Article Translations: (English) (Spanish)
Waxaa ilmahaaga ballan ah baaris looga qabtay Children’s Minnesota.
Taariikhda:__________________________
Wakhtiga Is-xaadirinta: ___________________
Goobta ballanta:
Children’s Minneapolis
2525 Chicago Avenue South
Minneapolis, MN 55404
Children’s St. Paul
345 North Smith Avenue
St Paul, MN 55102
Children’s Minnetonka
6050 Clearwater Drive
Minnetonka, MN 55343
Fadlan horay u soo qaado kaar(arka) ceymiska ee ilmahaagu haysto. Haddii aad su'aalo ka qabto ceymisku kharashka uu kaa bixinayo ee baarista, ama shuruudo gaar ah oo la xiriira sii-gudbinta, fadlan si toos ah ugala xiriir shirkadda ceymiska. Iyaga ayaa kaala hadli kara waxyaabaha gaarka ah ee qorshaha ceymiska.
Waa maxay baaristu?
Auditory Brainstem Response (Habka Jawaabta Jirridda Maskaxda) (ABR) ama Brainstem Auditory Evoked Response (Xayiraadda Jawaabta Jirridda Maskaxda) (BAER) waa laba magac oo la yiraahdo baarista. Waa sida uu xirfadlaha maqalka ku cabbiri karo sida ay dheguhu ku helaan codka iyo sida ugu sii gudbiyaan neerfaha maqalka ka dibna maskaxda. Baarista maqalka caadiga ah waa ay ka duwan tahay, sababtoo ah jawaab uu ogsoon yahay lagama sugo bukaanka.
Maxay tahay sababta ilmahaygu ugu baahan yahay?
Carruurta ay ku adag tahay in la fahmo in ay cod maqli karaan, baarista noocan ah ayaa nagu caawineysa siyaabaha uu dhawaaqa ama codka ku gaaro dheg kasta iyo sida ay maskaxda u sii gaaraan. Macluumaadka baaristan waxa ay xirfadfadlaha maqalka iyo waalidku ku qorsheysan karaan daaweynta ugu fiican ee ilmaha loo sameyn karo.
Sidee baa baarista loo sameeyaa?
Waxaa muhiim ah in uusan ilmuhu is nuuxin oo jirkiisa dabciyo indhaha oo u xiran inta ay baaristu socoto si loo helo natiijo fiican. Carruurta badankoodu waa ay nuuxnuuxsadaan marka ay soo jeedaan. Sababtaas awgeed, carruurta waa in la suuxiyo (ama la siiyo daawo ay ku dawakhaan oo ay ku seexdaan). Eeg waraaqda macluumaadka "Suuxinta baarista caafimaadka."
Nooca daawada loo isticmaalayo suuxinta ilmaha waxa ay ku xiran tahay da'da iyo culeyska ilmaha. Dhakhtarka ayaa go'aaminaya daawada ugu fiican ee la siinayo ilmaha.
Marka ilmuhu luloodo, baarista ayaa lagu bilaabayaa. Wax dhib ku keenaya ma aha. Dhawaaq ayaa ka soo baxaya sameecad yar oo la dhex gelinayo dhegta. Jawaabaha ayaa waxaa lagu ogaanayaa qalab loogu dhejinayo wejiga foolkiisa kore iyo dhegta gadaasheeda. Xirfadlaha maqalka wuxuu isticmaalayaa kambuyuutar u qoraya jawaabta maskaxda ee dhawaaqa
Maxaan sameyneynaa baarista ka hor?
Waxaa jiri doona cunto iyo cabbitaan ilmaha qaadanayo oo sababtuna waa badqabka ilmaha inta baaristu socoto. Waxaa taleefan laguu soo diri doonaa dhowr maalmood ka hor maalinta baarista oo waxaa laguu sheegayaa cuntada iyo cabbitaanka.
Waxaa waalidka loo sheegayaa in ay ilmaha u soo qaadaan alaab ilmuhu ku ciyaaro, buste, cinjirka masaasadda si ay ilmuhu ugu mashquulaan.
Haddii aad ilmahaaga ku aragto qandho, qufac, ama xanuun, dhakhtarka ayaa go'aamin kara in aan markaas baarista lagu sameyn karin. Fadlan taleefan noogu soo sheeg haddii ilmahaagu xanuunsado.
Maxaan filan karaa baarista ka dib?
Xirfadlaha maqalka ayaa kuu sheegi doona natiijooyinka iyo wixii talo ah oo dhakhtarkii ilmaha ayaa warbixinta loo gudbinayaa.
Marka la suuxiyo ka dib, ilmaha ma waxaa ilaalineysa kalkaaliso sare ilaa uu ilmuhu soo naaxo. Waalid ahaan waxaa laguu sheegi doonaa talooyinka daryeelka guriga.
Talooyinka gaar ahaaneed
Su'aalo?
Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad su'aalo ka qabto baarista, fadlan la soo xiriir kilinigga maqalka, 612-813-7610.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan suuxinta, soo garaac:
_____________________________
Macluumaad badan oo ku saabsan baaristan iyo mowduucyada kale ee caafimaadka, fadlan taleefan kula soo xiriir Xarunta Macluumaadka Qoyska ama booqo: www.childrensmn.org/A-Z.
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2025 Children's Minnesota