Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Dhayida boogaha

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay boogtu?

Boogtu waa iyadoo oo uu dhaawac gaaro maqaarka kaasoo ay sababtaya laceration (wax gooyeen), abrasion (xoqniin), daloolin ama jeexdin (jeexdin la sameeyay yadoo la qaliin jiro ama xaalad caafimaad oo fudud). Qaar ka mid ah boogahu waxay u baahan yihiin in la talo ama la qodbo si loo daboolo meesha.

Dhamaan markay bogsadaan booguhu waxay meesha kaga tagaan calaamado. Calaamaduhu waxay ku yaraan karraan haddii laga saaro qodobada wakhtigii loogu talagalay, waxay kale oo ka hortagaan infekshanka ama carunka sidoo kale waxay ka hortagaan inay mar labaad ay noqoto boog meeshu markay bogsanayso. Kareemka loo marsado qoraxadu (sunscreen) wuxuu ka hortegi karraa in qoloftu madoobaato.

Sidee ayaan u hagaajin karaa cunugayga boogtiisa?

___ Nadiifinta boogta 

Si fudud u nadiifi qodobada ama boogta sida laguugu sharaxay ado isticmaalaya saabuunta ka hortagta bakteeriyada iyo biyo. Samee sedan maalintii 2ba mar ilaa inta qodobada laga saarayo ama ay bogsanayso boogtu. U nadafii si wareeg ah adoo isticmaalaya gacantaada. Ka dibna qalaji meesha marka aad nadiifisid ka dib.

___ Markasta oo aad nadiifisid ka dib, mari wax yar kiriimka anibaayootiga ah meesha ama qodobada toliinka ee boogta 2 ama 3 jeer maalintii. 

Qodobada wajiga ah, kareemka anitbaayootiga ah waa lagu wadayaa ilaa inta laga bixiniyo.

In la daboolo boogta 24 saac ka dib ma aha muhiim, haddii aan dhakhtarku codsanin.

___ Bedelida daboolka saran boogta (bandage):

  1. Diyaarso meel nadiif ah adigoo ku nadiifinaya meesha dusheeda waxyaabaha aad guriga ku nadiifisid (sida Lysol® ama nooc kale) ka dibna ku googol shukumaan nadiif ah.
  2. Ugu dhaq gacmahaaga si fiican saabuun iyo biyo, ama isticmaal alcoholka lagu nadiifiyo gacmaha.
  3. Ururi waxa aad u baahan tahay:
    • wax lagu daboolo (faashad ama nooc kale oo bandage ah)
    • sharooto (u jarjar si dhaadheer)
    • kareem, haddii laguu qoray
  4. Fur baakada faashadaha
  5. Ka qaad faashadii hore. Fiiri boogta in ay leedahay dheecaan faashadii hore.
  6. Ku rid faashadii hore meesha qashinka.
  7. Dhaq gacmahaaga mar kale.
  8. U nadiifi boogta sida kor ku xusan.
  9. Saar faashad cusub, adigoo ku bilaabaya mid yar ilaa mid wayn.
  10. Ka dibna ku dheji sharootada.

Maxaan kale oon u baahanahay inaan ogaado?

Inta ay qodabadu ku jiraan meesha looma baahana in la dabaasho iyo in lagalo waaskada biyaha. Qubayska waa la ogolyahay. Ka ilaali boogta qoyaanka ilaa dhakhtarku kuu ogolaado maahee.

Lama ogola ciyaar adag ama sportiga lagugu damqi karro; ilaali boogta ilaa __________________________________.

Sanad ka dib marka ay boogtu bogsato, mari kareemka qoraxda (sunscreen) marka aad joogto meelaha qoraxada leh si aad uga hortagto inay meeshu madoobaato.

Goorma ayaa loo baahan yahay in lag saaro qodobada?

Qodobada qaarkood waxay ka hooseeyaan maqaarka iskood ayayna u baa’baan. Qodobad kale waxay u baahan yihiin in laga saaro meesh Inta ay ku jirayaan qodobadu waxay ku xidhan tahay meesha iyo qiyaasta ay boogta.

___  Qodabada waxa laga bixin doonaa ___________ maalmood dhakhtarka ilmahaaga ayaa ka bixin doona. Samayso ballan sida ugu dhakhsaha badan, si loo sameeyo maalinta loogu talagalay. Haddii aan dhakhso looga gurin qodobada waxay ku reebi doonaan calaamado badan maqaarka. Haddii ay qodabadu iskood u daataan, ku xir sharooto soo wacna kiliniga.

Goorma ayaan soo wacaa kilinga?

Soo wac kiliniga haddii boogta aad ku aragtid calaamadan kasta oo infekshan ah:

  • meesha oo xoog u casaata
  • dheecaan cas oo ka imanaya meesha
  • barar badan
  • xanuun badan
  • ur qarmuun oo ka imaanaysa boogta
  • malax ka timaada boogta
  • barar iyo kabaabyo ka hoosaysa boogta
  • adigoo dhaqaajin kari waaya kala goyska ka hooseeya boogta
  • qandho ka saraysa 101° F (38.4° C)

Waxyaabaha kale ee loo baahanyahay in la sameeyo:

____________________________________________________________

____________________________________________________________

____________________________________________________________

Su’aalo?

Warqadan ama warbixintani ku ma saabsana ilmahaaga oo keliya, laakiin waa warbixin guud. Haddii aad qabtid wax su’aal ah, fadlan wac bukaan eegto. 

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota