Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

TUUBBOOYINKA DHEGAHA

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Muxuu ilmahaygu ugu baahan yahay tuubbooyinka dhegaha?

Tuubbooyinka dhegaha ayaa lagula taliyaa carruurta uu ku dhaco caabuqa badan ee dhegaha ama durbaanka dhegahooda lagu arko qoyaan joogto ah. Labadaas dhib ee caafimaadka ah waxay ku badan yihiin da'da u dhaxaysa 6 bilood iyo 3 sano, balse carruurta waaweyn ayaa iyaguna mararka qaarkood qaba dhibaatadaas.

Sidee bay u shaqeeyaan tuuubbooyinka dhegaha?

Markuu jiro infakshan ah dhegta, qoyaan ayaa ku urura durbaanka dhegta gadaashiisa meel dhexe. Caadi ahaan marka ay ilmuhu ka bogsadaan infakshanka dhegaha, dheecaanka iyo qoyaanku waxay ka baxaan dhegaha tuubbo ka baxda oo wixii dareere ah sii raacisa tuubbada dhexe ama Eustachian Tube (yoo-STAY-shun).

Mararka qaarkood dareeruhu ma baxo sababta oo ah tuubbadii qaadi lahayd ayaa weli bararsan oo aan caadi noqon karin. Dheecaan ku xayirma durbaanka dhegta wuxuu keenaa maqal la'aan sababta oo ah waxa uu dhegta ka hor istagayaa in ay sharqan si caadi ah u soo gasho.                          

Tuubbooyinka dhegaha waa caagag yaryar ama tuubbo ah bir khafiif oo qalliin ahaan lagu geliyo dhegaha (oo waxa kale oo la yiraahdaa durbaanka dhegta).

Tuubbooyinka dhegta waxay fududeeyaan in ay hawadu soo gaarto dhegta dhexe. Sida xumbada waaweyn oo ku jirta haanta biyaha ee qaboojiyaha, hawadu waxay u baahan tahay inay gasho dhegta dhexe si uu dareeruhu uga baxo. Muddo ka dib "hawo-qaadashada" waxay qofka ku caawineysaa inay yareyso bararka Tuubada Dhexe oo waxaa dhacaysa in ay dhegtu si caadi ah u shaqeyso mar kale. Sababtaas ayaa tuubbooyinka dhegta mararka qaarkood loogu yeeraa tuubbooyinka hawo-keeneyaasha ama tuubbooyinka dheellitirka cadaadiska (ama tuubooyinka PE).

Sidee loo geliyaa tuubbooyinka dhegta?

Tuubooyinka dhegta waxaa geliya dhakhtarka qala dhegaha, sanka, iyo cunaha. Weyneyso ayaa la isticmaalaa, oo waxaa la in yar la duleeliyaa durbaanka dhegta. Tuubbada ayaa markaas la dhex gelinayaa duleelka.

Maaddaama tuubbooyinku aad u yar yihiin, hawshan waa mid u baahan miyir badan. Haddaba carruurtu aayar uma joogi karaan inta hawshu socoto, markaas waa in lagu qolka qalliinka lagu suuxiyo marka la geeyo. Casriga hadda lagu jiro, suuxdinta guud aad baa loogu badbqabaa oo ilmahana si taxadar badan ayaa loola socdaa inta uu qalliinku u socdo. Waxaad fursad u heli doontaa in aad la hadasho dhakhtarka suuxinta maalinta qalliinka si aad u weydiiso su'aal kasta oo aad ka qabto suuxinta.

Miyey jiraan wax talo ah oo aan u baahanahay in aan raaco qalliinka ka hor?

Waa in aad ilmaha soo marsiiso wiisiteyn guud oo ah dhakhtarkiisa 30 maalmood ka hor qaliinka si loo hubiyo in uu caafimaadkiisu caadi ah yahay. Dhakhtarku waa inuu soo buuxiyo Foomka Caafimaadka oo laga helayo xafiiska. Waa in aad foomka oo buuxa keento maalinta qalliinka.

Badqabidda ilmaha awgeed, waxaa muhiim ah in la keeno ilmaha oo aan waxba soo cunin si loo suuxiyo. Fadlan raac talooyinka Cuntada iyo Cabbitaanka ee Isbitaalka Children’s. Haddii aadan raaci weydo talooyinka, waxa dhacaya waa in la joojiyo qalliinka ilmaha.

Maxaan filan karnaa qalliinka ka dib?

Qalliinkan caadi ahaan ma qaato wax ka badan 10 ilaa 15 daqiiqo. Qalliinka ka dib waxa uu ilmuhu ku soo naaxi doonaa qolka nasashada. In ilmuhu soo naaxo waxay badanaa qaadaneysaa 15 ilaa 30 daqiiqo. Marka ilmahaagu soo naaxo, waxaa la geynayaa goobta la joogo marka la baxayo si loo diyaariyo. Waxaa waalidku ilmaha la joogi kartaa ilmaha marka loo soo wareejiyo geyta bixidda.

  • Waxa laga yaabaa in ilmaha lagu arko qandho yar (99° ilaa 100°F) maalin ama laba maalmood qalliinka ka dib.
  • Waxaa jiri kara dheecaan ah qoyaan, oo xab u eg, ama xab dhiig leh oo ka soo bixi kara dhegaha 2 ilaa 3 maalmood. Dhakhtarka ayaa ilmaha u qori doona goojo dhegaha lagu shubayo qalliinka ka dib si loo xakameeyo dheecaanka iyo si looga hortago tuubbooyinku in aysan xirmin. Waa in ilmaha loo hayo goojada u soo hadha si loogu isticmaalo mustaqbalka marka dheecaan lagu arko dhegaha.
  • Waxaa laga yaabaa in ilmuhu dareemo dhago-xanuun maalinta qalliinka. Waxaa sabab u ah isbeddelka cadaadiska dhegaha iyo/ama maqalka dhawaaq ka dheer kii hore ee ilmuhu maqli jiray. Waxaa xanuunka muddada gaaban loo siin karaa Tylenol® (acetaminophen) ama Motrin nooca carruurta® (ibuprofen).
  • Waxaa la idin siin doonaa waraaqda Ka-bixidda Isbitaalka ka hor inteydnaan guriga aadin oo waxaa idiinku qoran talooyinka iyo daawada inta jeer ee la qaadanayo.
  • Waxaad filan kartaa in ilmuhu ku soo noqdo cuntadiisii caadiga ahayd iyo hawlihiisii caadiga ahaa 24 saacadood ka dib qalliinka.

Dheecaanka soo baxaya tuubbada dhegta ka dib

Infakshanka dhegta waa suurtagal ah tuubbooyinka dhegaha ka dib in lagu arko dheecaan ka imaanaya dhegaha. Haddii uu dheecaan ka soo baxo hal ama labada dhegood ee ilmaha, dhakhtarka ENT ayaa ilmaha u qori doona daawo antabiyootig ah.

Haddii dheecaan la arko, waxaa ilmaha loo bilaabayaa goojo antabiyootig ah marka loo soo sheego shaqaalaha ENT iyadoo lagu soo codsanayo Kadinka Intarnetka ee MyChildrens ama waa in lala soo xiriiro kilinigga ENT 612-874-1292 maalmaha shaqada (Isniin ilaa Jimce 8da subaxnimo ilaa 4:30 galabnimo)

Fadlan sidoo kale waa in lala soo xiriiro kilinigga ENT saacadaha shaqada ee caadiga ah haddii dheecaan lagu arko dhegta 7 maalmood ka dib qaadashada goojada AMA marar badan marka uu dheecaanka dhegta ku soo noqnoqdo si ilmaha loo wiisiteeyo oo loogu qoro daawo dheeraad ah haddii loo baahdo. 

Su'aalo?

Macluumaadka ku qoran buugyarehan gaar kuma aha ilmahaaga. Macluumaadkan waa mid guud oo la siiyo ilmaha la qalo oo dhan. Macluumaadka waxaa loogu talagalay warbixin iyo macluumaad ahaan oo keliya balse waa in aan loo isticmaalin wax baddiil u noqon kara talada dhakhtarka carruurta.

Haddii aad wax su'aalo ah qabto, fadlan taleefan u soo dir Kilinigga Children's ENT and Facial Plastic Surgery (ENT iyo Qeybta Qalliinka Wejiga).

Dibu-eegistii 5/2022

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota