Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Waa maxay tuubbada quudinta ee sanka iyo caloosha la geliyo?

Article Translations: (English) (Spanish)

Waa maxay tuubbada quudinta ee sanka iyo caloosha la geliyo?

Tuubbada sanka iyo caloosha (NG) waa tuubbo yar oo sanka la geliyo si caloosha loo gaarsiiyo. Caanaha hooyada, formula, ama cunto dareere ah ayaa toos loogu shubaa tuubbada ilaa caloosha, si ilmaha looga siiyo cunto dheeraad ah. Sidan marka loo quudiyo ilmaha waxay ku caawisaa in uu helo nafaqo uu kuu weynaado, ku kobco, oo uga bogsado xanuun, si uu u ciyaaro, iyo si uu wax u barto.

Tuubbada quudinta waxaa la gelin karaa ilmaha da' kasta. Carruurta qaar waxay ku xiran tahay tuubbada quudinta ilaa ay afka wax ka cuni karaan. In la isticmaalo tuubbada caloosha (GI) ilmaha laga quudinayo waa si ay ugu caafimaadaan oo ay caadi ugu noqdaan.

Carruur si caadi ah wax u cuni karta ayey ku dhacdaa in la geliyo tuubbada si ay uga helaan cunto dheeraad ah.

Waxaa jira dhowr siyaabood oo la isu geliyo tuubbada quudina ee NG. Nooca tuubbada, inta jeer ee la beddelayo, nooca iyo inta jeer ee caanaha formula, iyo muddada wakhtiga quudinta waxaa go'aaminaya dhakhtarka iyo xirfadlaha nafaqada, oo baahida ilmaha ayey ku xiran tahay.

Samee keliya meelaha calaamadeysanee waraaqda

Talooyinka gaarka ah ee ilmahaaga:

Nooca iyo cabbirka tuubbada quudinta:

___ Beddel tuubbada quudinta mar kasta

___ Adigu ha beddelin tuubbada quudinta.

Waxaad ku quudineyso:

Cabbirka quudinta:

Inta jeer ee quudinta:

Habka: ___ muddo-gaaban ___ muddo-dheer

Nooca bambada:

Heerka siinta quudinta:

Quudinta ka dib ku biya raaci tuubbada quudinta ____ml oo biyo ah.

Wax kale:

Cabbirka:

Daryeelidda bacda quudinta iyo tuubbada:

___ Beddel maalin kasta.
___ Mar kasta oo aad isticmaasho ka dib, ku meyr biyo diirran iyo saabuunta maacuunta, si fiican u biya raaci, oo qaboojiyaha gasho.

Haddii ay bacda iyo tuubbadu nadiif u noqon waayaan si fudud, waxaad isticmaashaa khal iyo biyo qabow oo is le'eg (tusaale 1 koob oo ah khalka iyo 1 koob oo ah biyaha). Si fiican u biya raaci oo qaboojiyaha gasho. Iska tuur bacda quudinta iyo tuubbada 1 toddobaad ka dib; goor hore haddii aadan nadiifin karin ama haddii ay duleel yeelato.

Qeexid

saxasho

dareere in uu u gudbo sambabbada, oo neefsashada ayaa adkaan karta

muddo-gaaban

quudinta ah muddo gaaban

muddo-dheer

quudin ah muddo aad u dheer

Tuubbada GI

hunguri-mareenka, caloosha, iyo mindhicirrada

tuubbada gaafaj

magac kale oo loogu yeero tuubbada quudinta, oo afka ayaa la gelin karaa

saliidda tuubbada

walax tuubbada la mariyo sida K-Y® jelly, oo tuubbada ayey ku caawisaa in ay si fudud u gasho ilmaha - ha isticmaalin Vaseline®

 

___ Gelinta tuubbada quudinta

Wakhti ayey qaadan doontaa in la barto sida tuubbada loo geliyo, marka waa in aad adigu dulqaad u yeelato. Sidaas ayaad adigu sameyn kartaa ka dib markaas si fiican u sameyso iyada oo ay kalkaaliso kula joogto.

Diyaargarowga hore:

  1. Gacmahaaga si fiican u dhaq.
  2. Soo uruurso alaabta:
    • tuubbada quudinta
    • qalabka cabbirka
  3. Farahaaga isticmaal, oo ku taabo lafta sakaarka ilmahaaga (lafta shafka). Aayar u taabo lafta bartamaha xabadka, dabadeedna taabo geeska salka hoose. Waa in ay ka hooseyso ibta naaska, oo waxaad dareemeysaa salka hoose ee feeraha ee u kala qalloocanaya labada dhinac.
  4. Hadda calaamadso meel kale oo u dhaxeysa xuddunta ilmahaaga iyo salka hoose ee lafta xabadka. Meeshaas dhexe xusuusnow.
  5. Adigoo isticmaalaya qalabka cabbirka, waa in aad cabbirto laga bilaabo caaradda sanka ilmaha ilaa iyo salka hoose ee dhegta qeybteeda laallaadda, ka dibna cabbir ilaa iyo meeshii u dhaxeysay xuddunta iyo geeska lafta xabadka. Lambarka qoro: oo cabbirkaasi waa "cabbirka ilmahaaga." Cabbirka:
    Sawirka hoose, cabbirka ilmaha waa 12 inji (3 inji oo ah sanka ilaa dhegta, oo lagu daray 9 inji oo ah dhinaca hoose).




Adigoo isticmaalaya qalabka cabbirka, waa in aad cabbirto laga bilaabo caaradda sanka ilmaha ilaa iyo salka hoose ee dhegta qeybteeda laallaadda, ka dibna cabbir ilaa iyo meeshii u dhaxeysay xuddunta iyo geeska lafta xabadka. Lambarka qoro: oo cabbirkaasi waa "cabbirka ilmahaaga." Cabbirka:

  • Hadda waa in aad cabbirto tuubbada (si aad u hesho dhererka bacda lagu keenay). Cabbirka ilmahaaga ka goo dhererka tuubbada, oo sidoo kal meel ku qoro. Intaasna waa "tuubbada qeyb dheeraad ku ah" lambarkeeda. Meel ku xafido; mar kale ayaad isticmaaleysaa si aad ugu hubiso in ay tuubbadu si sax ah u gashay. Tuubbada qeybta dheeraadka ku ah:Sawirka hoose, cabbirka ilmaha waa 12 inji (3 inji oo ah sanka ilaa dhegta, oo lagu daray 9 inji oo ah dhinaca hoose).
  1. Hadda, laga soo bilaabo afka tuubbada, cabbir fogaanta cabbirka ilmahaaga (tusaalaha kore cabbirku wuxuu ahaa 12 inji). Qalin ku calaamadso meeshaas tuubbada dusheeda. Hadda waxaad diyaar u tahay gelinta tuubbada quudinta.

Gelinta tuubbada:

  1. Gacmahaaga si fiican u dhaq.
  2. Soo uruurso qalabka
    • tuubbada quudinta
    • formula
    • faashad haddii loo baahdo
    • biyo ama wax kale oo lagu qooyo
    • caagagga yaryar ee tijaabinta pH
    • saliinge, cabbir:
    • sharooto, nooca:
    • biya-raacis haddii loo baahdo
  3. Diyaarinta ilmaha.
    ___Maro ku duub ilmaha yar (buste oo kale oo gacanta ha duubin). Waxaad u dhigtaa dhinaca bidixe, sida kursiga ilmaha ama sariir, oo wax yar madaxa kor ugu soo qaad.
    ___Carruurta waaweyn waxaa lagu fariisin karaa meel, ama waxaa qaban kara qof weyn haddii ay rabaan. Carruurta qaar ayaa matagi kara marka tuubbada la geliyo. Iska ogow haddii uu matag soo socdo oo dhinac u leexi.
  4. Biyo ama wax kale ku qoo afka dambe ee tuubbada haddii lagu baray sida loo sameeyo. Tuubbooyinka badankooda waxay leeyihiin dahaar kore oo biyo lagu qooyo, si ay si fudud ugu socoto.
  5. Sanka ka geli tuubbada, adiga oo si aayar ah hoos ugu riixaya ilaa ay calaamaddii tuubbada gaarto sanka caaraddiisa. Carruurta waaweyn wax bay cabbi karaan ama laqi karaan si ay tuubbadu hoos ugu degato. Nuunneyaashu waxay jaqi karaan caagga afka loo geliyo ama faraha waalidka marka tuubbada la gelinayo. Ma aha wax ilmaha u fudud oo waxaa caadi ah in ilmaha lagu arko qufac ama hindhiso marka tuubbada la gelinayo. Waxaa fiican in uu qof kale oo weyn ku caawinayo.
    Tuubbada markaad geliso ka dib, islma markiiba tuubbada ka bixi haddii ilmuhu:
    • qufacayo
    • gaagleynayo
    • hindhisayo
    • matagayo
    • hiinraagayo
    • midabkiisu is beddelo
    • uusan neefta jiidi karin
    • neefsashadu isu beddesho
    • baahida ogsajiintu ay is beddesho
    • uu ka yaraado lambarka garaaca wadnaha
    • sameeyo rafasho
    • dareemo dhib kale, xanuun, ama calool-xanuun
    • uusan si caadi ah u hadli karin ama u ooyi karin
    • ama aad aragto tuubbadii oo ka soo baxaysa afka

Hab sii oo deji dhowr daqiiqo, ka dibna mar kale isku day

  1. Markaad tuubbada geliso, sharooto ugu dheji siday kalkaalisadu ku tustay.
  2. Iska hubso tuubbada aad gelisay ilmaha (hoos ka eego)

Hubinta tuubbada gudaha

Si aad uga hortagto saxashada ilmaha, waa inaad hubiso quudinta ka hor tuubbada aad gelisay, oo hubso inaysan dhaqaaqin. Calooshu waa in ay maran tahay intii macquul ah markaad eegeyso tuubbada gashay, mar kasta wakhti u qabo ka hor daawada iyo quudinta.

  1. Eeg ilmahaaga. Miyuu ilmuhu kuula muuqdaa caadi iyo in uu neefsanayo? Haddii ay ilmaha ka muuqato dhibaato, gaagleyn, hindhisid, matagid, hiinraagid, midabkiisu is beddelayo, inuusan neefsaneyn, neefsashadiisu is beddesho, ogsajiintu is beddesho, garaaca wadnihiisu yaraado, uu rafanayo, dhibaato kale, xanuun, calool-xanuun, uusan hadli karin ama uusan ooyi karin, ama haddii aad aragto tuubbadii oo ka soo baxaysa afka ilmaha: ha ku bilaabin quudin.
  2. Iska hubso in ay calaamadda tuubbadu ku dhowdahay duleelka sanka. Cabbir tuubbada laga soo bilaabo meesha calaamadsan ee sanka duleelkiisa ilaa iyo bartamaha oo iska hubso in ay isku mid yihiin inta "dheeraadku ah tuubbada" iyo lambarkii aad mar hore qoratay. (Kor eeg "Diyaargarowga hore," tallaabada 7-aad.) Haddii aadan arki karin calaamadda ama uu dhererku is beddelay, ha bilaabin quudinta.
  3. Gelinta ku hubi caagga dhuuban ee pH. Isku day in aad caloosha biyo uga soo saarto saliingaha. Adigoo isticmaalaya saliinge yar (3 ilaa 5 ml) ayaa kuu sahli karta. Caagga dhuuban ee pH ku tijaabi heerka aashitada ee biyaha caloosh. Cabbir ah pH gaareysa ama ka yar 5.5 waa gelinta tuubbada oo sax ah. Cabbr ah pH Haddii ay kuu soo baxdo pH gaareysa ama ka sarreysa 5.5, la xiriir dhakhtar. Ogow: Tuubbo ah 3.5 "neotube" ama mid cusub oo ka yar wax biyo ah ugama soo saari kartid caloosha.
  4. Ugu yaraan pH ah               .
  5. Haddii aad heli weydo pH balse aad hesho dhererka, cabbirka iyo xaalka ilmaha aysan waxba iska beddelin, waxaad bilaabi kartaa quudinta.

In aad si aad ah uga taxaddarto calaamadahaas ayaa kugu caawineysa in aad hubsato in ay tuubbadu meel sax ah ku jirto. Haddii aad shakiso, waxaa fiican in aad ka  soo bixiso tuubbada oo aad beddesho.

Sidaad u quudineyso

___ Quudinta muddada gaaban

Waxaa fiican in ay wada sameeyaan 2 qof quudinta tuubbada noocan ah. Qof baa qabanaya ilmaha oo dejinaya oo qofka kale ayaa sameynaya quudinta.

  1. Gacmahaaga si fiican u dhaq.
  2. Cabbiro cabbirka formula sax ah oo u soo kululeyso sidii aad rabto.
  3. Eeg tuubbada inay ugu jirto sida kore (oo isha ku hay calaamadda tuubbada NG iyo tijaabada pH).
  4. Maqas caag ah ku qabo tuubbada.
  5. Saliinge ku dheji tuubbada quudinta.
  6. Ku shub formula saliingaha.
  7. Maqas caag ah ku fur tuubbada.
  8. Formula ha ku socoto wakhti la mid ah ilaa wakhtigii uu ilmuhu si caadi ah afka uga cabbi lahaa, ama hadba sida uu dhakhtarku ugu qoro.
  9. Siyaabaha loogu caawinayo socodka quudina:
    Isku day in aad quudinta ilowdo marka uusan ilmuhu xanaaqsaneyn. Waxaad u baahan kartaa inaad ku khasabto quudinta bilowga hore. Si aad ugu khasabto, caanaha ku shubo saliingaha oo aayar uga sii. aayar uga jooji oo ka dibna formula ha ugu socoto si caadi ah. Haddii ilmahaagu ooyayo, waxaad u baahan kartaa in aad dhowr jeer ku celceliso
    ___ Caagga ilmuhu jaqo ayaa caawin kara in ilmuhu aamuso iyo in ay isugu xirmato jaqidda iyo buuxinta caloosha.
    ___ Carruurta waaweyn, wax kale ayaa lagu maaweelin karaa, ama qeyb ha ka noqdaan quudinta, sida in ay saliingaha qabtaan.
  10. Inta ay quudintu socoto, saliingaha salkiisu waa in uusan ka sarreyn wax ka badan 6 inji caloosha ilmaha.
  11. ugu sii dar formula saliingaha ilaa aad gaarto intii loo soo qoray in la siiyo.
  12. Marka uu saliinguhu maran yahay, ku biyo raaci tuubbada cabbirka biyaha diirran ee laguu sheegay.
  13. Quudinta ka dib:
    ___Maqaska caagga ah ku qabo tuubbada.
    ___Tuubbadu ha furnaato si ay u leyrsato. Ku dheji faashad yar saliingaha si aysan u daadan waxa ku jira.
    ___ U daaci ilmaha.
    ___Nuunneyaasha iyo ilmaha yaryar waxaa aad ugu fiican in kor loogu qaado madaxa iyo qaarka sare, ama in loo dhigo dhinaca bidixe
    ___Carruurta waaweyn waxaa caadi ah in ay iska ciyaaraan

___ Quudinta joogtada ah ee nooca bambada

  1. Gacmahaaga si fiican u dhaq.
  2. Cabbiro formula ilmaha ku filan ilaa 4 saac oo kululee haddii aad rabto.
  3. Ku shubo formula bacda quudinta. Ha ku dhammaato formula ilaa dhammaadka bambada tuubbada.
  4. Diyaarso bambada oo ugu bambee tuubbada sida ay ugu soo qoreen shirkadaha iibiya alaabta caafimaadka. Iska hubso in aad u siiso si sax ah.
  5. Haddii aad tuubbo cusub oo quudin ah gelineyso, eeg "Diyaargarowga hore ee aad tuubbada gelineyso" iyo "Gelinta tuubbada."
  6. Hubi gelidda tuubbada haddii uusan is beddelin cabbirka tuubbada bannaanka, meesha laga soo bixinayo in ay ka muuqato calaamadda iyo in aysan waxba iska beddelin xaalka ilmaha, ku sii wad quudinta adiga oo aan ka joojineyn (eeg "Hubinta gelidda tuubbada"). Haddii ay jiraan dhibaato ah matag ama neefsasho mar ay noqotaba, waa in aad xaqiijiso gelidda tuubbada.
  7. Isku xir tuubbada bambeynta iyo tuubbada quudinta ilmaha.
  8. Fur oo ha shaqeyso tuubbadu. Iska hubi si aad u xaqiijiso in ay socoto dhibicda formula.
  9. Markay bacdu eber noqoto 4 saac oo kasta, ku dar formula kale.
  10. Qabo oo/ama badanaa la hadal ilmaha saacadaha uu soo jeedo. Madaxa ilmaha xoogaa kor ugu qaad inta ay quudintu u socoto oo dhan.
  11. Si taxaddar badan u eeg ilmaha si aad u hubiso in aysan iska beddelin neefsashada ama habdhaqankiisa. Iska hubso inay calaamadda tuubbadu ku dhowdahay duleelka sanka. Waxa kale oo fiican in la cabbiro dhowrkii saacba mar, sababtoo ah mararka qaarkood tuubbada ayaa ka bixi karta sharootada hoosteeda. Ka jooji quudinta haddii calaamaddu is beddesho oo hubso gelinta.
  12. Haddii uu dhakhtarku kuu sheego, ka dib xilliga quudinta, ku biya raaci tuubbada biyaha diirran ee laguu sheegay.
  13. Haddii laguu sheego in aad joojiso quudinta muddada dheer.
    ___Maqaska caagga ah ku qabo tuubbada.
    ___Tuubbadu ha furnaato si ay u leyrsato. Faashad ku dul sharootee saliingaha si aysan waxba uga soo daadan.
    ___U daaci ilmaha.
    ___Madaxa ilmaha kor ha u kacsanaado ilaa iyo 30 daqiiqo quudinta dabadeed.

___ Ka-bixinta tuubbada quudinta (haddii laguu sheegay)

  1. Ka fuji sharootada.
  2. Hal mar ciddida suulka ku qabo tuubbada oo si degdeg ah u soo jiid.
  3. Qabo, hab sii, oo sabaali ilmaha. Haddii ilmuhu yahay nuunne, u daaci.

Daryeelidda maqaarka

Badanaa maqaarka ilmahaaga ee meelaha tuubbada u dhow ku nadiifii biyo diirran, oo ka masax wixii aad ku aragto. Haddii uu duleelka sanka guduuto ama uu maqaarku hurgumo, ka soo bixi tuubbada oo ugu beddel duleelka sanka kale, haddii ay suuroowdo.

Haddii aad isticmaashay sharooto aad ku dhejisay, ka fuji adigoo marinaya saliid yar oo dabadeedna si aayar ah uga fuji adigoo aan xanuunjineyn. Haddii aad wax kale uga fujineyso faashadda ama sharootada, iska hubso in aad biyo uga dhaqdo wixii ku dheggan, si aysan dhib ugu noqon.

Xallinta dhibaatada

Dhibaato

Waxa aad sameyneyso

Markay xiranto tuubbada quudinta (samee waxyaabaha soo socda)

  • Tuubbada biyo ku dhex shub.
  • Isticmaal qalabka Clog-Zapper® haddii sidaas laguu sheegay.
  • Ka soo bixi oo ka beddel tuubbada.

Qeybta sanka ee tuubbada markay soo dhacdo

  • Taleefan u dir kalkaalisada, kilinigga, ama dhakhtarka. Adigu ha ka beddelin.

Marka ilmuhu qufaco tuubbada oo ku jirta
(si looga hortagto saxasho)

  • Haddii ilmuhu gaagleeyo ama qufaco quudinta oo ku socota, ciddiyaha ku qabo tuubbada oo ka soo saar. Sabaali ilmaa ilaa uu aamuso, ka dibna ku celi.
  • Ka hor intaadan quudinta ku bilaabin, iska hubso tuubbada meesha ay kuugu jirto (eeg "Hubinta meeshay tuubbadu ku jirto").

Shuban iyo xanuun

  • Hubso oo eeg in ay sax tahay inta formula ee aad rabto.
  • Waa in ay formula suran tahay ugu badnaan ilaa 4 saac. Marna ha isku qasin formula cusub iyo formula hore oo ku surneyd.
  • Gaabi socodka quudinta ama xoogaa ka jooji. Iska hubo in aad tuubbada ku biya raaciso biyo diiran si aysan u xirmin.
  • Waa in aad diiriso formula haddii ay qabowdo.
  • Taleefan u dir dhakhtarka haddii aad dhibka jira xal u weydo.

Lallabbo (caloosha oo qasan) ama matag (hunqaaco)

  • Gaabi socodka quudinta ama xoogaa yar ka jooji. Iska hubso in aad tuubbada ku biya raaciso biyo diirran si aysan u xirmin.
  • Dib ugu bilow quudinta marka ilmuhu fiicnaado.
  • Taleefan u dir dhakhtarka haddii aad dhibka jira xal u weydo.

Maqaarka sanka u dhow markuu is beddelo

  • Nadiifi oo qallaji meelaha u dhow duleelka sanka.
  • Hoos ugu sharootee, ma aha sanka dushiisa (kalkaalisada weydiiso in ay ku tusto sida loo sharooteeyo tuubbada).
  • Tuubbada ugu kala beddel labada duleel ee sanka.

Markaad arki weydo lambarka pH

  • Hubso cabbirka.
  • Markay waxba iska beddelin xaaladda ilmaha (oo aysan jirin wax dhib ah)?
  • Haddii aysan dhererka waxba iska beddelin xaaladda ilmaha, u sii quudi sida laguugu sheegay.
  • Taleefan u dir dhakhtarka ama Xafiiska Daryeelka Guriga haddii aad su'aalo ka qabto isticmaalidda tuubbada quudinta ama daawooyinka.

Goormaan la xiriirayaa dhakhtarka?

  • qandho
  • matag ama shuban aan ka istaageyn
  • oohin badan, oo aan la aamusin karin
  • xanuun ama calool-xanuun aan caadi ahayn
  • su'aalo ku saabsan isticmaalidda tuubbada
  • neefsashada oo dhib ku ah - garaac 911

Haddii aad qabto wax kale oo ah welwel la xiriira ilmaha, taleefan u dir dhakhtarka oo kala hadal calaamadaha.

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga, laakiin  waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad ka qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan u dir dhakhtarka, kalkaalisada guriga ama xirfadlaha nafaqada.

Children’s Minnesota

10/22

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota