Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

GOYNTA HILIBKA SANKA IYO TUUBBOOYINKA DHEGAHA

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa wax caadi ah in hal qalliin carruurta looga gooyo hilib bukooda oo sanka ku jira iyo in loo geliyo tuubbooyinka dhegaha.

Waa maxay hilibka sanka?

  • Hilibka sanka waa xuubab isku dheggan oo ku yaalla qebta dambe ee ah barta ay iska galaan sanka iyo cunaha.
  • In kasta oo inta badan la isku yiraahdo "hilbaha sanka" sidii iyaga oo ah hilbo badan, run ahaantii waa hal hilib keliya.
  • Hilibkaasi waa qeyb ka mid ah habdhiska difaaca jirka. Habdhiska difaaca jira waxay la dagaallamaan jeermisyada xanuunka keena. Hilibkaasi si kasta, ma aha oo keliya qeyb aad u yar oo ka mid ah habdhiska difaaca. Carruurta laga gooyey hilibka sanka (iyo xataa qumanka), celcelis ahaan kama xanuun badna carruurta kale ee "loo daayo" hilibka sanka. Dhab ahaantii, carruurta hilibkaas laga gooyo qaarkood wixii xanuun ah oo ku dhacaya ayaaba ka yaraada kuwa aan laga goyn, sida infakshka sanka oo soo noqnoqda.

Muxuu ilmahaygu ugu baahan yahay in laga gooyo hilibka sanka?

Waxaa jira dhowr sababood oo uu qofka dhakhtarka ah ku talin karo in loo soo gooyo hilibka sanka ee ilmahaaga sida:

  1. Si ilmaha loogu caawiso inuu si fiican u neefsado oo u seexdo marka laga gooyo hilibka sanka. Haddii uu hilibku ku weynaado ilmaha, waxaa qeyb ahaan ka xirmi karta neefta marka uu hurdo oo waxay ku keeni kartaa khuuro, hurdo la'aan iyo hurdo xumo guud.
  2. Infakshanka dhegaha ee soo noqnoqda ama dareeraha dhegta dhexe ee joogtada ah. Hilibka sanka wuxuu ku yaallaa meel u dhow tuubbada isku xirta cunaha gadaale iyo sanka. Hilibka sanka oo weyn ama si joogto ah u bukooda ayaa u horseedi kara in ay xumaato tuubbadaas. Marka hilibka sanka la gooyo, caabuqa dhegta iyo dhacaanka ah ayaa yaraada.
  3. Weliba waa sabab kale oo uu ku yaraanayo infakshanka soo noqnoqda ee sanka. Carruurta qaar waxaa lagu arkaa caabuqa sanka oo ah xab cagaar ama huruud ah. Mararka qaar dheecaanka waxaa lagu daaweeyaa antabiyootig, laakiin waxa uu soo noqdaa daawada ka dib; taas ayaa calaamad u ah in uu jiro infakshanka hilibka sanka. Marka hilibka laga gooyo ayuu dhibkaasi harayaa, laakiin kama hortagi karo hargabka caadiga ah ama waxyaabaha kale ee dheecaanka ka keena sanka.

Sidee loo soo gooyaa hilibka sanka?

  • Hab qalliin ah ayaa loo soo goynayaa hilibka bukooda ee sanka gudihiisa. Habka qalliinkan ah waa la yiraahdaa 'goynta hilibka-sanka'. Waxa suuxin ka dib saalada qalliinka ku sameynaya waa dhakhtarka qalliinka dhegaha, sanka, iyo cunaha. Qalliinkan wuxuu caadi ahaan qaata 20 ilaa 30 daqiiqo.
  • Inkasta oo uu hilibka sanka ku yaallo dhanka dambe ee dhuunta, marka la soo gooyo waxaa laga soo saaraa afka oo ma jirayaan nabarro wax ah oo arkayo qalliinka ka dib.
  • Waa qalliin ka duwan kan qumanka, oo dhakhtarka qalliinka si buuxda uma soo goynayo dhammaan hilibka sanka ee ku yaalla cunaha/sanka barta ay kulmaan. Waxaa suurtagal ah in uu hilibkaasi "dib u baxo" oo uu mar kale calaamadihii yeesho. Hase ahaatee, waa wax dhif ah in ilmuhu u baahdo in hilibkaas mar labaad laga gooyo.

Waa maxay tuubbooyinka dhegaha?

  • Tuubbooyinka dhegaha waa caagag yaryar ama tuubbo bir khafiif ah oo qalliin ahaan lagu geliyo dhegaha (oo waxa kale oo la yiraahdaa durbaanka dhegta).

Muxuu ilmahaygu ugu baahan yahay tuubbooyinka dhegaha?

  • Tuubbooyinka dhegaha ayaa lagula taliyaa carruurta uu ku dhaco caabuqa badan ee dhegaha ama durbaanka dhegahooda lagu arko qoyaan joogto ah. Labadaas dhib ee caafimaadka ah waxay ku badan yihiin da'da u dhaxaysa 6 bilood iyo 3 sano, balse carruurta waaweyn ayaa iyaguna mararka qaarkood qaba dhibaatadaas.
  • Markuu jiro infakshan ah dhegta, qoyaan ayaa ku urura durbaanka dhegta gadaashiisa meel dhexe. Caadi ahaan marka ay ilmuhu ka bogsadaan infakshanka dhegaha, dheecaanka iyo qoyaanku waxay ka baxaan dhegaha tuubbo ka baxda oo wixii dareere ah sii raacisa Tuubbada Dhexe.
  • Mararka qaarkood dareeruhu ma baxo sababta oo ah tuubbadii qaadi lahayd ayaa weli bararsan oo aan furneyn. Dheecaan ku xayirma durbaanka dhegta wuxuu keenaa maqal la'aan sababta oo ah waxa uu dhegta ka hor istagayaa in ay sharqan si caadi ah u soo gasho.
  • Tuubbooyinka dhegta waxay fududeeyaan in ay hawadu soo gaarto dhegta dhexe. Sida xumbada waaweyn oo ku jirta haanta biyaha ee qaboojiyaha, hawadu waxay u baahan tahay inay gasho dhegta dhexe si uu dareeruhu uga baxo. Muddo ka dib, "hawo-qaadashada" waxay qofka ku caawineysaa inay yareyso bararka Tuubada Dhexe oo waxaa dhacaysa in ay dhegtu si caadi ah u shaqeyso mar kale. Sababtaa ayaa tuubooyinka dhegta mararka qaarkood loogu yeeraa tuubooyinka hawo-keeneyaasha ama tuubooyinka dheellitirka cadaadiska (ama tuubooyinka PE.)

Sidee loo geliyaa tuubbooyinka dhegta?

  • Tuubooyinka dhegta waxaa geliya dhakhtarka qala dhegaha, sanka, iyo cunaha. Weyneyso ayaa la isticmaalaa, oo waxaa la in yar la duleeliyaa durbaanka dhegta. Tuubbada ayaa markaas la dhex gelinayaa duleelka.
  • Maaddaama tuubbooyinku aad u yar yihiin, hawshan waa mid u baahan miyir badan. Haddaba carruurtu aayar uma joogi karaan inta hawshu socoto, markaas waa in lagu qolka qalliinka lagu suuxiyo marka la geeyo. Qalliinkan wuxuu guud ahaan qaata 5 ilaa 10 daqiiqo.

Dheecaanka soo baxaya tuubbada dhegta ka dib

Infakshanka dhegta weli waa suurtagal tuubbooyinka dhegaha ka dib in lagu arko dheecaan ka imaanaya dhegaha. Haddii uu dheecaan ka soo baxo hal ama labada dhegood ee ilmaha, dhakhtarka ENT ayaa ilmaha u qori doona daawo antabiyootig ah.

  • Haddii dheecaan la arko, waxaa ilmaha loo bilaabi karaa goojo antabiyootig ah marka loo soo sheego shaqaalaha ENT iyadoo lagu soo codsanayo Kadinka Intarnetka ee MyChildrens ama waa in lala soo xiriiro kilinigga
    ENT 612-874-1292 maalmaha shaqada (Isniin ilaa Jimce 8da subaxnimo
    ilaa 4:30 galabnimo)
  • Fadlan sidoo kale waa in lala soo xiriiro kilinigga ENT saacadaha shaqada ee caadiga ah haddii dheecaan lagu arko dhegta 7 maalmood ka dib qaadashada goojada AMA marka badan marka uu dheecaanka dhegta ku soo noqnoqdo

Maxaan filan karnaa qalliinka ka dib?

  • Carruurtu waxay caadiyan aadaan guriga isla maalinta qalliinka, laakiin xaaladaha qaarkood dhakhtarka ayaa yiraahda waa in hal habeen lagu hayo isbitaalka.
  • Marka ilmahaagu diyaar u yahay in laga saaro guriga, waxaa lagu bari doonaa:
    • Waa in xanuunka loo siiyo acetaminophen iyo ibuprofen hadba sidii loogu baahdo.
    • Cuntada waa in loo siiyo hadba sidii ilmuhu u cuni karo. Waxaa ilmuhu cuni karaa cunta kasta/cuntada caadiga ah.
    • Waa in ilmaha la siiyo cabitaan aad u badan oo da' ahaan ku habboon. Cunaha ayaa ilmaha u qoyi doona oo waxay ku caawineysaa in uusan dhib dareemin iyo sidoo kale waxay ka hortageysaa fuuqbixid.
    • Waa in uu ilmuhu ku noqdaa hawlihii caadiga ahaa 1 ilaa 2 maalmood qalliinka ka dib. Ciyaaraha dhaqdhaqaaqa ah (sida dabaasha, orodka, isboortiska) waa in ilmuhu ka fogaado ilaa 1 todobaad qalliinka kadib.
    • Calaamadaha badanaa dhaca ee qalliinka ka dib:
  • Calool-xanuun iyo matag dhici kara 24ka saac ee ugu horreeya qalliinka ka dib
  • Sanka oo ay ku badato cabburka, khuurada, diifka, ur xun iyo luqunta oo danqata bararka qalliinka ka dib. Calaamadaha waxay socon karaan 3da toddobaad ee ugu horreeya qalliinka ka dib.
  • Waxaa jiri kara dheecaan biyo ah, oo xab u eg, ama xab dhiig leh oo ka soo bixi kara dhegaha 2 ilaa 3 maalmood. Dhakhtarka ayaa ilmaha u qori doona goojo dhegaha lagu shubayo qalliinka ka dib si loo xakameeyo dheecaanka iyo si looga hortago tuubbooyinka dhegaha in ay xirmaan.
  • Dheg xanuun (waa xanuun laga dareemo dhuunta qeybta dame) ka dib marka la gooyo hilibka sanka ama isbeddellada cadaadiska dhegta iyo/ama maqalka dhawaaqyo ka sii dheer sidii hore ka dib marka dhegaha la geliyo tuubbada.
  • Qandho yar (99 ilaa 100 F) oo waxaa ku filan daawada xanuunka ee acetaminophen ama Ibuprofen 3 ilaa 4 maalmood qalliinka ka dib
  • Codka ayaa u ekaan kara mid ka duwan kii caadiga ahaa oo caadi ayuu noqdaa 6 ilaa 8 toddobaad
  • Dhibco dhiig ah ayaa la arki karaa haddii ilmahaagu hindhiso ama uu diif ka yimaado oo waa wax caadi ah saacadaha ugu horreeya balse ma aha wax dhib leh
  • Dhiigbaxa daran waa naadir qalliinka hilibka sanka ka dib. Haddii ilmahaagu qufaco, matago, ama uu cunto soo tufo dhiig guduudan oo dhalaalaya ama xinjirro ah, si degdeg ah waa in loo keeno imarjansada.
  • Haddii aad ka welwelsan tahay fuuqbax (indhaha oo god ku jira, faruuryo qallalan oo dhegdheg leh, kaadi la'aan in ka badan 8 saac, iyo indhaha oo aan ilmeyn karin) la soo xiriir kilinigga ENT.

Su'aalo?

Macluumaadka ku qoran buugyarehan gaar kuma aha ilmahaaga. Macluumaadkan waa mid guud oo la siiyo ilmaha la qalo oo dhan. Macluumaadka waxaa loogu talagalay warbixin iyo macluumaad ahaan oo keliya balse waa in AAN loo isticmaalin wax baddiil u noqon kara talada dhakhtarka carruurta. Haddii aad wax su'aalo ah qabto, fadlan taleefan u soo dir Kilinigga Children's ENT & Facial Plastic Surgery (ENT & Qeybta Qalliinka Wejiga) 612-874-1292.

Dibu-eegistii 5/2022

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2022 Children's Minnesota