Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

MATAG IYO SHUBAN

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Maxay kala yihiin?

Matagga (hunqaacada) iyo shubanka (marka ay si lama filaan ah biyo u noqoto saxarada ama socodka caloosha) waa calaamado lagu garto xanuunno badan, oo ay ku jiraan kuwa aan la is qaadsiin karin. Caadi ahaan, waxaa sababi kara faayrus ama bakteeriyo (jeermis) cuntada ku jira ama cunto aysan “oggoleyn” caloosha (oo aad u geedeysan, aad u culus, ama ah cunto cusub). Matagga waxa kale oo keeni kara xannibaad ku dhacda saxarada (mindhicirrada).

Mataggu badanaa wuxuu ku joogsadaa 6 ilaa 24 saac. Xanuunka faayruska, shubankiisu wuxuu badanaa bilowdaa 8 ilaa 12 saac ka dib bilowga matagga oo waxa uu socdaa 5 ilaa 7 maalmood.

Matagga iyo shubanku waxay keeni karaan fuuqbixid (noqosho ah "qalleylka gudaha"), oo waxay keeni karaan khatar. Marka uu ilmuhu yar yahay, si dhakhso ah ayuu fuuqbaxu ugu dhici karaa.

Sidee baan ilmaha ugu daryeelayaa guriga?

La soco calaamadaha fuuqbaxa. Haddii ilmuhu yeesho calaamadaha fuuqbaxa, taleefan u dir dhakhtarka.

Calaamado ah fuuqbixid dhexdhexaad ah:

  • kaadi la'aan (ama xafaayad nadiif ah) ilaa 8 saac
  • bishimaha oo qallalan
  • gudaha afka oo ah qalleyl iyo dhegdheg

Calaamadaha fuuqbixidda daran:

  • ilmo la'aan markuu ooyo
  • gudaha afka oo qallalan (candhuuf la'aan)
  • indhaha oo u muuqda kuwo dhacsan
  • caatoobid
  • tamar la'aan (tabar yaraan)
  • inaan la toosin karin
  • jahawareerid
  • daciifid (in ay ku adkaato fadhiga ama socodka, habacsanaan)

Sida guriga loogula tacaalo ilmaha ay ku dhacdo fuuqbixidda:

Sii cabitaan badan oo ka caawiya fuuqbaxa ay keenaan matagga iyo/ama shubanka. Haddii ilmuhu ka yar yahay 3 bilood, taleefan u dir kilinigga ama dhakhtarka heeganka ah si loo go'aamiyo dhibaatada jirta, iyo haddii ilmaha loo geynayo dhakhtarka.

Cabitaanka ugu fiican ee ilmaha:

Naasnuujinta dhallaanka markuu 1 mar ama 2 mar keliya matago ha la sii nuujiyo. Waa in la nuujiyo wakhti yar naas kasta oo waa in marar badan loo sii wado. Haddii uu yimaado matag 3 jeer ama ka badan, ka jooji nuujinta oo sii cabitaanka afka ee fuuqcelinta (sida Pedialyte® ama biyo la mid ah) sida hoos ku qoran.

Caanaha u lis haddii aadan nuujin karin oo u geli qaboojiyaha si aad mar kale u siiso. Isla marka uusan ilmuhu matageyn, u bilow nuujintii caadiga ahayd. (Ogow: Hooyada oo xanuunsan ayaa nuunnaha nuujin karta—caanaha hooyada waxaa ku jira dheecaanka difaaca jirka oo ilmaha ka caawin kara in uu si degdeg ah u caafimaado.)

Dhallaanka la siiyo caanaha formula, waa in la siiyo cabitaanka fuuqcelinta ee ah sida Pedialyte® (oo laga soo iibsan karo dukaamada qaarkood iyo famashiyeyaasha). Sii 1 ilaa 2 oonsi (30 ilaa 60 milliilitir) 10 ilaa 15 daqiiqo kasta. Haddii uusan intaas ceshan karin, ku day wax ka yar (1 ilaa 2 qaaddo-shaah) oo sii marar badan. Haddii uusan intaas yar ceshan karin, taleefan u dir kilinigga.

Haddii uusan wax dareere ah ceshan karin, si tartiib ah ugu kordhi intaad siineyso iyo wakhtiga u dhexeeya quudin kasta. U labanlaab inta aad siineyso quudin kasta saacad kasta. Ku sii wad quudintaas badan ilaa uu ilmuhu ceshan karo intii caadiga u ahayd ee hore.

Waxaa khalad ah in la siinayo cabitaan aad u badan, balse si tartiib ah ha loogu kordhiyo. Sababtaas ayaa keeneysa in uu mataggu sii bato.

Qaar ka mid ah dhallaanka ka weyn 6 bilood ayaa diida biyaha afka laga siinayo ee ah fuuqcelinta. Xaaladdaas markay jirto, u sii wad wax yar oo ah cabitaankii caadiga ahaa (marka laga reebo juuska miraha). Ku bilow in aad siiso 1 ama 2 oonsi quudin kasta oo quudi marar badan. Ha siin biyo cad.

Waxba uma tareyso beddelka caanaha formula, laakiin dhakhtarka ama dhakhtar‑xigeenka ayaa sheegi doona nooca lagu tijaabin karo.

Ka fogee cabitaanka ay ku badan tahay sokorta iyo macmacaanka sida cabitaanka miraha, soodhada, jelaatin (Jell-O® ama nooc kale) ama cabitaanka sokorta yar, sababta oo ah sokortooda ayaa ka sii dari karta calaamadaha. Cabitaanka isboortiga ee dadka qaangaaray waxay leeyihiin dheelitirnaan ka duwan milixda iyo sonkorta iyo miidaanta kale ee ay u baahan yihiin carruurta yaryar. Hase ahaatee, cabitaanka noocaas ah waxay u shaqeynayaan carruurta waaweyn.

Carruurta waaweyn, ama kuwa aan cabbi karin biyo ah fuuqcelin, waxaa la siin karaa:

  • Pedialyte® dhadhan leh, gaar ahaan marka la qaboojiyo
  • in yar ah oo ah cabitaankooda caadiga ah

Ugu dar cuntooyin adag isla marka uu ilmuhu mataggu ka fiicnaado. Sii cuntada caadiga ah ee dhallaanka ama ilmaha markay cuni karaan, laakiin hadba in yar iyo marar ka badan sidii caadiga u ahayd. Ha siin daawooyinka shubanka ama matagga ilaa uu dhakhtaru kugula taliyo.

Ku-darista Cuntooyinka:

Dhallaanka: Sii cuntada ilmaha markuu cuni karo.

Socodbaradka iyo carruurta ka waaweyn—ku bilow:

  • tufaax cajiimeysan, moos
  • dabacase karsan
  • cuntada tamarta oo adag, sida siiriyaalka, baradho, bariis, yoogar
  • hilibka jiirka ah sida digaagga, turkiga
  • miraha kale iyo khudaarta kale ee uu cuni karo
  • ha siin cuntooyinka dufanka leh ama saliidda leh (cuntooyinka shiilan,
    hilib-doofaar duban, hilib-doofaar ah suqaar), waa wax ku adag dheefshiidka oo ku badinaya dhibka.

U kordhi marka ilmuhu cuni karo. Waxaa badanaa cunto caadi ah la siin karaa 24 saac ka dib markuu mataggu ka istaago.

Sidee baa looga hortagi karaa faafitaanka shubanka iyo matagga?

Qof kasta oo qoyska ka mid ah si fiican ha u dhaqdo gacmaha musqusha ka dib iyo marka la beddelo xafaayad, iyo ka hor inta aysan diyaarin ama cunin cunto. Nuunnaha ama socodbaradka u dhaq gacmaha si aad uga ilaaliso in ay jeermiska ku faafiyaan dadka ama alaabta iyo meelo kale oo guriga ka mid ah.

Maxaa la sameyn karaa si uusan ilmuhu aad ugu dhibaatoon?

Shubanku wuxuu keeni karaa in uu maqaarka jirku jilfo yeesho. Finanka ka yimaada xafaayadda ayaa soo bixi kara. Haddii ay ka soo baxaan finanka xafaayadda, u mari kareemka ka caawin kara. Taleefan u dir dhakhtarka haddii aad ka walaacdo.

Isticmaalid ah xafaayad dhuuqda najaasada oo batoon (guluus oo kale) ku leh lugaha, surwaal bac ah, ama xafaayad maro ah oo la iska tuuro oo yareyneysa dhaqista badan. Waxyaabahaas ayaa waalidka hawsha ka caawinaya, laakiin waxaa adkaaneysa in la ogaado marka saxaro gaarto jirka ilmaha. Xusuusnow in aad ilmaha marar badan ka beddesho xafaayadda.

Si adag ugu sheeg ilmaha waaweyn in ay si fiican isu nadiifiyaan saxaro kasta ka dib. Waa in aad u caawiso si ka badan sidii hore marka uu shuban jiro. Biyo wax yar diirran in looga dhaqo najaasada iyo qallajin ah maro dul saaro jirkooda ayaa xanuunka ka yareynaya oo u fiican nadaafadooda.

Goorma ayaan la soo xiriirayaa kilinigga?

La xiriir kilinigga markaad ilmaha ku aragto:

  • calaamado fuuqbixid oo ah fudeyd ilaa dhexdhexaad:
  • in uu wax cabbi waayo
  • uu ka yar yahay 12 bilood oo uu matagayo biyo cad 3 jeer ama wax ka badan
  • matag ah in ka badan 8 saacadood
  • awood la'aan ah in uu qaadan waayo cuntada caadiga ah ilaa 24 saac gudahood
  • shuban ka sii daraya ama aan uga joogsaneyn 48 saac ka dib (2 maalmood)
  • dhiig ka socda, xab, ama wax malax u eg oo la socda shubanka
  • dhowr jeer oo ah saxaro jilicsan ama dhuuban maalintii in ka badan 2 toddobaad
  • ilmaha oo ka weyn dhallaan ama ay hayso qandho ka sarreysa 104°F
  • dawakhaad ah marka uu ilmuhu istaago
  • matagid ilmaha qaba sokorow
  • ilmaha oo qaata daawo maalin kasta
  • in dhawaan laga qalay caloosha ama dhaawac

Goorma ayaa ilmaha la geynayaa Qeybta Imarjansada?

Qeybta Imarjansada waa in la keeno ilmaha haddii ilmaha lagu arko:

  • calaamado fuuqbixid daran (kor ka akhriso)
  • in isagoo ka yar 2 bilood ay hayso qandho ah 100.4°F ama ka badan cabbirka malawadka
  • calool-xanuun daran oo joogto ah, qoorta oo adkaata, ama madax-xanuun
  • matag u eg kafeega ama miraha bunka oo shiidan
  • matag guduudan ama cagaaran, iyo cunto la siiyey wax yar ka hor oo midabku beddelmay
  • matag ah sidii "biyo xoog badan oo ka soo baxaya tuubbo"

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad noo qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan u soo dir kilinigga.

Wakhtigii qoraalka 2/2024

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota