NEONATAL ABSTINENCE SYNDROME (CILLADDA DHALLAANKA JIRKOODU QABATIMAY MAANDOORIYAHA): CALAAMADAHA IYO DAAWEYNTA
Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)
Waa maxay Neonatal Abstinence Syndrome (Cilladda Dhallaanka Jirkoodu Qabatimay Maandooriyaha)?
Daawooyin badan ama daawooyin ay isticmaalaan hooyooyinka ayaa u sii gudbi kara nuunnaha uurka ku jira. Marka uu nuunne dhasho, ma jirto daawo uga imaaneysa jirka hooyada, balse nuunnuhu waxa uu yeelan karaa calaamado ah wax uu qabatimay. Waxaas ayaa la yiraahdaa Neonatal Abstinence Syndrome (Cilladda Dhallaanka Jirkoodu Qabatimay Maandooriyaha ama NAS), ama Neonatal Opioid Withdrawal Syndrome (Cilladda Dhallaanka Qabatimay Daawo Xanuun oo Culus ama NOWS)
Daawooyinkee ayaa keena calaamadaha NAS?
Waxaa jira daawo ama daawooyin badan oo sababi kara NAS laakiin qaar ka mid ah kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:
Opioids: methadone, buprenorphine (Buprenex® iyo Suboxone®), morphine, oxycodone (OxyContin® iyo Percocet®), oxymorphone, hydromorphone (Dilaudid®), hydrocodone (Norco® iyo Vicodin®), codeine iyo fentanyl (Duragesic®), heroin
Benzodiazepines: lorazepam (Ativan ®), diazepam (Valium ®)
Daroogada kale: cocaine, ecstasy, methamphetamine.
Sidee baa NAS lagu ogaadaa?
Badanaa nuunneyaashu waxay calaamado yeeshaan 2 ilaa 4 maalmood ka dib markay dhashaan. Hase ahaatee, dhallaanka qaarkood ayaa calaamado yeesha kol hore qaarna kol dambe. Calaamaduhu waxay noqdaan kuwo fudud oo dhakhso uga taga ama bilo ayey socdaan. Waxaa adag in la saadaaliyo sida ay nuunnaha u saameyn doonto nooca daawada ama maandooriyihii la isticmaalay, goortii la isticmaalay, iyo haddii ay jiraan qaar badan oo isku mar la isla isticmaalay.
Dhallaanka halista ugu jira NAS waxa laga qaadaa saami ah kaadi iyo saxaro (saxarada koowaad) oo waxaa loo diraa sheybaar si looga soo baaro maandooriye. Waxaa muhiim in dhakhtarka loo sheegto wixii ah daawo ama maandooriye oo ay hooyadu isticmaashay intii ay uurka lahayd. Sidaas ayaa ah sida ugu fiican ee loo caawin karo hooyada iyo nuunnaha, sida loo siin karo daawada saxda ah haddii loo baahdo, iyo sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah ee nuunnaha guriga loola aadi karo dhalashada ka dib. Shaqaalaha caafimaadka ayaa hooyada la wadaagi doona natiijada baaritaan kasta oo la sameeyo si loo fahmo calaamadaha waxa jirku tebayo iyo sida nuunnaha loo daryeelayo.
Calaamadaha waxa jirku tebayo ee nuunnaha waxaa ka mid ah
- Caro, xanaaq xad dhaaf ah
- Gargariirid
- Oohin joogta ah (oo noqon karta qeylo dheer)
- Nuugista cinjirka afka oo ah xoog
- Dhidid
- Shuban
- Sankoo cabburma
- Qandho
- Cunista oo ku adkaata
- Hurdada oo dhibaato ku ah
- Neefsasho degdeg ah
- Matag
- Hamaansi joogto ah iyo hindhiso
- Tigtignaan ah gacmaha, lugaha iyo dhabarka
- Suuxid (ruxmid aan la joojin karin/oo aan marna la xakameyn karin)
Daryeelka Nuunnaha
Waalidka ayaa ah qofka ugu muhiimsan nuunnaha. In nuunnuhu ku dhawaado hooyada, oo ay haysato, in ay hooyada oo ay isu taabtaan maqaar-ilaa-maqaar, iyo in ay ku quudiso oo ku daryeesho nuunnaha jawi deggan ayaa caawin karta nuunnaha lagu arko calaamado ah maandooriye uu jirkoodu tebayo. In waalidku ku dhawaado nuunnaha intii suurtagal ah waa sida nuunnaha lagu baran karo iyo sida ugu fiican ee nuunnuhu raaxo ku dareemi karo. Shaqaalaha caafimaadka ayaa heegan u ah in ay waalidka caawiyaan.
