqo bartamaha oo ha kuu qallasho ka hor intaadan cirbadda gelin dabool cusub.
  • Taleefan u dir kalkaalisada, kilinigga, ama dhakhtarka.
  • Maqaarka markuu ka guduuto meesha sharootada ama faashadda
  • Jirka inay dhibeyso sharootada ama faashadda
  • Taleefan u dir kalkaalisada.
  • Kalkaalisada waa in ay beddesho faashadda, nooca sharootada ama nooca faashadda la isticmaalay.
  • Markuu leynka PICC iska soo dhaco
 
  • Ku dul qabo faashad nadiif ah nabarka oo si adag ugu qabo ilaa uu dhiiggu ka istaago (2 ilaa 5 daqiiqo).
  • Sharooto ku qabo.
  • Wax ka qabo oo taleefan u dir dhakhtarka ama kalkaalisada.

 

Santuuqa sahayda degdegga ah

Mar kasta sii qaado santuuqa leynka PICC ee sahayda degdegga ah meel kasta oo uu ilmahaagu aado. Iska eeg santuuqa ka hor intaadan guriga ka tegin oo si aad u diyaarsato ku darso wixii aad isticmaasho markaad soo noqoto. Sahayda waxaa ka mid ah: 

  • sharootooyinka caadiga ah (Band-Aids™) 
  • chlorhexidine (CHG) wax lagu nadiifiyo
  • maqas caag ah
  • daboolka infakshanka
  • saliinge dareere ku jiro
  • faashado cusub
  • faashadda Tegaderm®  
  • sharooto

Sidee baan u dalbanayaa alaabada?

Alaabada waxa aad ka dalabaneysaa shirkadaha qalabka daawada ama farmashiyeyaasha guryaha u soo dira daawada. Dalabka ugu horreeya isbitaalka ama guriga ayaad ku heleysaa. Weydii kalkaalisada haddii aad haysato waxa aad u baahan tahay. Waxaa lagu siinayaa lambar taleefan aad garaacdo marka aad u baahato in aad dalbato alaabta.

Su'aalo?

Haddii aad ka qabto wax su'aalo ah, soo garaac:

Taleefanka kalkaalisada guriga ______________________________________________

Shirkadda alaabta ______________________________________________

Farmashiyaha daawada guriga ______________________________________________

Dhakhtarka ______________________________________________

Wakhtigii qoraalka 4/2023 Tuubbada Xididka iyo Daryeelka Guriga

Waraaqdan qoraalkeeda gaar kuma aha ilmahaaga, laakiin waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad noo qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga. Macluumaad badan oo ku saabsan baaristan iyo mowduucyada kale ee caafimaadka, fadlan taleefan kula soo xiriir maktabadda Xarunta Tasiilaadka Qoysaska ee Children's Minnesota, ama booqo www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2023 Children's Minnesota

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota