Article Translations: (English) (Spanish)
Jeermiska qaarkiis si fudud ayuu hawa ahaan ugu sii gudbi karaa bukaannada kale. Xakameynta qoyaanka cunaha waa hab looga hortago in xanuun la isu gudbiyo.
Sababta ilmahaaga loogu daray xakameynta qoyaanka cunaha waa xanuun uu qabo ama qabi karo. Xakameyntan waa sida lagu yareeyo fursadaha ay ku dhici karto in ilmaha kale uu wax jeermis ah u sii gudbo.
Macluumaad dheeraad ah: __________________________________________________
Waa inuu ilmahaagu qolka ku jiro. Haddii uu marayo baaritaannada qaarkood dibadda ayaa loo soo saari doonaa iyadoo la sameyn doono xakameynta taabashada.
Waraaqda irridka ku dheggan ee qolka uu ilmahaagu jiifo ayaa shaqaalaha xusuus u noqoneysa inta ay gudaha ku jiraan in ay xirtaan maasgaro. Shaqaaluhu gacmaha ayey meyran doonaan intaysan soo galin qolka ilmahaaga iyo marka ay ka baxayaan.
Haddii aad wax su’aalo ah ka qabto xakameynta gaarka ah fadlan weydii kalkaaliyeyaasha.
Waxaa ilmahaagu aadi karaa qolka ciyaarta wakhtiyada aysan carruurtu joogin, sida fiidkii iyo aroortii. Alaabta carruurtu ku ciyaarto waxaa nadiifin doona shaqaalaha isbitaalka ka dib marka ilmahaagu ku ciyaaro. Isticmaalidda qolka ciyaarta fadlan kala hadal shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee ilmahaaga.
Warqaddan ma aha mid gaar ku ah ilmahaaga, laakiin waxaa ku qoran macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad qabto wax su’aalo ah, fadlan weydii dhakhtarka ama kalkaalisada ilmahaaga.
Reviewed 3/2019
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2024 Children's Minnesota