Habka Quudinta, Seexinta, Dejinta
Nuunnaha waa in la quudiyo, la seexiyo, oo waa in la dejin karo maalintii ilaa habeenkii. Qaar ka mid ah nuunneyaasha laga helo NAS waa in ay helaan caawimaad dheeraad ah.
Habka quudinta, seexinta, dejinta waxa uu noqonayaa:
- Quudinta: Waa in nuunnaha si caadi ah loogu quudin karo da'diisa.
- Seexinta: Waa innuunnuhu u seexan karo buuq la'aan ugu yaraan hal saac.
- Dejinta (ama sabaalin): Waa in nuunnaha lagu dejin karo 10 daqiiqo gudahood.
Inta lagu jiro isbitaalka, shaqaalaha caafimaadka ayaa hooyada baraya sida lagu garto dabeecadaha laga filayo nuunnaha dhasha iyo calaamadaha ah waxa jirkoodu tebayo. Si wadajir ah ayaad shaqaalaha caafimaadka, waxaad isla go'aamineysaan sida fiican ee nuunnuhu wax u cuni karo, u seexanayo, iyo sida ugu fudud ee loo dejin karo. Kalkaaliyeyaasha ayaa kuu imaanaya hal mar 3-4 saac oo kasta oo waxay eegi doonaan caafimaadka guud ee nuunnaha iyaga oo u sameynaya qorshe daryeel oo ku fiican. Waxaa lagu siin doonaa Xusuusqorka Daryeelka Dhallaanka si aad ugula socoto inta jeer ee nuunnuhu wax cuno, inta jeer ee uu seexdo, iyo sida fudud ee loo dejin karo.
Xusuusnow, hooyada ayaa ah daaweynta ugu fiican nuunnaha, oo sida ay wax ugu qaban doonto ayaa aad muhiim ugu ah. Hooyada aan la joogi karin nuunnaha inta lagu hayo isbitaalka, waxa ay keensan kartaa dad ka mid ah qoyska iyo asxaaxbta oo ku caawin kara haynta nuunnaha. In kastoo ay isbitaalka joogaan tabarruceyaal caawin kara waalidka, lama heli karo 24/7.
Siyaabo dhowr ah oo loo dejin karo nuunnaha uu jirkiisu wax tebayo waxaa ka mid ah:
- Qolka oo looga dhigo mid aan lahayn buuq iyo sharqan – booqashada oo laga yareeyo, sharqanta oo laga yareeyo marka laga reebo dhawaaq fog iyo in la yareeyo iftiinka qolka
- Waa in ay is taabanayaan jirka nuunnaha iyo kan hooyada
- Isticmaal taabasho tartiib ah – oo si aayar ah jirka ugu salaax si aad nuunnaha ugu dejiso
- Cod gaaban maqashii si aad ugu dejiso
- Ku dheh shuush oo ka mid ah dhawaaqyadii nuunnuhu maqli jiray intii uurka lagu siday
- Nuunnaha gacmihiisa u dhawee afka oo ugu xir markuu afku furan yahay
- Nuuji/afka u geli caano ama cinjirka jaqista
- Istaaji, oo jirka u toosi markaad aayar u ruxeyso
Naasnuujinta
Waa wax ku xiran xaalka nuunnaha. In kasta oo ay badanaa nuujintu u fiican tahay nuunne kasta, shaqaalaha caafimaadka iyo la-taliyeyaasha nuujinta ayaa kuu go'aamin doona haddii nuujintu nuunnaha u fiican tahay. Caanaha hooyada ayaa ah waxa nuunnaha ugu fiican. Waxaan si adag u taageernaa nuujinta oo waxaan ku dedaalnaa wax kasta oo suurtagal ah si loo gaaro yoolalka nuujinta. Haddii laguu sheego inaad nuujiso, waxaa muhiim in aad ogaato joojinta nuujinta in ay si lama filaan ah u kordhin karto calaamadaha la arko ee ah waxa uu jirka nuunnaha tebayo. Ka hor inta aadan nuujinta ka joojin, kala hadal dhakhtarka sida ugu fiican ee aad nuunnaha uga joojin karto nuujinta.
Quudinta ugu bilow calaamadaha gaajada ee hore
Quudi nuunnaha markaad ku aragto calaamado ah kuwa gaajada ee hore. Quudi nuunnaha ugu yaraan 4tii saac hal mar (badanaa hal mar 2-3 saac oo kasta) ilaa nuunnuhu gaaro miisaankii uu ku dhashay.
Maqaar ilaa maqaar
Waa in ay isu taabtaan "maqaar-ilaa-maqaar" marka nuunnuhu soo jeedo. Waa wax ku caawinaya in nuunnaha la quudiyo oo si fiican loo seexiyo iyo in la dejiyo. Waxa kale oo ka yaraan kara calaamadaha kale ee ah waxa jirku tebayo iyo in nuunnaha si fiican loo nuujiyo.
Ruxid/hayn
Qabo nuunnaha ama ku xambaaro go' khafiif ah. In uu qof ku dhawaado nuunnaha waxa uu ku dareemayaa wehel iyo badqabid.
Qol deggan
Dhawaaqa dheer iyo iftiinka dhalaalaya waa wax ka careysiin kara nuunnaha. Waa in qolka looga dhigo mid aan lahayn buuq iyo sharqan ama nal iftiin badan. Adeegso sameecadaha dhegaha haddii aad daawaneyso taleefashin/wax kale. Iska yaree inta jeer ee aad isticmaaleyso taleefanka oo codka ka xir.
Jaqista
Waa in nuunnuhu jaqo cinjir ama farahiisa oo nadiif ah, xataa ka dib marka la quudiyo. Mar kasta hubso in aysan nuunnaha gaajo hayn.
Ka yaree dadka soo booqanaya
Isku day in ay hal ama laba qof oo keliya kugu soo booqdaan qolka markiiba si aad isaga ilaaliso buuqa.
Daryeelka hooyada
Fadlan noo sheeg marka aad rabto in xoogaa lagaa hayo nuunnaha si aad uga nasato.
Badqabidda Dhallaanka iyo Hurdada Fiican
Nuunnuhu ha ku jiro sariirtiisa yar marka aan la qabaneyn. Ha dul saarin nuunnaha sariir weyn oo aad uga tageyso. Dhallaanku waa ay soo dhici karaan.
Dalka oo dhan, waxaa laga helay warbixin ah nuunneyaal ku soo dhacay sagxadda isbitaalka waalidka oo hurda oo quudinaya ama dhabta ku haya nuunnehooda. Waxa kale oo dhacday shil ah waalidka oo hurda oo uu nuunne ay hayeen ka saqiiray ka dib mar ay waalidku naqaska ku celiyeen.
Waalidka qaar ayaa jecel in ay mar kasta qabtaan nuunnaha, laakiin waa ay ku daalayaan. Kala xiriir shaqaalaha ama dadka isbitaalka kugu caawinaya si aad u hesho nasashada aad u baahan tahay ka dib markaad daasho.
Ha la seexan nuunnehaaga markaad ku nasaneyso sariirta, kursiga jiifka ama kursi kale.
- Daalka ama qaadashada daawada xanuunka ee la qaato waxay kordhin karaan halis ah in aad lulooto adigoo haya nuunnaha.
- Markaad lulooto ama aad rabto in aad seexato, nuunnaha seexi sariirtiisa.
- Taleefan u soo dir kalkaalisada haddii aad rabto in lagu caawiyo. Akhriso macluumaadka kuugu jira galka ee ku saabsan hurdada aan dhibaatada lahayn iyo meelaha ugu fiican ee la seexiyo nuunnaha.
Daawada iyo daaweynta
Haddii aad nuunnaha quudineyso, seexineyso, oo aad si fudud u dejin karto, uma baahna daawo oo waxaa isbitaalka lagu hayn doonaa ilaa 5 maalmood si loola socdo. Haddii nuuunnuhu dhibaato ka qabo cuntada, hurdada, oo ay adag tahay in la dejiyo sababta oo ah calaamadaha waxa jirku tebayo, waxaa la siin karaa daawo caawineysa. Si wadajir ah, adiga iyo shaqaalaha ayaa go'aamin doona haddii daawo loo baahan yahay si loo yareeyo calaamadaha. Haddii daawo loo baahdo, dhallaanka ayaa lagula socon doonaa qalab dhex yaalla Special Care Nursery (Xarunta Xannaanada Gaarka ah) ama Neonatal Intensive Care Unit (Qeybta Daryeelka Degdegga ah ee Dhallaanka).
Dhallaanka qaarkood waxay u baahan yihiin xoogaa daawo ah balse qaar kale waxa ay u baahan karaan daawo 10 ilaa 14 maalmood. Marmar, ama xataa muddo ka badan ayuu nuunnuhu u baahan karaa daawo. Waxaa muhiim ah adiga ama xubin kale oo qoyska ka mid ah in aad ka qeybqaadataan daryeelka nuunnaha inta lagu hayo isbitaalka.
Isu-diyaarinta Aadista Guriga
Shaqaalaha caafimaadka waxay sameyn doonaan qiimeynta nuunnaha si ay u go'aamiyaan marka nuunnaha guriga loo wareejin karo. Nuunnuhu waxa uu diyaar u yahay guriga marka:
- Si fudud loo quudin karo oo uu miisaanka jirkiisu caadi yahay
- Garaaca wadnaha uu caadi yahay, cabbirka neefta iyo heerkulka
- Si caadi ah loo quudin karo, loo seexin karo oo la dejin karo, gaar ahaan hooyada
- Loo qabto dhakhtarka loo geyn doono iyo ballan ah la-socoshada xaalka
- Loo gudbiyo taageero ah nooca bulshada, haddii ay ku fiican tahay
Daryeelka nuunnaha ee guriga
Marka nuunnaha la geeyo guriga, dhowr toddobaad ayaa lagu sii arki karaa calaamadaha. Calaamadaha muuqda, waxay noqon karaan khafiif marka nuunnaha la geeyo guriga, oo si ah tartiib ayey uga yaraan doonaan. Helitaanka nasashada badan ee hooyada iyo nuunnaha aad ayey muhiim ugu tahay.
Booqasho ah kalkaalisada daryeelka guriga ayaa la idiin ballamin karaa. Kalkaalisadu waxay hubsan doontaa calaamadaha nuunnaha, miisaanka jirka, daawooyinka loo soo qoray, iyo in ay ka jawaabo su'aalo kasta oo waalidku qabo. Kalkaalisada guriga waxay waalidka siineysaa talo ku saabsan daryeelka iyo waxa jirku tebayo iyo weliba mawduucyo kale oo badan oo la xiriira daryeelka nuunnaha. Hooyada ayaa nuunneheeda qof kasta uga aqoon badan. Ku kalsoonow dareenkaaga. Kalkaalisada daryeelka guriga kala hadal ama la xiriir dhakhtarka mar kasta oo aad dareento in ay jiraan wax aan sax ahayn.
Haddii nuunnaha daawo loogu qoray waxa jirkiisu tebayo inta uu ku jiro isbitaalka, waxa loo gudbin doonaa adeegyada waxqabadka hore oo ah wax ay bixiyaan gobolka iyo Intensive Care Follow-Up Clinic (Kilinigga La-socoshada Daryeelka Degdegga ah) ee Children’s Minnesota. Waxaa waalidka taleefan u soo diraya shaqaalaha waxqabadka hore (Help Me Grow ama Birth to 3) si nuunnaha loo qiimeeyo iyo Intensive Care Follow-Up Clinic (Kilinigga La-socoshada Daryeelka Degdegga ah) si ay ballan ugu qabtaan. Yoolka adeegyadan waa in dhallaanka lagu caawiyo in ay gaaraan kobocooda maskaxeed si aysan uga dibdhicin.
Daryeelka kilinigga caafimaadka
Waxaa muhiim in aad nuunnaha u doorato dhakhtar iyo/ama kilinig aad mar kasta u geysan doonto. Waxaa laguu sheegi doonaa in aad ballan u qabato nuunnaha ka hor intaadan guriga la aadin ama aadan kala bixin isbitaalka. Ballanka koowaad iyo ballamaha kale ee ah la-socoshada waa wax aad muhiim ugu ah si loo ogaado caafimaadka nuunnaha. Weliba dhakhtarka waa meesha ugu fiican ee aad wixii su'aalo ah weydiin karto. Haddii nuunnaha loo qoro daawo looga hortagayo waxa jirku tebayo, waa in aad nuunnaha kilinig u geyso hal mar ka dib 7-10 maalmood. Kilinigga markaad keento, shaqaaluhu waxay:
- Nuunnaha u sameyn doonaan wiisiteyn guud (oo waxay ogaanayaan in ilmuhu kobcayo oo si fiican u weynaanayo)
- Nuunnaha ka eegayaan calaamado ah waxa jirku tebayo
- Nuunnaha u go'aamin doonaan haddii daawada laga joojinayo
- Nuunnaha u sameyn doonaan dibu-buuxiska daawada, haddii loo baahdo
Tasiilaadka Children’s Minnesota:
Kilinigyada Takhasuska Carruurta
Kilinigga Minneapolis: 612-813-6107
Kilinigga St. Paul: 651-220-6700
Breastfeeding Resource Center
Minneapolis: 612-813-6250
St. Paul: 651-220-6368
Children’s Home Care
612-813-6246
Su'aalo?
Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa wax ah macluumaad guud. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga.
6/2024
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2024 Children's Minnesota