Su’aalaha inta badan la isweydiiyo
Sidee ayay Children’s Minnesota u shaqaynaysaa muddadan?
Sii wadista daryeelka bukkaanka: Hawlaha Children’s Minnesota waxay u socon doonaan sidii caadiga ahayd. Waxaana sii wadi doonnaa inaan bixinno daryeel tayo sare le oo aan u fidinno bukkaannadayada iyo qoysaskooga, iyada oo aan loo eegin xaaladda socdaalka ama awwoodda bixinta kharashka.
Waa maxay habraacyada Children’s Minnesota ee ilaalinta xogta gaarka ah ee bukaanka iyo shaqaalaha?
Waxaan sii wadi doonnaa raacista habraacyada iyo nidaamyada naga jira, kuwaas oo diiradda saaraya ilaalinta xogta gaarka ah ee bukaanka iyo shaqaalaha. Badbaadada iyo asturnaanta shaqaalaheenna, bukaannada, iyo qoysaskooda waa mudnaanta ugu sarreysa. Tan waxaa ka mid ah:
In si qarsoodi ah loo ilaaliyo macluumaadka bukaanka iyo shaqaalaha.
In aan loo oggolaan qof aan oggolaansho sharci ah haysan inuu galo goobaha daryeelka bukaanka.
Xaaladda socdaalka ma saameyneysaa daryeelka caafimaad ee qoyskayga?
Children’s Minnesota mar walba waxay daryeel u fidisaa bukaannada iyo qoysaska, iyada oo aan loo eegin xaaladda socdaalka ama awoodda bixinta, wayna sii wadi doontaa.
Children’s Minnesota ma la wadaagtaa hay’adaha sharci dejinta xogta socdaalka ee bukaannada?
Children’s Minnesota waxay u hoggaansantaa sharciyada asturnaanta ee heer gobol iyo federaal, kuwaas oo ilaaliya dhammaan macluumaadka ay bukaannadu bixiyaan marka ay helayaan daryeel. Mar walba waan ilaalinaynaa xogta gaarka ah ee bukaannada. Marna ma wadaagno macluumaadka bukaanka ilaa ay bukaanku oggolaansho bixiyaan ama uu sharcigu nagu qasbo.
- Gobolka waxaa waajib ku ah xogta ka-qaybgalayaasha Medicaid iyo Emergency Medical Assistance (Gargaarka Caafimaadka Degdegga) in uu la wadaago hay’adda Centers for Medicare and Medicaid Services (CMS) (Xarunta Adeegyada Medicare iyo Medicaid), CMS-na waxaa loo oggol yahay inay xogtaas la wadaagto Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka (U.S. Department of Homeland Security).
- Xogta barnaamijyada uu gobolku keligii maamulo, sida MinnesotaCare, lalama wadaago hay’adda CMS.
Saraakiil federaal dhismaha Children’s Minnesota bukkaankoo jooga ma geli karaan?
Hay’adaha fulinta sharcigu way geli karaan meelaha dadweynaha, hasa yeeshee goobaha bukaankase ma geli karaan iyaga oo aan haysan dukumeenti sharci ah.
Ka warran haddii qoyskaygu uusan ammaan u dareemin inay yimaadaan ballanta?
Deggenaantaada maskaxeed waa muhiim. Haddii aadan ammaan u dareemin imaanshaha ballan fool-ka-fool ah, fadlan wac rugtaada. Waxaan kuu heli karnaa e-visits, telehealth, ama xalal kale si daryeelka ilmahaagu u sii socdo.
Ma jiraan kheyraad ama ilo taageero oo dheeraad ah haddii aan qabno su’aalo?
Halkan waxaa ku yaal kheyraad dheeraad ah:
- Baro saameynta tallaabooyinka federaalka ee hadda socda iyo sida magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul uga jawaabayaan.
- Talking to kids about I.C.E. actions