Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)
Daawada xanuunka daran waa daawo la isugu qoro xanuun dhexdhexaad ah ama daran. Inta badan, daawada xanuunka daran waxaa la isugu qoraa in lala isticmaalo daawooyinka xanuunka ee la iska soo iibsado, sida acetaminophen (Tylenol®) ama ibuprofen (Advil® ama Motrin®). Sidaas ayaa ah sida lagu xakameyn karo xanuunka. Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo ah daawada xanuunka daran. Tusaaleyaashooda waxaa ka mid ah:
Markuu ilmuhu xanuunka ka soo roonaado, waa in laga yareeyo daawada xanuunka daran oo waa in la siiyo oo keliya daawada xanuunka ee la iska soo iibsado.
Daawada xanuunka daran waxay noqon kartaa qeyb muhiima oo ka mid ah daaweynta. Qaar ka mid ah waxyeellada daawadan waa:
Ku-tiirsanaanta macnaheedu waa jirka oo aan ka maarmin daawada. Si degdeg ah in daawadan loo joojiyo waxay sababi kartaa calaamado ah dhibka joojinta. Ku-tiirsanaantu badanaa waxa ay dhacdaa oo keliya haddii daawada la qaato maalin kasta 7 maalmood ama ka badan. Haddii loo baahdo, dhakhtarka ayaa kuu sheegi doona sida si saxda ah ee loo yareeyo daawada xanuunka daran si looga hortago dhibaatadeeda joojinta.
Ku-tiirsanaantu ma aha sida qabatimaadda maandooriyaha. Maandooriyaha balwadda ah waa wax saameynaya maskaxda iyo habdhaqanka. Maandooriyaha balwadda ah ee la qabatimo waa wax dhaca marka aan la joojin karin isticmaalka daawada. Haddii si khaldan loo isticmaalo daawada, maskaxdu ayey aakhirka u noqoneysaa xaraarad ah lagama maarmaan.
In la iska badiyo daawada xanuunka daran, oo aan loo isticmaalin sidii loo qoray, iyo dhibaatada dadweynaha waa walaac la xiriira badqabka. Waa in daawadan lagu xafido baakadaheeda oo lagu xiro meel lagu qufulayo ama meel aysan dadka kale, gaar ahaan carruurta, si fudud u heli karin.
Qof qaangaar ah waa in uu ogaado daawada oo uu si fiican ula socdo isticmaalkeeda. Dhallinta iyo dadka qaangaarka ah ee daawada u raba in ay si khaldan u isticmaalaan waxay badanaa ka helaan guryahooda ama guryaha asxaabta ama qaraabada.
Tuurista (qashinka in lagu daro) daawada xanuunka daran ee aan loo baahnayn ama dhacday waa muhiim sababtoo ah si khaldan ayaa loo isticmaali karaa. Siyaabo badan ayaa si fiican loogu tuuri karaa daawadan si aysan waxyeello ugu geysan deegaanka, sida:
*Goobaha kor ku qoran waa meelaha ugu fiican ee lagu soo tuuro daawooyinkaas. Hase ahaatee, haddii la waayo meel sax ah oo lagu soo tuuro daawadaas, waa in lagu dhex tuuro oo lagu hubsado musqusha godkeeda oo biyaha la raaciyo.
Marna HA ku dhex tuurin daawooyinkaas caagga qashinka caadiga ah.
*Food and Drug Administration (Maamulka Cuntada iyo Daawada) waa ay ogyihiin saameynta deegaanka ee daawooyinka halista ah ee lagu tuuro musqusha. Waxay rumeysan yihiin in khatarta la og yahay ee ah waxyeellada helista daawadaas, sida geerida dadka sida xun u isticmaalaya, in ay ka yar tahay khatarta ka imaan karta ee bey'adda marka la raaciyo biyaha musqusha ee aan la heleyn meesha saxda ah.
Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga, laakiin waxaa ku qoran macluumaad guud. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga.
qoristii 2/2024
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2024 Children's Minnesota