The wait times in our emergency departments are longer than usual due to illnesses like RSV and the flu. View our estimated ED wait times and learn more about where to get care for your sick child.

Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

JADWALKA IMTIXAANKA MAQALKA EE CMV

Article Translations: (English) (Spanish)

CMV waa maxay?

CMV (Cytomegalorvirus) waa fayras caan ku ah Maraykanka. Infekshanka ugu horreeya ka dib, fayrasku ma shaqaynayo mararka qaarkood, hasa yeeshee waa infekshan ama caabuq noloshoo dhan qofka ku jiraya. CMV waa fayraska inta badan laga qaado haweeneyda uurka leh una gudbisa uurkeeda, taasoo keenta in ilmuhu uu ku dhasho caabuqa CMV.

Maxaan u baahanahay inaan ka ogaado maqalka?

Qaar ka mid ah ilmaha qaba CMV waxay yeelan doonaan maqal la’aan joogto ah. Maqal la’aantaan waxay imaan kartaa xilliga dhalashada ama waxay soo muuqan kartaa goor dambe ee caruurnimada. Sababtaas awgeed, waxaa muhiim ah in baaritaanno maqal oo joogto ah lagu sameeyo dhakhtarka maqalka, xitaa haddii aysan ilmuhu calaamado lahayn.

Maqalka sidee loo baadhaa?

Dhakhaatiirta maqalka ayaa sameeya baadhitaanno kala duwan si ay u ogaadaan maqal la’aanta. Magacyada baaritaanka qaarkood waxa ka mid ah: otoscopy (nidaam caafimaad oo dhakhtarku isticmaalo qalab loo yaqaan ‘otoscope’ si uu u eego gudaha dhegta), tympanometry (baaritaanka cabbira sida wanaagsan ee dhegta dhexe u shaqeyso iyadoo la daaawanayo sida dhaq-dhaqaaqa xuubka dhegta ee durmaanka loo yaqaano uu uga jawaabayo isbeddelada cadaadiska hawada iyo dhawaaqa, acoustic reflex testing (baaritaanka cabbira sida wanngsan ee muryada dheta dhexe uga jawaabaan dhawaaqyada dheer), otoacoustic emissions (OAE) ama (dhawaaqyada ay dhegta guduhu soo saarto marka ay cod maqasho), auditory brainstem response (ABR) ama (Jawaab-celinta maskaxda ee maqalka), behavioral hearing tests (baaritaanka lagu ogaado in ilmuhu codka maqlayo).

Intee jeer ayuu ilmahaygu u baahan yahay baaritaanka maqalka?

  • Baaritaanka Maqalka Koobaan: Jawaab-celinta maskaxda ee maqalka ama (Auditory brainstem response (ABR)) marka ilmuhu uu 1 bil jiro, ama aan ka dambayn hal bil ka dib marka la xaqiijiyo in uu CMV qabo.
  • Baaritaanka Maqalka Labaad: Jawaab-celinta maskaxda ee maqalka ama (Auditory brainstem response (ABR)) marka ilmuhu jiro 4 ilaa 5 bilood.
  • Baaritaanka Maqalka ilaa da’da 2 sano: 3dii biloodba mar
  • Baaritaanka Maqalka da’da 2 ilaa 6 sano: 6dii biloodba mar
  • Baaritaanka Maqalka da’da 6 ilaa 10 sano: 12kii biloodba mar

Su’aalo?

Macluumaadkani ma’aha mid gaar u ah ilmahaaga, hasa yeeshee waxa uu bixiyaa macluumaad guud. Haddii aad wax su’aala ah qabtid, fadlan kala xiriir xarunta maqalka ilmaha ku takhasususan oo ku magac dheer Children’s Minnesota Audiology  612-874-1292.

Reviewed 12/2024

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2025 Children's Minnesota