Get information about COVID-19 vaccinations, testing and visiting standards. Learn More.

Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

CAABUQA GUDAHA IYO MALAXEYSIGA MAQAARKA

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Maxay yihiin caabuqyadaasi?

Caabuqa gudaha maqaarka waa infakshan ay keento bakteeriyo. Malaxeysiga maqaarka waa dareere ama dheecaan gala maqaarka hoostiisa ah. Mararka qaarkood ilmaha waxa ku dhaca caabuq ama malax gasha maqaarka hoose, mararka qaarkoodna labadaas waa ay ku wada dhacaan.

Maxaa sababa caabuqyadaas?

Caabuqa gudaha iyo malaxeysiga maqaarka sababtoodu waa infakshan. Badanaa, infakshanku wuxuu ka bilaabmaa markay bakteeriyada (nooc jeermiska ka mid ah) ka gasho maqaarka meel jeexan, go'an, ama xoqan. Habdhiska difaaca jirka (habdhiska la dagaallama jeermiska) ayaa u yeeraaya dheecaan ah difaacid si ula dagaalamo bakteeriyada. Dheecaanku waa unugyo la dagaallama jeermiska iyo bakteeriyada oo ah badanaa waxa keena malaxda ama dheecaanka.

Sidee baa looga hortegi karaa?

Waa in la xirto dhar iyo wax jirka lagu ilaaliyo (sida qalab lugaha lagu xirto iyo koofiyadda baaskiilka) si looga hortago qaniinyada cayayaanka, jeexmidda, iyo xoqmidda jirka. Haddii ay ilmuhu dhaawacmaan, meesha dhaawaca ah si fiican ugu dhaq saabuun iyo biyo, ka mari boomaato antibiyootig ah, oo ku dabool maro cad ama faashad. Dhallaanka iyo ilmaha xafaayadda loo xiro, ilaali si aysan uga dhicin finanka xafaayadda. La xiriir dhakhtar haddii ay ilmaha kaa qaniinaan xayawaan ama dad sababtoo ah dhaawacyada noocaas ah waxay u baahan karaan taxaddar gaar ah.

Waa maxay calaamadaha & astaamaha caabuqan?

Caabuqu badanaa wuxuu ka bilowdaa meel yar oo guduudata, jilicsan, diirran, oo bararta. Markay weynaato oo ay ku faafto maqaarka, ilmuhu wuxuu yeeshaa qandho ama qarqaryo. Nudeennada qanjirrada u dhow ayaa sidoo kale barara oo jilca. Malaxdu sida caadiga ah waa biyo guduudan, diirran, oo waa wax kuusan oo ah xanuun iyo maqaar jilicsan. Waxaa ka soo bixi kara dareere (dheecaan ama malax). Waxay ka soo bixi karaan dusha sare ee maqaarka (oo waxay u ekaan karaan findoob), maqaarka hoostiisa, ilig, ama gudaha hoose ee jirka. Caabuqan inta badan ma la is qaadsiin karo, laakiin malaxda/dheecaanka ka soo baxa nabarka ayaa infakshanku ku sii faafin karaa.

Sidee baa lagu ogaadaa caabuqan?

Caabuqa maqaarka iyo malaxda labadaba inta badan waxaa lagu ogaan karaa wiisitada. Mararka qaarkood, sawir sida uultarasawn ah, ayaa lagu ogaan karaa malaxda maqaarka. Mararka qaarkood dhakhtarku dhiigag laga soo baaro bakteeriyo raacda dhiigga ayuu qaadi karaa.

Sidee baa loo daaweeyaa?

Maaddaama ay caabuqan keento bakteeriyo, badanaa ilmaha ay ku dhacdo caabuqa ama malaxda maqaarka hoose waxaa la siiyaa antibiyootig si looga dilo jeermiska. Mararka qaarkood antibiyootigga waa in lagu siiyo isbitaalka, gaar ahaan haddii loo baahdo antibiyootig laga qaato xididka (IV).

Haddii ay jirto malax, waxaa muhiim ah in ay malaxda soo baxdo si maqaarku u bogsado. Haddii ay malaxdu iskeed u soo baxayso, dhakhtarku waxa uu ku talin karaa in la sugo si loo eego in maqaarku iskiis u bogsado. Haddii ay malaxdu iskeed ugu soo bixi weydo si fiican, dhakhtarka ayaa ku talin kara in guriga marka la joogo lagu kululeeyo wax diirran si ay u dillaacdo. Waxaad isticmaali kartaa maro yara qoyan oo aad dhexgeliso biyo diirran (aan kululeyn) oo aad dul saarto meesha kuusan dhowr daqiiqo, ilaa dhowr jeer maalintii. Mararka qaarkood, dhakhtarka ayaa ka daadin kara malaxda isaga oo jeexaya meesha kuusan ee malaxeysatay. Waxaa loo baahan karaa suuxin iyo/ama caawimaad laga helo dhakhtarka qalliinka.

HADDII ILMUHU U BAAHAN YAHAY QALLIIN

Maxaa dhacaya marka la qalayo?

Waa in ilmaha daawo lagu seexiyo qalliinka awgiis. Si loo daadiyo malaxda, dhakhtarka qalliinka ayaa jeexi doona meesha malaxdu ku jirto. Malaxda/dheecaanka ayaa laga soo dareerin doonaa. Meesha maran waxaa la gelin karaa faashad nadiif ah si loogu joojiyo dhiigbaxa. Meesha la qalay iskeed ayey u bogsan doontaa. Haddii loo baahdo, waalidka ayaa la tusi doonaa sida qalliinka loo daryeelayo.

Maxaa la filan karaa qalliinka ka dib?

  • Dhaqaaqidda: Waxa uu ilmuhu sameyn karaa wax kasta oo uu awoodo. Waa in uusan ilmuhu dhex gelin barkad, haro, ama meel kale oo biyo ah ilaa uu maqaarku si buuxda ugu bogsado. Wuu qubeysan karaa ilmuhu ama baaf ayuu dhex seexan karaa haddii dhakhtarku yeelo.
  • Daryeelidda dhaawaca: Dhakhtarka qalliinka ayaa sheegi doona wixii talo ah oo ku saabsan daryeelidda dhaawaca ee qalliinka ka dib. Halkan waxaa ku qoran waxa ay tahay in ay waalidka iyo ilmuhu sameeyaan:
    • Xirashada galoofyo iyo/ama dhaqista gacmaha ka hor iyo ka dib marka la dhayo nabarka malaxda si looga hortago faafitaanka jeermiska.
    • In nabarka faashad lagu daboolo si uusan dheecaanku u gaarin dharka.
    • In aan ilmahan lala wadaagin istaraasho, go', shukumaan, dhar, ama wax lagu xiirto.
    • Waa in dharka, go'yaasha, iyo shukumaanka ilmahan loogu dhaqo mashiinka dharka. Dharku si fiican ha ugu engegaan qallajisada.
    • Meesha dhaawaca ah ha noqoto nadiif iyo meel qallalan. Waa in aan ilmaha loo gelin maryo aan laga sameyn suuf ama dhogor. Waa in aan ilmaha loo gelin kastuumo ku dheggan ama dhar xoqi kara nabarka.
    • Marka dhakhtarku yiraahdo waa okeey, si kasta ha loogu qubeeyo ilmaha marar badan, gaar ahaan ka dib marka ilmuhu dhidido. Isticmaal saabuun disha bakteeriyada ama nooca galaayseriin.
  • Daawooyinka: Daawooyinka xanuunka sida acetaminophen (Tylenol®), ibuprofen (Motrin® ama Advil®), ama daawo ka culus ayaa loo baahan karaa si looga caawiyo xanuunka dhowr maalmood ka dib qalliinka. Haddii antibiyootig loo qoro, waxaa muhiim u ah in ilmuhu daawada dhammeysto intii loo qoray oo dhan, xataa haddii nabarku fiicnaado. Sidaas ayaa ah habka ugu fiican ee lagu dili karo jeermiska oo dhibaato keena.
  • Marka lagu noqonayo/xannaanada: Waxa uu ilmuhu ku noqon karaa iskuulka ama xannaanada marka ilmuhu dareemo in ay ku habboon tahay.

Goorma ayaa taleefan loo dirayaa dhakhtarka?

Haddii ilmaha la qalay, taleefan u dir dhakhtarkii qalliinka marka ilmuhu yeesho:

  • Qandho ka badan 101 °F
  • Nabarka oo guduuta
  • Xanuun badan
  • Dheecaanka oo ka soo dara

Ula soco dhakhtarka qalliinka sida uu kugula taliyo qalliinka ka dib. Waxaad soo garaaci kartaa 612-813-8000 si aad ballan u qabsato.

Goorma ayaan la xiriirayaa dhakhtarka daaweynta guud?

Haddii aan ilmaha la qalin, taleefan u dir kilinigga aad ilmaha geysato marka ay:

  • Ka soo daraan guduudashada, bararka, ama xanuunka
  • Xariijimo guduudan oo maqaarka ka muuqda u dhawaadaan malaxda
  • Jiraan qandho cusub, qandho kor u sii kacaysa, ama qandho soconaysa in ka badan 48 saac (2 maalmood)

Su'aalo?

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad noo qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga.

Qoristii 2/2024

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota