Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

BAARISTA DHEECAANKA QANJIRRADA

Article Translations: (English) (Spanish)

Waxaa ballan ah baarista dheecaanka qanjirrada ilmahaaga loogu qabtay isbitaalka Children's ee Minnesota.

Magaca baarista: _______________________________

Taariikhda: _______________________________

Wakhtiga: _______________________________

Fadlan imaada 15 daqiiqo ka hor wakhtiga ballanta oo is xaadiriya. Soo qaad liiska daawooyinka ilmahaaga iyo kaarka caafimaadka.

___ Children's – Minneapolis
Welcome Center, 1st or 2nd floor
2525 Chicago Avenue South
Minneapolis, Minnesota 55404

___ Children's – St. Paul
Welcome Center, 1st floor
345 North Smith Avenue
St. Paul, Minnesota 55102

___ Children's – St. Paul
Endocrine/Diabetes Clinic
Garden View Building, Suite 404
345 North Smith Avenue
St. Paul, Minnesota 55102

Muxuu ilmahaygu ugu baahan yahay baarista?

Baarista waxa dhakhtarka ku ogaanayo waa sida uu u shaqeynayo habdhiska dheecaanka qanjirrada ee ilmahaaga. Habdhiska dheecaanka qanjirrada waxa uu ka kooban yihiin qanjirro soo daaya dheecaan ama hoormoon, oo waxay hagaajiyaan jirka siduu isula falgalo, u korayo, u kobcayo, u sii tarmi karo, iyo sida uu isaga difaacayo xanuunnada.

Ma la joogi karaa ilmahayga marka lagu sameynayo baarista?

Waad la joogi kartaa ilmahaaga marka baarista lagu sameynayo. Waxay qaadaneysaa ilaa ___ saac(adood).

Sidee baan ilmahayga baarista ugu soo diyaarinayaa?

Akhriso macluumaadka oo kala hadal ilmahaaga. Waa in aad fahamsiiso sida loo sameynayo baarista, gaar ahaan waxa ilmuhu arki doono, maqli doono, oo dareemi doono. Uga jawaab su'aalaha oo dhan intii aad awooddo.

Carruurta iyo dhallinta yaryar da' kasta oo ay yihiin waxay soo qaadan karaan alaabta ay rabaan, sida buste, si ay gacantooda ugu haystaan. Carruurta yaryar waxa kale oo caawin kara alaab ay jecel yihiin ama cinjirka la dhuuqo. Carruurta waaweyn iyo dhallinyarada waxay soo qaadan karaan xalleefyo la daawado.

Waxaa laguu soo sheegi doonaa haddii aad baarista ka hor joojineyso daawooyinka. FADLAN NOO SOO SHEEG haddii ilmahaaga loo bilaabay wax ah daawo cusub inta ka horreysa baarista. Raac tilmaamaha soo socda:

___ Waa in uusan ilmuhu waxba cunin ama cabbin wax aan ka ahayn biyo ________________ habeenka ka horreeya baarista. Baarista waa laga baajinayaa haddii ilmahaagu wax soo cuno ama soo cabbo wax aan ka ahayn biyo baarista ka hor.

___ Inta ay baaristu socoto, biyo keliya ama cabbitaan aan sokor lahayn ayaa loo oggol yahay.

___ Si caadi ah ayuu ilmahaagu wax u cuni karaa ama u cabbi karaa.

Sidee baa baarista loo sameynayaa?

Cirbad faleebbe (tuubbo yar oo xidid la geliyo) ayaa la surayaa si looga qaado dhiig la soo baaro. Si looga yareeyo xanuunka marka lagu mudayo cirbadda faleebbaha, kareem ah kabuubyada ayaa loo marinayaa. Kareemka waxa uu kabuubyeynayaa maqaarka qeybta la mudayo. Waa in kareemka loo mariyo ugu yaraan 30 ilaa 60 daqiiqo baarista ka hor. Waalidka ayaa loo sheegi karaa sida kareemka loogu soo marinayo ka hor intaysan ilmaha keenin isbitaalka. Haddii laguu soo sheegayo, kareemka ayaa farmashiyaha la idiinku dirayaa. Sida loo isticmaalayo kareemka, ka eego waraaqda la socota ee "kareemka Kabuubyada (dareen-qaadista)."

