Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

SALIIDDA MACDANTA AH EE DHAGAHA LAGU NADIIFIYO

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Saliidda macdanta ah ee dhagaha lagu nadiifiyo

Saliidda macdanta ah aad ayey ugu fiican tahay dhukeyga in looga bixiyo dhagaha. Wax dhibaato ah uma laha ilmaha loo geliyey tuubbooyinka dhagaha ama uu duleelo durbaanka dhegta.

Sidee bay saliidda macdanta ah dhagaha u caawineysaa?

Saliidda macdanta ah waxay dhukeyga adag ee engegan ka dhigeysaa dareere. Markaas ayuu iskiis isaga baabba'yaa dhukeygii ku jiray dhagaha.

Goorta la isticmaalayo saliidda macdanta ah

  • Si loo daaweeyo dhukeyga sameysmaya. 
  • Si ay u noqoto dabiib ah ka-hortegid si uusan dhukay dambe u sameysmin. 
  • Si aysan dhuunta dhegaha uga xirmin ilmaha tuubbada loo geliyey dhagaha. 
  • Si ay uga saarto oo uusan u dhex istaagin dhukay ilmaha tuubbada loo geliyey.

Halkee baa laga soo iibsan karaa saliidda macdanta ah?

Saliidda macdanta ah waxaa laga soo iibsan karaa farmashiyeyaasha dukaamada raashin iyada oo aan loo haysan warqad dhakhtar. Badanaa waxay ku jirtaa dhalo weyn. Waxaad raadsan kartaa in aad soo iibsato saliidda oo ah goojo aad dhegta gelin karto.

Sidee baa loo isticmaalayaa?

  • Saliidda macdanta ah waa in la dhigto hayaa oo lagu isticmaalo heerkulka guriga. 
  • Ku shub 3 ilaa 5 dhibcood dhegta aad dhukay ku aragto wakhtiga hurdada ka hor. Habeenkii saliiddu waxay dhukeyga adag/qallalan ka dhigeysaa dareere soo baxa. 
  • Subixii markay tahay, si fudud maro uga nadiifi qeybta dibadda ah ee dhegta si aad uga saarto saliidda haraaga ah.

Immisa jeer ayaa loo baahan yahay in la isticmaalo saliidda macdanta ah?

  • Markuu soo badanayo dhukayga, maalin kasta waa in saliidda la isticmaalo. 
  • Si looga sii hortago, saliidda waxaa dhagaha lagu shubi karaa midkood ama labadaba hal ama laba habeen toddobaadkii.

Sida caadiga ah, fadlan dhakhtarka weydiiso wixii ah faahfaahinta xaaladda gaarka ah ee ilmahaaga.

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad wax su'aalo ah noo qabto, fadlan taleefan u soo dir kilinigga Children's ENT and Facial Plastic Surgery (ENT iyo Qeybta Qalliinka Wejiga).

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota