Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

GOYNTA WAX QOORTA KA SOO KUUSAN

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay waxa ka soo kuusan qoorta carruurta?

Qoorta ilmaha waxaa lagu arki karaa wax kuusan ama bararsan. Qaar ka mid ah waxa qoorta ka soo kuusan waxaa la arkaa marka la dhasho ama waa wax lagu-dhasho waxa qoorta ka soo kuusan. Dhakhaatiirtu waxay ku garan karaan eegista ama taabashada qoorta. Qaar kale waxaa la arkaa marka ugu horreysa ee uu jiro infakshanka hawamareenka sida hargab. Qaar ka mid ah waxa ka soo kuusan qoorta si dhakhso ah ayey u weynaadaan oo waa xanuun. Qaar kale si tartiib ah ayey u weynaadaan oo ma laha wax xanuun ah. Inta badan waxa qoorta ka soo kuusan ma noqdaan kansar (dhibaato ma laha). Kansar (halista) waxa kuusan ee qoorta kuma badna carruurta, balse waa wax dhici kara.

Maxay sababa waxa ka soo kuusan qoorta?

Qoorta waxa ka soo kuusan caadi ahaan waa mid ka mid ah saddexda nooc ee hoose:

  • Infakshan (qanjirbarar buka) - Waa barar ama infakshanka hal nudeen-qanjir ama ka badan. Nudeen-qanjireed waa qanjirrada kalagoysyada jirka oo waxay qeyb ka yihiin habdhiska difaaca. Waxay ku jiraan jirka oo dhan oo waxa ay ku kala duwanaan karaan cabbirkooda, badanaa waxay weynaadaan markuu jiro infakshan. Mararka qaarkood nudeen-qanjireedka infakshan ayaa ku dhaca oo waxaa ka sameysma dareere ama malax u baahan doona in qalliin lagu soo nadiifiyo. Daadinta malaxda ka dib, nabarka waxaa badanaa la geliyaa faashad si tartiib ah looga soo saaro maalinta ama laba maalmood ku dib. Waxa ay caawineysaa in jirku ka bogsado gudaha ilaa dibadda, ka-hortegid ah infakshanku in uusan soo noqon.
  • Waxa kuusan ee qoorta ee lagu-dhasho – Waa wax barar weyn oo soo foocsan oo lagu dhasho. Mararka qaarkood ma muuqdaan ilaa mar dambe; hase ahaatee, waxaa loo tixgelin karaa wax lagu dhashay sababtoo ah qaar badan marka hore ee la dareemo ayaa dareere ka buuxaa ama infakshan ayaa gala – laakiin dhab ahaantii waa wax horay u jiray! Waxaa jira noocyo kala duwan oo ah waxa kuusan balse dhakhtarka ayaa ku fahmi kara meesha ay ku yaallaan, cabbirkooda, iyo sida ay u jilicsan yihiin.
  • Weyninka unugyada cusub ama burooyinka – Nasiib wanaag, mar dhifa ayey ilmaha ku dhacaan. Dhakhtarka ayaa kugula talin kara in xuub yar cirbad lagu soo qaado ama qalliin (xuub-qaadis) si loo ogaado waxa ay buradu tahay. Baaritaanka kale waxaa ka mid ah sawir ah uultarasaawn, sawir ah CT, ama sawir ah MRI. Baaritaanka bilowga ah ka dib si loo ogaado nooca burada, koox dhakhaatiir ah ayaa ilmaha u sameynaya qorshe ah daawayn.

Sidee baa loo gooyaa waxa ka soo kuusan qoorta?

Waxa ay ku xiran tahay nooca waxa qoorta ka soo kuusan oo dhakhtarka qalliinka ayaa jeexi doona maqaarka qoorta oo ka soo saari doona waxa kuusan. Murqaha caadiga ah, neerfeyaasha, iyo xididdada yaryar ee dhiigga wax dhib ah ma gaarayaan. Marka waxa kuusan qoorta laga soo saaro, waxaa loo dirayaa dhakhtarka baarista unugyada ee sheybaarka oo weyneyso ku soo ogaanaya si uu si sax ah ugu ogaado waxa ay jira.

Sidee baa lagu ogaanayaa waxa kuusan ee qoorta ilmaha?

Waxaa badanaa lagu ogaadaa baaris caafimaad iyo mararka qaarkood xuub in laga soo gooyo. Waxa uu dhakhtarku isticmaali karaa sawir ah uultarasaawn, sawir ah CT, ama sawir ah MRI. Mararka qaarkood cirbad ifiso gaar ah, oo wax lagu arkayo, ayaa lagu mudaa marka sawir la qaadayo si ay u caawiso dhakhtarka qalliinka in uu fahmo halka ay yihiin geesaha waxa kuusan. Sidaas ayaa wax lagu ogaan karaa oo lagu qorsheyn karaa qalliinka. Mararka qaarkood ka hor inta aan la soo saarin, xuub dheecaan leh ayaa laga soo gooyaa.

Miyey jiraan wax talo ah oo aan u baahanahay in aan raaco qalliinka ka hor?

Waa in ilmaha la soo marsiiyo wiisiteyn dhakhtar oo guud oo ah 30 maalmood ka hor hawsha ah ama la midka ah qalliinka si loo hubiyo inuu caafimaadkiisu caadi yahay. Dhakhtarku waa inuu soo buuxiyo foomka Taariikhda iyo Caafimaadka oo laga helayo xafiiska. Waa in aad foomka oo buuxa keento maalinta qalliinka. Badqabidda ilmaha awgeed, waxaa muhiim ah in la keeno ilmaha oo aan waxba soo cunin si loo suuxiyo. Fadlan raac talooyinka Cuntada iyo Cabbitaanka ee Isbitaalka Children’s. Haddii aad raaci weydo talooyinka, waxa dhacaya waa in la joojiyo qalliinka ilmaha.

Maxaan filan karnaa qalliinka ka dib?

Qalliinka ayaa waqtigiisu kala duwan yahay oo wuxuu ku xiran yahay cabbirka iyo goobta kuusan. Qalliinka ka dib waxa uu ilmuhu ku soo naaxi doonaa qolka nasashada. Marka ilmahaagu soo naaxo, waxaa la geynayaa goobta la joogo marka la baxayo si loo diyaariyo. Waxa ay waalidku ilmaha la joogi karaan marka loo soo wareejiyo geybta bixidda.

Waxa laga yaabaa in ilmuhu u baahdo dhayid yar ama xabagta qalliinka ee meesha la jeexay. Inta badan tolliinku waa qodobbo jirka ku milma oo looma baahna in qodobbada laga soo saaro. Dhakhtarka qalliinka ayaa waalidka u sheegi doona marka faashadda laga bixin karo laakiin caadi ahaan waa 24 ilaa 48 saac qalliinka ka dib. Haddii la duubo ama tuubbada dheecaanka la geliyo waxaa ka soo saaraya dhakhtarka qalliinka hal ama laba maalmood ka dib. Xanuunka waa in ilmaha loo siiyo Tylenol® (acetaminophen) ama Children's Motrin® (ibuprofen) laakiin mararka qaarkood daawada xanuunka oo xoog badan ayaa loo qorayaa. Fadlan noo soo sheeg haddii aad ilmaha qandho ku aragto qaliinka ka dib ama haddii aad aragto guduudasho ama dheecaan ka imaanaya meeshii la jeexay. Qandhada heer kulkeelkeedu yahay 102.0 F waa caadi. Dhakhtarka ilmaha la xiriir haddii ay ilmaha qabato qandha ka sarreysa 102.0 F ka dib markaad siiso Tylenol® (acetaminophen) ama Children's Motrin® (ibuprofen).

Su'aalo?

Macluumaadka ku qoran waraaqahan gaar kuma aha ilmahaaga. Macluumaadkan waa mid guud oo la siiyo ilmaha la qalo oo dhan. Macluumaadka waxaa loogu talagalay warbixin iyo macluumaad ahaan oo keliya balse waa IN AAN loo isticmaalin wax baddiil u noqon kara talada dhakhtarka carruurta. Haddii aad su'aalo qabto, fadlan taleefan kula soo xiriir kilinigga Dhegaha, Sanka iyo Cunaha.

Reviewed 8/24

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota