Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)
Haddii ilkaha laga soo bixiyo ilmaha, dhiigbax ayaa ku dhici kara maalinta ugu horreysa. Sii cabitaan qabow ama jallaatada dhuban ee Popsicles® si uu dhiigbaxu uga joogsado. Haddii dhiiggu sii socdo, ku dabool faashad isku laaban meesha oo gacanta kula qabo ilaa 10 daqiiqo. Haddii dhiiggu ka joogsan waayo, taleefan u soo dir dhakhtarka.
Lallabo (calool-xanuun) iyo matag (hunqaaco) ayaa caadi ahaan ku dhici kara 24ka saac ee ugu horreeya qalliinka ka dib. Haddii ilmuhu matago, dhiig ayaa soo raaci kara (wax guduudan ama madow oo ah kafee).
Afka ayaa ilmaha xanuuni kara ilaa dhowr maalmood. Bishimaha iyo wejiga hoose ayaa barari kara hal ama laba maalmood ka dib qalliinka. Baraf ama maro qoyan dul saar bararka bishimaha haddii loo baahdo maalinta koowaad.
Waraaqda Tilmaamaha Bixitaanka ka eego wixii talo iyo tilmaamo gaar ah oo ku saabsan xakameynta xanuunka iyo goorta aad mar kale la kulmi doontaan dhakhtarka qalliinka.
Maalinta qalliinka, ilmaha maro qoyan uga soo nadiifi ilkaha, ama waxaad ugu soo luqluqi kartaa biyo diirran.
24 saac ka dib, waa in aad burush ugu cadeydo ilkaha ugu yaraan laba jeer maalintii. Haddii uu daboolka ama taajku jilco ama ka soo dhaco ka hor inta aysan ilkuhu u soo bixin, meel ku xafid taajka oo taleefan u soo dir dhakhtarka ilkaha.
Ku dhiirrigeli cabitaan qabow maalinta ugu horreysa. Marka ilmuhu diyaar u yahay, ugu dar cunto jilicsan oo si fudud loo calalin karo (cunto aan ahayn wax culus, adag, ama qallafsan), sida:
Cuntada caadiga ah ayaad ilmaha siin kartaa marka uu cuni karo. Haddii taajka daboolka ah ee ilmaha uu yahay macdan, ka ilaali oo yaan la siin xanjo iyo nacnac ah dhegdheg sida karamel, nacnaca adag, ama nacnacqori.
Dhaqdhaqaaq fudud ayuu ilmuhu sameyn karaa maalinta qalliinka oo ka dibna waa caadi.
Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa wax ah macluumaad guud. Haddii aad qabto wax su'aalo ah fadlan taleefan u soo dir kilinigga.
Wakhtigii qoraalkan 6/2020
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2026 Children's Minnesota