Daawo ayaa laga siinayaa faleebbaha. Daawada jirka oo dhan ayey u gudbeysaa oo jirka ayaa ku sameysanaya hoormoon. Ka dib marka daawada la siiyo, dhiig ayaa laga qaadayaa faleebbaha dhowr jeer si loo soo baaro caddadka hoormoonka jirka ku jira.

Baarista ka hor iyo ka dib kalkaaliso ayaa eegeysa calaamadaha jirka (heerkulka, garaaca wadnaha, cadaadiska dhiigga, iyo neefsashada). Baarista qaarkood, waa in sidaas lagu sameeyo marar badan.

Waa maxay waxyeellada daawada?

Magaca daawada

Waxyeellada ilmaha lagu arki karo ama uu dareemi karo:

Aqueous Lupron

barar, dhiigkar kacsan, wareerid, madax-xanuun, dareenka oo is beddela, sokor badan oo dhiigga lagu arko, meeshiii laga muday oo muuqata, kuleyl ah jirka gudihiisa, dhidid, maqaarka oo guduuta

Arginine

xanuun ah xididka, maqaarka oo guduuta, caloosha oo kacda, madax-xanuun, matagid kabuubyo meel keliya ah, kaadi-dhiig

Clonidine

dawakhaad, madax-wareer, wareerid, madax-xanuun, af-qalleyl, caloosha oo kacda, matag, indha-qalleyl, kaadi-dhiig

Cosyntropin

allerji in uu ku kaco – furuuruc, finan, neefsashada oo adkaata, furuuruca allarjiga cuntada, allarji degdeg ah (dhif iyo naadir)

Glucose

sokor caddad ahaan badan oo ku jirta dhiigga, marka sokorow jiro

Semorelin (geref)

xanuun ah meeshii la muday, jirka oo guduuta, caloosha oo kacsan, matag, dhadhanka oo is beddela, madax-xanuun

Maxaan filan karnaa baarista ka dib?

Ka dib markaad dhakhtarka la kulantaan, kalkaalisada ayaa faleebbaha bixineysa. Si adag ugu sheeg in ilmahaagu wax cuno oo wax cabbo. Markaad guriga timaaddaan ilmuhu wuxuu noqonayaa qof luleysan ilaa dhowr saac. Si adag ugu sheeg in uusan socsocon ama nasto 2 ilaa 4 saac baarista ka dib.

___ Carruurta la siiyey daawada clonidine:

Daawadan waxay ilmaha ku ridi kartaa dawakhaad iyo itaal darro. Waalidku ilmaha ha ku caawiyo socodka ama musqusha maalinta baarista. Haddii ay jiraan dawakhaad ama madax-wareer, waa in uu ilmuhu fariisto ama isla markiiba dhabarka u seexdo. Haddii ay suuxdin timaaddo:

  1. Dhabarka u seexi ilmaha oo lugaha kor ugu qaad ilaa 5 daqiiqo ama ilaa uu miyir yeesho.
  2. Lugaha u soo deji oo dhabarka u seexi ilmaha in ka badan 5 daqiiqo.
  3. Fariisi ilmaha ilaa iyo 5 daqiiqo.
  4. Ku caawi in ilmahaagu istaago. U dhawoow oo garab u noqo marka ilmuhu taagan yahay.

Ciyaaro la dhaqaaqayo looma oggola (or-orod, boodbood, baaskiil) dabaal, ciyaaraha kooxaha, iskuul, ama xannaannada carruurta maalinta baarista.

Maxaa kale oo aan u baahnahay in aan ogaado?

Kilinigga ayaa taleefan kuugu soo sheegaya natiijada ama waraaq kuugu soo diri doona 3 iaa 4 toddobaad. Haddii aadan natiijada helin 4 toddobaad ka dib, fadlan taleefan u soo dir kilinigga.

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Wixii su'aalo ah oo ku saabsan sababta ilmaha loo baarayo, fadlan weydii dhakhtarka. Haddii aad su'aalo ka qabto baarista ama sida ilmaha loo diyaariyo, fadlan soo garaac: ___________________

Dibu-eegistii 1/22

 

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota