Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Xanuunka Down syndrome

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay Down syndrome iyo sidee buu yimaadaa?

  • Down syndrome waa xaalad hiddeside oo ka timaadda 3 koobbi oo ah hiddesideha 21aad.
  • Hiddesideyaashu waa qaab dhismeedyo ku guda jira unugyo haya tilmaamo muhiim u ah korriinka iyo koboca jirkeenna.
  • Caadi ahaan dadku waxay leeyihiin 2 koobbi oo ka mid ah hiddeside kasta, mid ay hooyada ka dhaxlaan iyo mid ay aabbaha ka dhaxlaan.

Sidee buu ku yimaadaa koobbiga dheeraadka ah ee hiddesideha 21aad?

  • Sida badan xanuunkan wuxuu ku yimaadaa si nasiib ah ka dib marka unug kasta oo qof jirkiis ku jira uu yeesho koobbi dheeraad ah oo ah hiddesideha 21aad.
  • Mararka qaarkood xanuunkan waxaa sabab u noqda hiddeside qeyb ahaan meel kale ku sameysma. Taasi waa wax dhaca marka qeyb ka mid ah hiddesideha 21aad uu ku dhego hiddeside kale, oo sidaas ayuu ugu sii gudbaa ilmaha uurka ku jira iyadoo uu la socdo 2 koobbi oo ah hiddesideha 21aad oo caadi ah. Xanuunka noocan ah ee Down syndrome waa mid ay qoysasku isu gudbiyaan, laakiin waa mar dhif ah.
  • Mosaic Down syndrome oo ah xanuun kale oo ka yimaada hiddeside dheeraad ah ayaa jira oo waxaa la arkaa marka unugyada qaarkood uu ku jiro hiddesideha 21aad, laakiin kuma jiro unugyada oo dhan. Arrintan waa mar dhif ah.

Maxay yihiin calaamadaha iyo astaamaha xanuunkan?

Xanuunkan siyaabo kale duwan ayuu dadka ugu dhacaa, oo weliba qof kasta wuxuu wataa waxyaabo gaar ku ah. Waxyaabaha caam ah iyo astaamaha xanuunkan waxaa ka mid noqon kara:

  • Kala dhimmanaansho maskaxda ah ilaa xad
  • Itaal darro murqaha ku dhacda
  • Wadne jiran
  • Qanjirka taayroodka oo shaqadiisu gaabiso
  • Dibudhac ku yimaada koboca maskaxda iyo hadalka
  • Maqalka oo ka xumaada ama dhega la'aan
  • Aragga oo ka xumaada ama indha la'aan
  • Quudinta oo dhib noqota

Daryeelka Caafimaadka

Carruurta xanuunkan qabta waxay u baahan karaan daryeel ay ka helaan shaqaale caafimaad oo haysta takhasusyo kala duwan, waxaana u wehelin doona dhakhtarka guud ee ay la xiriiraan.

Waxaa jira waxyaabo lagu caawiyo laguna maareyn karo daryeelka carruurta qabta xanuunkan. Waxyaabahaas waxaa ka mid ah:

  • Nafaqada iyo quudinta
  • Habka uu u shaqeeyo taayroodka
  • Dhibaatooyinka mindhicirrada
  • Aragga iyo maqalka
  • Hurdada
  • Koboca maskaxda iyo waxbarasho
  • Dhibaatooyinka wadnaha
  • Baarista hidderaaca

Goor hore in wax loo qabto

Barnaamij la yiraahdo Help me Grow, ilmaha kol dhow dhashay ilaa 3 jir

  • Waa adeeg bilaash ah oo ilmaha gurigooda loogu yimaado, kaasoo ilmaha ka caawiya koboca maskaxda.
  • Barnaamijkan badanaa wuxuu hayaa dabiibid jimicsi ah, dabiibid ah waxqabsiga jirka, iyo dabiibid hadalka ah, balse waxa uu ku saleysan yahay baahida ilmaha.

Dabiibid gaar ahaaneed ayey manaafacaad ka helaan qaar ka mid ah carruuraha xanuunkan qaba ee u baahan in waxyaabaha qaarkood lagu siiyo caawimaad dheeraad ah.

Iskoolka

Laga bilaabo da'da ah 3 jir waxaa loo heli karaa barnaamij waxbarasho gaar ah, oo ay goor hore u sii bilaabaan iskoolka degmada ee ilmahaagu ku nool yahay.

Kolka ilmahaagu gaaro da'da iskoolka waxay isku fasal noqon doonaan ilmaha ay is le'eg yihiin ee caadiga ah, balse waxaa la siin doonaa xiisado waxbarasho gaar ah.

Qorshaha Waxbarashada Shakhsiga ah (IEP) ayaa ilmahaagu ka heli karaa manaafacaad lagu hubin karo in lagu caawiyey baahidiisa keli ahaaneed.

Su'aalo?

Warqaddan ilmahaaga gaar kuma aha ee waa mid aad ka heleyso macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad wax su'aalo ah qabto fadlan weydii dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha ilmahaaga.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota