Frequently asked questions about law enforcement in health care settings.

Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

NADIIFINTA SANKA GUDIHIISA

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay sababta goojo cusbo gaar ah sanka loogu nadiifinayo?

  • Marka sanka lagu dhaqo biyo cusbo gaar ah waxa ay fureysaa oo ay si fiican uga soo saareysaa xab adag oo weyn ama engegan.
  • Waxay caawineysaa shaqada xaadda sanka oo qashinka ka celisa sanka godadkiis. Xaadda waa mid u eg timaha oo sanka gudihiisa iyo gododkiisa ayey ku dhex taallaa.
  • Waxay sanka ka difaacdaa caabuqa iyo inuu yaraado xabka sanka ee u gudba cunaha.
  • Waxay sanka ku caawisaa shaqadiisa iyo inuusan xuubka sanku noqon mid engagan.

Halkee baa laga heli karaa cusbada gaarka ah ee sanka?

Waxaad cusbada gaarka ah ka soo iibsan kartaa farmashiye kasta ama adiga ayaa sameysan kara (hoos ka akhriso):

Sidaad u sameysaneyso cusbada gaarka ah:

  1. Qiyaastii 1 koob (237 ml) oo ah biyo nadiifa oo la iibsado ku shubo weel nadiif ah. Haddii aad isticmaaso biyaha tuubbada, karkari marka hore si aad u nadiifiso oo ha kuu qaboobaan ilaa ay noqdaan heer aan kululeyn/heerkulka guriga. Biyaha qasabada ee la sifeeyay iyo kuwa la soo nadiifiyey waa in la karkariyo. Waxaad biyaha aad karkarisay ku keydin kartaa weel nadiif ah ilaa 3 maalmood.
  2. Biyaha ku darso ½ qaado-shaaha (2.5 g) oo ah cusboo qasacadeysan oo la soo iibsado oo la yiraahdo bikalin.
  3. Ku darso ½ qaaddo-shaah (2.5 g) oo ah budada wax lagu dubto.

Waxaad guriga dhigan kartaa cusbada aad sameysato heerkul caadi ah ilaa 3 maalmood.

Sidee baan ilmahayga u soo diyaarinaya?

  1. Isticmaal erayo fudud si aad habka ugu sheegto ilmaha fahmaya. U sheeg habka aad raaceyso ka hor inta aadan ku shubin.
  2. Carruurta yaryar, waxaa inta badan u fiican in lagu bilaabo goojada buufiska sanka si ay ula qabsadaan daaweynta sanka gudihiisa iyo dareenka daawada (buufinta goojada cusbada ah waa qoyaan sanka lagu dareemayo. Caadi ahaan kuma filna in lagu daaweeyo sanka aadka u cabbursan ama dheecaanka leh).

  3.  

    Marka ilmuhu la qabsado buufinta goojada, ku bilow biyaraacinta sanka oo buuxda.
  4. Biyaraacinta cusbada waxaa lagu dareemayaa gubasho dhowrka jeer ee ugu horreeya. Carruurta badankoodu dhowr jeer ka dib ayey la qabsanayaan biyaraacinta.

Sidee baa loo sameeyaa?

  1. Gacmaha ku dhaqo saabuun iyo biyo ama aalkolada gacmaha ugu yaraan 30 ilbiriqsi.
  2. Ku shubo dhalada tuujin ah ee nadiifinta sanka (oo laga heli karo farmashiyaha) 8 oonsi ama 1 koob oo ah biyaha diyaarsan ama biyo aad soo karkarisay. Ku darso baakad ah cusbada laga soo iibsado dukaanka ama tan guriga lagu sameysto. Si adag ugu xir daboolka dhalada oo hal far dul saar daboolka adiga oo ruxaya si aad isugu qasto.
  3. Waasgada faraxalka keenso ilmaha oo saliingaha u geli sanka gudihiisa oo si tartiib ah ugu tuuji (ha ka xirin sanka kale).
  4. Toos ugu nadiifi qulqulka cusbada xagga hoose ee sanka gudihiisa, kor ha u jeedin.
  5. Cusbadu waa inay soo marto sanka oo ka soo baxdo afka ama duleelka kale ee sanka.
  6. Si tartiib ah sanka ha ugu shub cusbada oo ka dibna ka biyaraaci milixda.
  7. Nadiifi dhalada maalin kasta.

Si looga fogaado jeermiska, waxaa muhiim ah in maalin kasta la nadiifiyo dhalada la tuujiyo.

  1. Biyo ku biyaraaci daboolka, tuubada iyo dhalada.
  2. Ka buuxi dhalada biyo diyaarsan ama aad adigu kol hore soo karkarisay oo ku dar dhowr dhibcood oo ah saabuunta weelka lagu dhaqdo. Isku xir furka iyo tuubada dhalada, ku qabo farta daloolka dushiisa oo si xoog ah u rux dhalada. Si adag u tuuji dhalada si aad gabi ahaan u faaruqiso.
  3. Dhalada ku biyaraaci saabuun biyo badan oo diyaarsan ama aad adigu soo karkarisay. Ka nadiifi biyaha aad u badan.
  4. Mashiinka kululeeya cuntada gasho dhalada qoyan, daboolka iyo tuubada. Ku kululeyso 40-60 ilbiriqsi. Sidaas ayaad dhalada uga dili kartaa jeermiska.
  5. Ha kuugu engagto hawada ee dulsaaro waraaqda istaraashada oo nadiif ah.

Tusaaleyaal/talooyin kale:

  • Ka biyaraaci cusbada KA HOR intaadan ilmaha siin dawooyinka kale ee sanka. Biyaraacinta waxay sanka iyo gododkiisa ku caawineysaa nadiifinta daaw(ooyinka).

Su'aalo?

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga.

Dibu-eegistii 11/2024

 

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2026 Children's Minnesota

Give to Kids Day

Today is Give to Kids Day!

A day for our generous community to join together to ensure that even the tiniest hearts get the strongest possible start.