Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

DAAWADA FALEEBBAHA EE LEH AMA AAN LAHAYN DHIBAATADA

Article Translations: (English) (Spanish)

Waa maxay cirbadda faleebbaha ee diyaarsan?

Faleebbaha diyaarsan waa kateetare ama tuubbo (aad u khafiifsan, tuubbo
leex-leexaneysa) oo la geliyo xidid yar oo ku yaalla madaxa, gacanta, cududda, lugta, ama cagta. Sababtuna waa si ilmaha looga siiyo dareere loogu tala galay ama daawo si toos ah u raacaysa dhiigga. Tuubada faleebbaha faashad ayaa lagu daboolaa. Waxa kale oo jirta, loox ayaa gacanta lagu sharooteynayaa si uusan faleebbuhu uga bixin.

Waa maxay daawada faleebbaha ee leh ama aan lahayn dhibaatada?

Mararka qaarkood, dareeraha ama daawada ayaa gaareysa maqaarka ka hooseeya xididka. Farqiga u dhexeeya daawada faleebbaha ee leh ama aan lahayn waxyeellada waa nooca daawada ama dareeraha gaara maqaarka hoostiisa.

  • Daawada aan waxyeellada lahayn – haddii uusan dareeraha maqaarka dhibaato u geysaneyn (uusan waxyeello gaarsiineyn maqaarka), waxaa la yiraahdaa dhib la'aan.
  • Daawada waxyeellada leh –haddii uu dareeraha maqaarka dhibaato u geysanayo (uu waxyeello gaarsiinayo maqaarka), waxaa la yiraahdaa daawo dhibaato leh.

Dhibka daawada faleebbaha waa wax la arki karo ama aan la arkeyn markay daawadu jirka ku daadaneyso balse waxay qaadan kartaa toddobaadyo ama bilo si dhibku u soo baxo.

Sidee buu dhibkaasi u dhici karaa?

  • Tuubada ayaa xirmi karta muddo ka dib
  • Tuubada ayaa si lama filaan ah u soo bixi kara
  • Faleebbaha daawadiisa ayaa ku soo daadan karta xididka ama halbowlaha

Waa maxay calaamadaha daawada dhibaatada leh/aan lahayn?

  • Gaduudasho ah agagaarka tuubbada
  • Barar, foocsanaan ama maqaarka oo ka adkaada agagaarka tuubbada
  • Caddaad (maqaarka oo ka caddaada agagaarka tuubada faleebbaha)
  • Xanuun ama danqasho ah agagaarka tuubbada
  • Faleebbaha oo aan shaqemeyn
  • Maqaarka oo ka qabooba iskuwareegga faleebbaha ama madaxa, gacanta, cududda, lugta ama cagta u dhow meesha

Maxaa dhacaya ka dib daawada dhibaatada leh/aan lahayn?

  • Meesha ayaa la eegi doonaa oo la qiimeyn doonaa
  • Waxay ku xiran tahay darnaanshaha, shaqaale caafimaad oo dheeraad ah (sida farmashiiste ama dhakhtar-xigeen takhasus ku ah maqaarka) ayaa lagala hadli karaa daawada maqaarka
  • Tuubada faleebbaha ayaa la soo saarayaa.
  • Meesha ayaa la eegi doonaa saacad kasta ilaa inta ay caadi ku soo noqoneyso.

Sidee baa loo daaweynayaa?

Daaweynta qaarkeed waxaa ka mid ah:

  • In kor loo qaado meesha faleebbaha intii suurtagal ah si loogu yareeyo bararka.
  • Dulsaar wax diirran ama qabow (nooca dareeraha ayey ku xiran tahay) ilaa 30 daqiiqo 2 ilaa 3 saac oo kasta si ay u yareyso bararka iyo xanuunka. 24 saac ka dib, wax diirran ayaa la dul saari karaa.
  • Daaweynta - Haddii lagu taliyo, daawada aan lahayn waxyeellada ama tan leh waxyeellada waxa la isu siinayo waa si dhakhso ah oo ay saameyn ahaan ugu fiican. Xaaladaha qaarkood, waxa la isa siin karaa dhowr saac ka dib marka ay ku taliyaan kooxda daryeelka ilmaha.

Daawada ugu caansan waa hyaluronidase (Wydase®) oo waxa laga qaadanayo waa maqaarka hoostiisa iyo in yar oo keliya.

Maxaan sameyn karaa si aan uga hortago daawada dhibaatada leh/aan lahayn?

  • U sheeg kooxda daryeelka caafimaadka ee ilmahaaga haddii berigii hore ilmaha marar badan laga raadin jiray faleebbaha xididka.
  • Haddii ay ka furaneyso faashadda faleebbaha, u sheeg kalkaalisada si looga beddelo ama si loogu hagaajiyo.
  • Ka digtoonow markaad dhaqaajineyso ilmahaaga in aad faleebbaha uga ilaaliso in ay wax uga dhacaan, wax uga dhegaan, ama in ay tuubbadu ka baxdo.
  • Ha ka yeelin in ilmuhu iska saaro faleebbaha. Isticmaal wax aad ku jeediso si ilmuhu u hilaamo tuubada faleebaha. Ka codso Khubarada Carruurta waxyaabo ilmuhu ku madadaalan karo.
  • Haddii laga xayiro dhaqaajinta ama lagu xiro qalab jilicsan oo ilaalinaya faleebbaha, u dhaaf.
  • Meesha faleebbaha waa in la arkayo si ay kalkaalisadu ugu sameyn karto qiimeyn saacad kasta (tusaale ahaan, waa in aan lagu daboolin maryaha gogosha marka ilmuhu seexanayo). Haddii aad ka welwelsan tahay in faleebbuhu u ekaaday si kale ama haddii ilmuhu ka cabanayo xanuun ah tuubada, u sheeg kalkaalisada.

Maxaa kale oo aan u baahnahay?

Waxay ku xiran tahay darnaanshaha daawada ee ah waxyeello la'aanta ama leh waxyeellada, balse waxaa la isu sheegayaa in isha lagu hayo meesha ay wax gaareen.

Taleefan u dir dhakhtarka haddii ay meeshii dhibaatadu ka sii dareyso, sida:

  • Bararkeeda oo kordhaya
  • Malaxeysaneyso
  • Maqaarku dillaaco

Si dhakhso ah imarjanso u gee haddii aad ilmaha ku aragto mid ka mid ah waxyaabaha hoose:

  • Heerkulka jirka oo ka sarreeya 101.5° F
  • Gacanta, cududda, lugta, ama cagta u dhow meesha faleebbaha laga saaray in ay midab ahaan is beddeleyso (buluug-guduud).
  • Gacanta, cududda, lugta, ama cagta u dhow meesha faleebbaha laga saaray oo heerkulkeedu is beddelaayo (buluug-guduud).
  • Gacanta, cududda, lugta, ama cagta u dhow meesha faleebbaha laga saaray in ay barareyso oo adkaaneyso oo aan la dhaqaajin karin faraha gacmaha ama kuwa lugaha.

Tasiilaad dheeraad ah

Daryeelka Dhaawaca Furan ee Children’s waxaa u jooga dhakhaatiir-xigeen badan oo ilmaha ka caawin kara daawada keenta dhibaatada maqaarka iyo tan aan keenin. Waxa ay bukaansocodku ballan ka qabsan karaan saacadaha shaqada ee maalintii. Waxaa ballamaha laga qabsan karaa 651-220-6530.

Su'aalo?

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad noo qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir dhakhtarka ama kilinigga.

Wakhtigii qoraalkan 10/2023

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota