Frequently asked questions about law enforcement in health care settings.

Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

DAAWADA XAALADAHA SUUXDINTA HALISTA AH - MIDAZOLAM SANKA LAGA QAATO

Article Translations: (English) (Spanish)

Sidee bay daawadan u shaqeysaa?

Midazolam (Nyazilam) sanka laga qaato (duleelka sanka) waa daawo la isticmaali karo muddo yar si loogu joojiyo suuxdinta aan iskeed u joogsan karin. Daawadan marka ilmaha la siiyo waxay suuxdinta uga joojineysaa 10 daqiiqo gudahood.

Sidee baa ilmaha loo siinayaa?

Midazolam (Nyazilam) sanka laga qaato waa daawo buufis ah oo sanka laga qaato. U sii daawadan sida uu dhakhtarku kuugu sheegay. 

Sida ilmaha sanka gudihiisa looga siinayo midazolam:

  1. Fiiq baakadda gadaasheeda adigoo soo jiidaya qoraalka ah “Halkan Fiip” (“Peel Here”). Ka soo saar daawada sanka lagu buufiyo ee gudaha ku jirto.
  2. Ku qabo suulkaaga dhinaca hoose oo laba farood dul saar labada dhinac si aad ugu buufiso duleellada sanka. WELI HA BUUFIN ee sanka u dhawee.
  3. Geli afka daawada duleelka sanka gudihiisa ilaa ay farahaagu taabtaan dhanka hoose ee sanka ilmaha.
  4. Riix meesha laga buufiyo si aad ilmaha daawada u siiso.
  5. Ku tuur qashinka weelka daawada ee maran iyo baakadda.
  • Ha tijaabin ama ha buufin daawada ka hor markaadan ilmaha siineyn. Haddii aad buufiso daawada ayaad kaa khasaareysa oo ilmaha daawo uma heli doontid.
  • Haddii aad u baahato qiyaas labaad (oo uu dhakhtarku soo qoray), sanka ka sii qiyaasta labaad.
  • Ha siin wax ka badan laba qiyaasood. U gee dhakhtarka daaweeya ama imarjansada markaad siineyso wax ka badan 2 qiyaasood.
  • Haddii ay suuxdintu ka joogsan weydo ka dib markaad daawada Midazolam (Nayzilam) Sanka ka siiso, ugu yeer aambalaas.

Miyey jiraan wax taxaddar ah oo ah in lagu qaato cunto ama daawooyin kale?

  • Waa inuusan ilmuhu cunin liin bambeelmo oo uusan cabbin iyadoo casiir ah.
  • Midazolam nooca sanka laga qaato waa daawo ah benzodiazepine. Daawooyinka Benzodiazepine waxay hoos u dhigaan dhaqdhaqaaqa maskaxda iyo habdhiska dareenka, oo waxaa la yiraahdo dajiyeyaal. Qaadashada benzodiazepines iyo daawada xanuunka daran, aalkolada ama daawa kasta oo dejisa habdhiska neerfaha waxa ay sababi karaan dawakhaad daran iyo dhibaatooyin ah neefsashada. Kala hadal dhakhtarka wixii ah talooyinka isticmaalka daawada.

Maxaa la sameynayaa haddii daawada la hilmaamo?

Daawadan waxa loo istcmaalaa hadba sidii loogu baahda. Ha siin ilmaha wax ka badan inta uu dhakhtarka kuu sheego. 

Waa maxay waxyeellada ka imaan karta?

  • Dareen ah Hurdo
  • Sanka iyo cunaha oo xoqma
  • Biyo Sanka ka Socda
  • Madax-xanuun
  • Dhibaatooyin ah ama luminta xusuusta
  • Gubasho in lagu dareemo marka la qaadanayo

Su'aalo? 

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga. 

Wahtigii qoraalkan 8/2025

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2026 Children's Minnesota

Give to Kids Day

Today is Give to Kids Day!

A day for our generous community to join together to ensure that even the tiniest hearts get the strongest possible start.