Frequently asked questions about law enforcement in health care settings.

Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

DAAWADA XAALADAHA SUUXDINTA HALISTA AH - QAADASHADEEDA AFKA

Article Translations: (English) (Spanish)

Sidee bay daawadan u shaqeysaa?

Daawada lagu shubo afka ama carrabka waa daawo ku jirta saliinge oo ah sharoobbo. Daawada oo lagu shubo afka (carrabka) waxaa badanaa loo isticmaalaa in lagu joojiyo suuxdinta aan iskeed u joogsan karin, ama waa “xaaladaha halista ah.” Daawadan marka la qaato waxay suuxdinta ku joojineysaa ilaa 10 daqiiqo gudahood.

Sidee baa ilmaha loo siinayaa?

Daawooyinka lagu shubo afka ee xaaladaha halista ah waa sharoobbo. U sii daawada sida uu dhakhtarku kuugu sheegay.

Sida ilmaha loo siinayo daawada lagu shubo afka:

  1. Soo qaado daawada, ku diyaarso saliinge qiyaasta laguu sheegay ee afka lagu shubayo, haddii aysan daawadu kuu diyaarsaneyn
  2. Ku caawi ilmaha in uu fariisto ama dhinac u seexdo haddii uusan caafimaadka awgiis fadhigu u fiicneyn
  3. U geli saliingaha afka gudihiisa dhabanka hoose ee ilmaha adiga oo hoos u jiidaya bishinta hoose. HA KU khasbin ama ha qaban ilmaha afkiisa.
  4. Si tartiib ah u sii daawada (wax aan ka badneyn 2 ml gudaha dhaban kasta), adigoo hubinaya in ay caaradda saliingaha si toos ah ugu dhowdahay dhabanka hoose dushiisa si ay daawadu ugu milanto xuubka sare ee qoyan (cirridka).
  5. Waxay u badan tahay in uu ilmuhu liqi doono qeyb ka mid ah daawada. Ku dhiirrigeli, haddii ay suurtagal tahay, in uusan ilmuhu liqin daawada.
  • Haddii aad qiyaas labaad u baahato (oo uu dhakhtarku soo qoray), sii qiyaasta labaad.
  • Ha siin wax ka badan laba qiyaasood. U gee dhakhtarka daaweeya ama imarjansada markaad siineyso wax ka badan 2 qiyaasood.
  • Haddii ay suuxdintu ka joogsan weydo ka dib markaad daawada ka siiso gudaha afka, ugu yeer aambalaas.

Miyey jiraan wax taxaddara oo ah in lagu qaato cunto ama daawooyin kale?

Daawada xaaladaha halista ah ee suuxdinta caadi ahaan waa Diazepam ama Midazolam. Diazepam iyo Midazolam labaduba waa daawooyinka bahda benzodiazepine. Daawooyinka Benzodiazepine waxay hoos u dhigaan dhaqdhaqaaqa maskaxda iyo habdhiska dareenka, oo waxaa la yiraahdo dajiyeyaal. Qaadashada benzodiazepines iyo daawada xanuunka daran, aalkolada ama daawa kasta oo dejisa habdhiska neerfaha waxa ay sababi karaan dawakhaad daran iyo dhibaatooyin ah neefsashada. Kala hadal dhakhtarka wixii ah talooyinka isticmaalka daawada.

Maxaa la sameynayaa haddii daawada la hilmaamo?

Daawadan sida loo istcmaalo waa hadba sidii loogu baahdo. Ha siin ilmaha wax ka badan inta uu kuu sheego dhakhtarka. 

Waa maxay waxyeellada ka imaan karta?

  • Dareen ah hurdo
  • Dareen ah daal ama daciifnimo
  • Murqaha oo daciifa

Su'aalo? 

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga. 

Wahtigii qoraalkan 8/2025

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2026 Children's Minnesota

Give to Kids Day

Today is Give to Kids Day!

A day for our generous community to join together to ensure that even the tiniest hearts get the strongest possible start.