Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

TONSILLECTOMY (GOYNTA QUMANKA)

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay qumanku?

Qumanku waa 2 calaq oo xuubab ah oo ku yaalla afka dhabarkiisa, midba hal dhinac. Qumanku waa qeyb yar oo ka mid ah habdhiska difaaca jirka.

Maxuu ilmahaagu ugu baahan yahay in laga gooyo qumanka?

Sababta ugu badan ee carruurta looga gooyo qumanka waa in ilmaha lagu caawiyo in ay si fiican ugu neefsadaan oo ay ugu seexdaan. Marka qumanku aad u weyn yihiin, mararka qaarkood waxay xanibaan hawada waqtiga hurdada taaso keenta (khuuro, neefsada oo istaagta, xiiqsanaan, nasasho la'aan, daal maalinimada ah iwm) taas oo laga baqaayo in neefashadu ay gebi ahaanba xanibanto. Qumanka oo la gooyo (iyo hilibka sanka) waxay sahlaysaa in si raaxo ku jirto loo neefsano waqtiga hurdada.

Sababta kale ee ugu weyn oo carruurta qumanka looga jaro waxaa weeye infakshinka cunaha ee soo noqnoqda ee la xiriira qumanka. Goynta qumanka waxay sababi karta inuu aad u yaraado infakshinka cunahu.

Sidee loo gooyo qumanka?

Habka "Quman Goyntu" waa qaliin lxagu gooyo qumanka cunaha gadaashiisa (xagga afka). Waxa suuxinta ka dib qalliinka ku sameynaya Ears, Nose, and Throat (dhakhtarka qalliinka dhegaha, sanka, iyo cunaha ama ENT). Dhakhtarkeena qaliinku wuxuu isticmaaly Koronto ku-gooye (qalab isticmaala koronto oo lagu gooyo qumanka oo isla markaana dhiiga joojiya) si loo gooyo nudaha qumanka.

Miyey jiraan wax talo ah oo aan u baahanahay in aan raaco qalliinka ka hor?

  • Waa in aad ilmaha soo marsiiso wiisiteyn guud oo ah dhakhtarkiisa 30 maalmood ka hor qaliinka si loo hubiyo in uu caafimaadkiisu caadi ah yahay. Dhakhtarkaadu waa inuu fax u soo diraa dakhtarka ku takhasusay Dhegaha, Sanka iyo Cunaha
    (ENT) waana inaad koobi soo qaadata maalinta qaliinka.
  • Waa in aadan ilmaha soo siin wax daawo ah oo xanuun ama qandhajebin marka laga reebo Tylenol® (acetaminophen) ugu yaraan 3 maalmood ka hor qalliinka. Dawooyinka caruurta sida Motrin (Ibuprofien) waa in la iska dhowro qaliinka ka hor, kaaso siyaadin kara khatar dhiigbax, sidaas darteed, sababi kara in qaliinka dib loo dhigo.
  • Hubi inaad raacdid habraaca ay ku siiyeen kooxdeena diyaarisa qaliinka laba maalmood ka hor waqtiga qaliinka. Cabitaan ama cunis aad ugu dhow waqtiga qaliinka, wuxuu sababi karaa in qaliinka la baajiyo.
  • Dib u eeg talooyinka hoose ilmahaada uguna keydi guriga cabitaan iyo cunto fudud oo uu guriga ku isticmaalo.

Maxaan filan karnaa qalliinka ka dib?

  • Cuna xanuun illaa laba todobaad kaaso ugu xun subaxa hore iyo haddana fiidkii markuu qalalan yahay.
  • Cuna xanuun ugu daran inta u dhexaysa maalmaha 5-10 markay toxobtu ka soo dhacdo qumanka.
  • Dhaga xanuun (eeg xanuunka cunaha) iyo xanuun muruqyada qoorta.
  • Qandhada heer kulkeelkeedu uu yahay 102.0 F waa caadi. Dhakhtarkaada la xiriir haddii qandhada heer kulkeedu ka uu dhaafo 102.0 F marka la qaato acetaminophen (Tylenol) iyo/ama Ibuprofen.
  • Calool xanuun iyo suurtalgalnimo in la matago.
  • Af qarmuun oo socon kara 2-3 toddobaad.
  • Cabbursanaan iyo khuuro.
    • Khuuradu waa caadi waana inay tagto afar todobaad gudahood qaliinka kadib. Madaxa ilmaha oo kor loo qaado iyo hawo-biyeeye qaboow way caawinaayaan.
  • Codku wuxuu u ekaanaaya mid sidii caadiga ah ka duwan.
  • Ilmuhu wuu ka qeyb qaadan karaa dhaqdhaqaaqi caadiga ahaa marka laga reebo cayaaraha la isku dhici karo. Dhalinyaradau waa inay iska ilaaliyaan dhaqdhaqaaqa adag IYO cayaaraha la isku dhici karo.
  • Waxaa lagu talinaaya inaan loo safrin safar ka fog isbitaalka intii laba todobaad ah qaliinka kadib.
  • Carruurtu badanaaba way ku soo noqdaan iskuulka ama xadaanada todoba beri celcelis ahaan qaliinka kadib, laakiin way ku soo noqon karaan haddii dareemaayaan caafimaad oo aany u baahnayn xanuun bi'iye joogta ah.

Sidee baan u daryeeli karaa ilmahayga kadib qalliinka qumanka?

  • Talooyinka Cuntooyinka la qaadan karo
    • Cuntooyin fudud oo miiran ayaa AAD u muhiim ah:
      • Ku dhiirigeli in la cabo (ugu yaraan 2-3 oonsi saacadiiba la soo jeedo) si loo yareeyo xanuunka iyo in laga ilaaliyo in jirka biyuhu ku yaraadaan. Tusaale ahaan casiirka tufaaxa, canabka, Gatorade® ama cabitaanka kale oo aan nafaqada lahayn, Kool-Aid®, Jello-O®, popsicle, flat pop, biyo.
      • Haddii ilmuhu leeyahay calool xanuun sii xoogaa yar oo dareere ah.
    • Cuntada caadiga ah; inkastoo caruur badani ka jecel yihiin cuntada jilicsan.
    • Cuntada liinta leh ama kulul waxay keeni kartaa raaxo la'aan.
  • Talooyinka sidii loo maareynaayo xanuunka
    • Si xanuunka looga fogaado waa in la qaato acetaminophen ama iburofen si waqtiyeysan (lixdii saacba mar) shanta ilaa todobada beri ee ugu horeysa qaliinka ka dib. Xanuun bi'iyayaal culus ayaa dhakhtarku qori karaa haddii loo baahdo.
    • Qor heerka xanuunka ilmaha iyo waqtiga iyo qiyaasta daawo kasta ilmaha la siiyey foomka ku dhegan diiwaanka.
    • Qoorta ama wejiga ka saar xirmo baraf ah.
    • Isticmaal hawo-biyeeye qabow si loo yareeyo cuna qaleel.
    • Calalin cunto fudud ama xanjo (taaso ku xiran ilmaha da'diisa) waxay fududeyn kartaa xanuunka dhegaha.
    • Marka la isticmaalaayo saliinge si ilmaha afkiisa loogu shubo, ku aadi gudaha daamanka.
    • Si ay daawadu si fiican ilmaha ugu dhadhanto weydiiso farmashistaha inuu daawada kuugu daro dhadhan uu ilmuhu ka helo ama ku dari kartid qaado kastoo aad ilmaha siinaysid (sida jelly).
    • Saboosta ilmaha dabada laga geliyo (acetaminophen(ka) dabada) waxaa laga gadan karaa farmashiyaha iyadoon dhakhtar kuu qorin hadduu inuu daawada afka ka qaato. Waxaad ka codsan kartaa shaqaalaha farmashiyaha inay daawada kuugu keydiyaan qaboojiyaha farmashiga.
    • Qaadashada xanuun bi'iyaha culus wuxuu keeni karaa calool-istaag. Casiirka canbaruudka, Bruunka, ama MiraLAX waxay kaa caawin karaan ka hortaga arrintaas.
  • Waqtiga ay haboon tahay in la waco Dhakhtraka qaliinka
    • Markuu diido inuu wax cabo ama uuna kaadin ugu yaraan laba maalmood.
    • Qandho heerkulkeedu ka sareyso 102 F (38.8 C) taas oo aan hoos ugu soo dhacayn xatta qaadashada acetaminophen, ibuprofen, iyo tuwaal qaboow ama baraf madaxa laga saaro.
    • Xanuun aan lagu xakameyn karin qaadashada dawooyinka xanuunka.
    • Dhiigbax casaan dhalaalaaya oo ka yimaada sanka ama afka (wixii dhibic candhuufada soo raacda) kaasoon ku istaageyn daqiiqo yar oo nasasho ah, madaxoo kor loo qaado, iyo xirmooyin baraf ah.
    • Matag dhiig cas oo dhalaalaaya.
    • Calool xanuun ama matag soo noqnoqda oo ka baxsan 24 saacadood qaliinka ka kadib.

Su'aalo?

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad wax su'aalo ah qabto, fadlan taleefan u soo dir Kilinigga Children's ENT & Facial Plastic Surgery (ENT & Qeybta Qalliinka Wejiga) 612-874-1292.

Dibu-eegistii 10/2022

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota