Frequently asked questions about law enforcement in health care settings.

Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

AMMAANSUGIDDA HUBKA: SANTUUQ QUFULAN IYO FIILADA QUFULKA

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Hubka (bistooladaha) waa sababta ugu weyn ee dhimashada carruurta iyo dhallinyarada Mareykanka ee ka yar 18 sano. Marka ay carruurtu guriga ka helaan hub, khatarta toogasho shilka ah, is-dilka, iyo dadka in la dilo ayaa aad u koradhaya. Haddii uu hub guriga kuu yaallo, qarinta hubka oo keliya kuma filna in ay ilmahaagu ku helaan badqabid.

Hubka guriga kuu yaallo oo dhan waa in aysan xabbado (rasaas) ku jirin oo meel ku quful. Rasaasta waa in meel gaar ah lagu xiro oo lagu qariyo. Waa inaysan cabbeysneyn, oo gaariga ama meel kale ha gashan hubka oo maran. Waxaa jira meelo badan oo hubka la gashan karo, sida qasnad, santuuq qufulan, ama fiilada qufulka ah. Isticmaal qufulka noocii aad rabto, oo si joogto ah u sii isticmaali.

Sidee baan u isticmaalayaa qasnad ammaan ah ama santuuq qufulan?

Qasnadda ama santuuqa qufulan waa santuuq yar oo hubka la gashto oo keliya lagu furan karo fure caadi ah, lambarro, ama aqoonsiga jirkaaga (faraha, wejiga) markaad xirto ka dib.

Tilmaamaha hoose raac markaad isticmaaleyso santuuqa qufulan ee furaha wata.

Marka-hore:

  • Mar kasta rasaasta kaligeed dhigo meel u gaar ah.
  • Hubso in aysan rasaas ku jirin gudaha bistooladda ama qoriga.

Qufulid:

  • Soo qaado furaha si aad u furto santuuqa. Geli furaha godkiisa oo ku furo santuuqa.
  • Si fiican u hubso in aysan rasaas ku jirin hubka ka hor intaadan sanduuqa gelin.
  • Hubka maran gasho gudaha santuuqa.
  • Xir oo qufulo santuuqa. Hubso in uu santuuqu si sax ah u xiran yahay ka hor intaadan qufulin.

Marka-dambe:

  • Qarso furaha. Furaha gasho meel ammaan ah oo ay ka heli karaan dadka qaangaarka ah oo keliya.
  • Dhigo santuuqa qufulan meel qarsoon ama meel kore oo aysan carruurtu gaari karin. Hubso in ay meeshaasi ka fog tahay meelaha ay carruurtu ku ciyaaraan.
  • Xusuusnow: Santuuqa iyo furitaankiisa u oggolow dadka qaangaarka ah oo keliya.

Sidee baan u isticmaalayaa fiilada qufulka ah?

Fiilada qufulka ah waa fiilo dheer oo uu ku xiran yahay quful oo waxaa dhex mariyaa hubka meesha laga rido ama keebka. Waxay celineysaa in farta la geliyo oo keebka la dhaqaajiyo ama la rido. Si ay u shaqeyso fiilada qufulka ah, waxaa khasab ah in aad rasaasta ka bixiso hubka.

Raac tilmaamaha hoose markaad isticmaaleyso fiilada qufulka ah.

Marka-hore:

  • Mar kasta rasaasta keligeed dhigo meel u gaar ah.
  • Hubso in aysan rasaas ku jirin gudaha bistooladda ama qoriga.

Qufulid:

  • Soo qaado furaha si aad u furto fiilada qufulka ah. Furaha geli fiilada qufulkeeda oo ugu furo sida saxda ah.
  • Si fiican u hubso in aysan rasaas ku jirin hubka.
  • Fiilada geli meesha farta laga rido rasaasta ama keebka hubka. Waxay celineysaa in farta la geliyo oo keebka la dhaqaajiyo ama la rido.
  • Isku qabo dhammaadka fiilada oo geli qufulka. Furaha ku quful si aad u xirto. Hubso in aad si sax ah u xirtay!

Marka-dambe:

  • Markaad si sax ah ugu qufusho, dhigo hubka meel ammaan ah oo ka fog meelaha ay carruurtu gaari karto. Hubso inay meeshaasi ka fog tahay meelaha ay carruurtu ku ciyaaraan.
  • Furaha dhigo meel ammaan ah oo ay ka soo qaadi karaan dadka qaangaarka ah oo keliya.
  • Xusuusnow: Santuuqa iyo furitaankiisa u oggolow dadka qaangaarka ah oo keliya.

Su'aalo?

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga.

Wakhtigii qoraalkan 02/2026

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2026 Children's Minnesota

Give to Kids Day

Today is Give to Kids Day!

A day for our generous community to join together to ensure that even the tiniest hearts get the strongest possible start.