Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)
Suuxiddu waa dhaqdhaqaaqa korontada maskaxda oo aan caadi ahayn oo wax ka beddeli kara sida uu qofku u dhaqmo, wax u dareemo ama uu u fekero. Suuxiddu waa wax ay caadi ahaan dadku ku kala duwan yihiin. Marka ay qof hayso suuxid, jirka ayaa gariiri kara, ruxmi kara, ama tigtigmi kara. Waxaa jiri kara dareen aan caadi ahayn ama isbeddel ah miyirqabka. Inta badan, suuxiddu iskeed ayey u joogsataa ilaa dhowr daqiiqo gudahood.
Suuxidda ka dib, ilmuhu waxa uu noqon karaa qof jahawareersan oo hurdeysan. Waxa uu ilmuhu caadi noqonayaa 30 daqiiqo ilaa saacad gudaheed. Waxa la yiraahdaa “post-ictal phase” (soo-naaxid).
Waxaa jirta suuxid kala duwan, oo waa wax ku xiran dhinaca bilowgeeda ee maskaxda. Suuxidda ku dhacda maskaxda hal meel waxaa la yiraahdaa suuxidda halka dhinac. Suuxidda maskaxda oo dhan waxaa la yiraahdaa suuxidda guud. Suuxiddu waxay dhici kartaa hal ama laba mar oo keliya, ama waa wax soo noqnoqda. Qallalku waa xanuun ah suuxid soo noqnoqota oo ma aha wax sabab kale ah, sida qandhada. Erayga qallalka wax shaqo ah kuma laha xanuunka dhimirka ama shaqada jirka.
Suuxidda qaarkood waxay socotaa wakhti dheer oo daawo la'aan ma joogsato. Suuxidda socota in ka badan 5 daqiiqo, ama suuxidda soo noqnoqota marar badan iyada oo aysan jirin miyirqabid inta u dhaxaysa qabashada waxaa la yiraahdaa suuxid xiriirsan.
Suuxidda ay keento qandhada waxaa la yiraahdaa suuxidda qandhada. Qandhada sababo dhowr ah ayaa keena, sida infakshanka dhegta ama hargab. Suuxidda qandhada aad bay u badan tahay. Suuxitaankan badanaa wuxuu ku dhacaa ilmaha da'doodu u dhaxayso 6 bilood iyo 6 jir. Carruurtu waxa ay suuxidda qandhada ku dhacdaa marka ay qoyska ka dhaxlaan ama markii ay horay ugu soo dhacday. Qiyaastii 1 ka mid ah 3dii ilmood oo ay ku dhacdo hal suuxid mar kale ayey ku dhacaysaa. Caadi ahaan ilmuhu waa ay ka koraan suuxidda qandhada ka dib markay 5 jir gaaraan.
Inkastoo suuxid qandho oo yar ay keento cabsi badan, dhaawac maskaxeed ma keento. Carruurta ay ku dhacday suuxid qandho oo kaliya waxaa xoogaa kor u kacaysa khatarta ah in uu qallal ku dhaco.
Electroencephalogram (cabbirid ah korontada maskaxda ama EEG) ayaa laga yaabaa in la sameeyo si loogu cabbiro dhaqdhaqaaqa korontada ee maskaxda. Sawir laga qaado madaxa, sida CT ama MRI, ayaa sidoo kale laga yaabaa in la saaro si loo eego qaabdhismeedka maskaxda. Baaritaan ah dhiigga iyo kaadida ayaa sidoo kale loo baahan karaa.
Daawooyinka loo qaato suuxidda ayaa laga siin karaa xididka (IV), afka, ama malawadka. Kalkaaliyeyaasha ayaa si dhow u ilaalin doona heerka miyirka, dhaqdhaqaaqa, xoogga, shaqada murqaha, heerkulka, garaaca wadnaha, heerka neefsiga, iyo cabbirka dhiigkarka. Qalab ah ilaalin ayaa lagula socon karaa wixii isbeddel ah oo walaac keenaya.
Haddii ilmahaagu qabo suuxdin oo u baahan yahay daawo looga hortago suuxidda, waa muhiim in loo siiyo sida saxda ah ee uu dhakhtarku ugu qoray. Sababta jirta ayey ku xiran tahay, laakiin suuxdimaha badankooda waxaa lagu xakameeyaa daawo, oo ilmuhu si caadi ah ayuu u noolaan karaa. Hase ahaatee, waa in laga taxaddaro dhaqdhaqaaqa keenaya dhaawac haddii ay ilmaha qabato suuxdinta. Waa in uusan ilmuhu sameyn waxyaabaha ay ka mid yihiin:
Haddii ay ilmaha qabato suuxdimaha qandhada, wax kasta ayaad wada sameyn kartaan. Waxa uu ilmuhu aadi karaa xannaanada ama waxaa looga tegi ilmo ilaaliye masuul ah. Waa in ilaaliyaha ilmaha ama shaqaalaha xannaanada loo sharxo waxa dhacay iyo waxa la sameynayo haddii ay mar kale suuxdin dhacdo. Haddii ay ilmaha qandho qabato, waxaa la siin karaa acetaminophen (Tylenol®) ama ibuprofen (Motrin®, haddii ilmuhu ka weyn yahay 6 bilood). Hase ahaatee, si joogto ah in looga eego qandhada mar kasta ma aha wax looga hortegi karo qandhada suuxdinta. Mararka qaarkood suuxdinta soo noqnoqota waa calaamadda koowaad ee qandhada.
Taleefan u dir dhakhtarka haddii ilmuhu:
Garaac 911 haddaad ilmaha ku aragto:
Waxa uu ilmuhu yeelan karaa astaan (dareen ama qaab) ka hor ama wakhtiga suuxdinta. Dareenka waxaa ka mid noqon kara:
Haddii uu dareen gaar ah jiro ka hor suuxdin kasta, waa wax loo isticmaali karo digniinta hore oo waa in loo raadiyo meel uu ku badqabi karo si loo ilaaliyo inta ay suuxdintu hayso.
Suuxdimo in uu ilmuhu qabo kama dhigeyso ilmo tabcaan ah. Si caadi ah waa in loola dhaqmo oo waa in la edbiyo. U sheeg kalkaalisada iskuulka suuxdinta iyo daawada ilmaha. Fadlan kala hadal dhakhtarka qalabka lagula soconayo suuxdinta iyo jijinta ah aqoonsiga caafimaadka ee suuxdinta iyo qallalka. Kooxo ah caawimaad ayaa laga heli karaa deegaankaaga. Dhakhtarka weydii magacyadooda iyo lambarka taleefannadooda.
Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Wixii faahfaahin dheeraad ah, tasiilaadka ugu fiican waa https://www.epilepsyfoundationmn.org/.
Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan u dir dhakhtarka ilmahaaga.
Qoristii 2/2024
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2024 Children's Minnesota