Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)
Caloolfadhigu waa dhibaato ah in ay saxaradu soo bixi weydo (waxa kale oo la yiraahdaa calool-istaagid). Waxay ku badan tahay ilmaha yaryar maaddaama ay beddelaan cuntada iyo dookhooda. Sidoo kale waa wax caadi u ah markay ilmuhu baranayaan sida loo isticmaalo musqusha ama markay bilaabayaan iskuulka, sababtoo ah ilmaha qaar ayaan rabin in ay saxaro u galaan musqulaha iskuulka.
Waxaa ilmaha lagu arkayaa:
Mararka qaarkood marka ay calooshu aad u taagan tahay, ilmaha waxaa ku dhici karta jeexjeexmid ku dhacda maqaarka ku wareegsan futada (duleelka ay saxarada ka soo baxdo) oo waxaaba la arki karaa dhiig soo raaca saxarada ama waraaqaha musqusha.
Haddii ay ilmahaaga calooshu fariisato in muddo ah, saxaro ayaa uga buuxsami karta mindhicirka yar oo sii kala fidin karta. Mararka qaarkood ilmuhu waxay u baahan karaan in isbitaal la seexiyo si “loogu soo nadiifiyo mindhicirka yar” ama si looga soo saaro saxarada oo dhan.
Kala hadal dhakhtarka ama kalkaaliyaha in ay kuu sheegaan waxa u fiican ilmahaaga. Habka ugu fiican ee looga hortagayo caloosha taagan wuxuu baahan karaa dhowr waxyaabood, wakhti, iyo dulqaad si loo helo waxa ilmaha u shaqeyn kara. Sida ay calooshu u socoto ilmuhu waa ay ka kala duwan yihiin. Waa in la sameeyo waxyaabo kala duwan ilaa la ogaado waxa u fiican ilmaha.
Waa in ilmuhu badsado cabitaanka sida biyaha iyo miraha, gaar ahaan tufaaxa, beerka, miraha jeeriga, canabka, ama buruunka. Waa in ilmuhu cuno miro, khudaar, iyo cunto badar ah maalin kasta, waxyaabahaas ayaa ku caawinaya in ay u jilicdo saxarada iyo in aysan calooshu fariisan. Ha siin ilmaha budo ama nacnac jilicsan oo loo qaato in calooshu ku socoto; waa wax badanaa saxaradu ku sii adkaato oo ilmahana caloosha isaajiya.
Ugu dar badar (qamadi ama galley) cuntada si ay calooshu ugu socoto. Ugu qas siiriyaal, canjeero, rooti, cuntada guriga, ama cunto kale, ama badar kala duwan. Miro la yiraahdo beer, istarooberi, digir kuuskuusan, mid dhuuban, iyo baradhada macaan ayaa ka mid ah cuntooyinka caloosha socodsiiya.
Ka yaree cuntooyinka is buriya sida tufaaxa, mooska, bariiska, dabacasaha la kariyey, jiiska, iyo jelaatiin (sida cuntada fudud ee ah miraha iyo Jell-O®). Ka yaree caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo ama ugu beddel caanaha aan ahayn caano xoolaad iyo sooy ilaa calooshu u socoto. Barootiinka laactoos ee ku jira caanaha ayaa dhibi kara carruurta qaarkood.
Kala hadal kalkaalisada ama dhakhtarka waxyaabaha la isticmaalayo iyo goorta iyo sida loo isticmaalo:
Carruurta badankooda inta isku kaadisa caloosha ayaa sidoo kale fadhida. Caloosha istaagta waxay keentaa in ilmuhu isku kaadiyo sababtoo ah kaadihaysta iyo mindhicirka ayaa ku dheggan caloosha. Marka ay ilmuhu calooshu fadhido, malawadka ayaa waxaa ka buuxa saxaro adag, oo kaadihaystii ayaan ceshan karin kaadi badan. Cadaadiska saxarada ayaa sii cadaadineysa kaadihaysta, oo waxay noqoneysaa in si dedgdeg ah loo soo kaadiyo.
Haddii ilmaha la seexiyo isbitaal caloosha oo fadhida awgeed, waxay u badan tahay wax soo hayey muddo dheer. Waxay qaadan doontaa wakhti dheeraad ah in ay mindhicirrada ilmaha si caadi ah dib ugu soo noqdaan. U sii wad ilmaha daawada saxarada jilcisa iyo daawada caloosha socodsiisa oo wax ka beddel qaab-nololeedka saarista isbitaalka ka dib usbuucyada ilaa bilaha ka dambeeya. Dhakhtarka ayaa go'aamin doona daawooyinka u fiican ilmaha iyo muddada ay sii qaadan karaan daawadaas. Waa in ilmaha loo geeyo dhakhtar ku takhasusay habka dheefshiidka (caloosha iyo mindhicirrada) haddii ay sii socoto caloosha taagan.
Taleefan u dir kilinigga haddii aad su'aalo qabto, ama haddii aad ilmaha ku aragto:
Ama, haddii aad aragto:
Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad noo qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan u soo dir kilinigga.
qoristii 3/2024
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2025 Children's Minnesota