Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Caafimaadka Dhimirka oo Waalidku Toos Ula Soconayo

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Hordhac

In aad keento isbitaalka ilmahaaga oo ka xanuunsan dhimirka ama madaxa looga jiro waa dhibaato weyn oo naxdin badan. Markaad isbitaalka joogtaan, waxaan kuu hubnaa in ilmahaagu badqabid helayo adiga oo nala shaqeynaya oo aan marna ka tageyn ilmaha oo keligood ah. Waxaan kaa rabnaa in aad adigu la joogto oo si toos ah u ilaasliso ilmahaaga.

Waa maxay ilaalinta joogtada ah ee ilmaha?

Ilaalinta joogtada ah ee ilmahaaga waa in ay khasab kugu tahay in aad adigu mar kasta isha ku hayso oo ka war hayso. Waa in aad ilaaliso gacmaha ilmaha si aad u hubiso in uusan ilmuhu isku diyaarin karin ama uusan waxyeello gaarsiin karin naftiisa ama adiga.

Maxaa khasab igu ah in aan sameeyo marka aan si toos ah ula soconayo ilmahayga?

  • Indhahaaga kula soco gacamaha ilmaha. Ogow in ilmuhu ku ciyaarayo oo keliya waxyaabo uusan jirkiisa ku goyn karin ama isku dhaawici karin.
  • Marna ha ka tegin ilmaha oo aan lala joogin, xataa marka uu ilmuhu musqusha galayo.
  • In kasta oo aad haysato taleefankaaga oo aad isticmaali karto, fadlan taabo batoonka kalkaalisada ka hor intaadan qolka ka bixin si aad uga jawaabto taleefanka ama farriimo qoran ama si aad adigu taleefan u dirsato.
  • Qolka gudihiisa khaanadaha bukaanka ku xafido alaabta aad wadato, sida kambuyuutar ama shaashado xalleefsan.
  • Markaad isticmaaleyso batoonka kalkaalisada, uga yeero kalkaalisada haddii aad qolka ka baxeyso sabab ay ahaataba (musqul in aad aaddo, cunto, iwm.).
  • Si degdeg ah ugu yeero kalkaalisada haddii aad welwel ka qabto badqabidda ilmahaaga.

Ka warran haddii aad daallanahay oo aan u baahnahay in aad seexdo aniga oo ilmahayga la jooga?

U yeero kalkaalisada si ay kuugu caawiso qorshe kale oo aad kula socon karto badqabidda ilmahaaga.

Waa maxay qolka badqabidda?

Waxaad laga yaabaa in aad maqasho shaqaalaha caafimaadka oo ka hadlaya "qolka badqabidda"? Qolalka noocaas ah, waxyaabo taxaddar ah ayaa ilmaha lagu ilaaliyaa si ay ugu helaan badqabid. Waxyaabahaas qaarkood waxaa ka mid ah:

  • Waxaa ilmaha la siinayaa dhar isbitaalku soo oggolaaday oo ay xirnaanayaan inta ay qolkaas dhex joogaan.
  • Nal waa in uu ka dhex shidnaado mar kasta si aad adiga iyo shaqaalaha ula socon kartaan ilmaha.
  • Waxyaabaha halista ah, sida wax fiiqfiiqan, xargo, iyo baco balaastig ah kuma jiraan qolalkaas oo waa la soo xaqiijiyey.
  • Qolka badqabidda looma oggola kambuyuutar shakhsi ah, xalleefyo, ama qalab kale oo casri ah oo dadku isticmaalo. Bukaanku kuma dhex haysan karo wax taleefan ah.
  • Fargeetada iyo malqacadaha cuntada waa kuwa caag ah. Lama oggola cabitaan qasacadeysan, biyaha caagagga, ama biyo dhalo ku jira.
  • Hadyado lama oggola.
  • Boorsooyin nooc kasta lama oggola. Meel alaabta lagu xirto ayaa dadka loo hayaa.
  • Ilmahaagu qolka kama dhex bixi karo haddii uusan musqul aadeyn, oo haddii lagu soo sameynayo baaris iyo hawl caafimaad waxaa kaxaynaya shaqaalaha caafimaadka. Khasab ayey kugu tahay in aad ilmahaaga u raacdo musqusha.
  • Waxa uu ilmuhu sameyn karo ee loo oggol yahay waxaa kuu sheegaya qof ah adeegaha bulshada ee isbitaalka.

Qofkee baa si joogto ah u ilaalin kara ilmaha?

Qofka si joogto ah u ilaalin kara ilmaha waa waalid sharciyeysan ama daryeele sharci ahaan loo aqoonsan yahay oo gaaray ama ka weyn 18 sano. Waa in uu qofka weyn la joogi karo ilmaha bukaanka ah oo uu mar kasta isha ku hayn karo.

Haddii ilmahaagu isku filan yahay oo uusan u baahneyn in aad ilaalisaan adiga ama qof kale oo weyn. waxaan idinku caawin karnaa in lagu ilaaliyo hab kale oo toos ah. Shaqaalaha isbitaalka Children’s waxay xaq u leeyihiin in ay beddelaan qorsheyaasha ilaalinta oo waxay markii ay rabaan diidi karaan ama eryi karaan masuulka/qofka kuu ilaalinaya ilmaha.

Su'aalo?

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan weydii kalkaalisada, adeegaha dadweynaha, ama dhakhtarka.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota