Article Translations: (English) (Spanish)
Diazepam (Valtoco) sanka laga qaato (duleelka sanka) waa daawo la isticmaali karo muddo yar si loogu joojiyo suuxdinta aan iskeed u joogsan karin. Daawadan marka ilmaha la siiyo waxay suuxdinta uga joojineysaa 10 daqiiqo gudahood.
Diazepam (Valtoco) sanka laga qaato (duleelka sanka) waa in sanka lagu buufiyo. U sii daawada sida uu dhakhtarku kuugu sheegay.
Sida ilmaha sanka gudihiisa looga siiyo midazolam:
Diazepam nooca sanka laga qaato waa daawo ah benzodiazepine. Daawooyinka Benzodiazepine waxay hoos u dhigaan dhaqdhaqaaqa maskaxda iyo habdhiska dareenka, oo waxaa la yiraahdo dajiyeyaal. Qaadashada benzodiazepines iyo daawada xanuunka daran, aalkolada ama daawa kasta oo dejisa habdhiska neerfaha waxa ay sababi karaan dawakhaad daran iyo dhibaatooyin ah neefsashada. Kala hadal dhakhtarka wixii ah talooyinka isticmaalka daawada.
Daawadan sida loo istcmaalayo waa hadba sidii loogu baahdo. Ha siin ilmaha wax ka badan inta uu dhakhtarku kuu sheego.
Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga.
Wahtigii qoraalkan 8/2025
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2026 Children's Minnesota