Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

QANDHO

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay qandhadu?

Qandho waa heerkulka jirka ee ka sarreeya 100.4° F (38° C). Waa calaamad, ee maaha xanuun. Qandadu waxay jirka ku caawineysaa in jirku la dagaalamo infakshanka. Badanaa waxa keena infakshan ah faayrus (sida hargab ama wax ku jira caloosha), laakiin mararka qaarkood waxa sababi kara infakshan ah bakteeriyo. Haddii qandhadu muddo dheer timaaddo oo ay tagto, dhakhtarku waxa uu baari karaa sababo kale, sababo dhif ah oo aan ahayn infakshan. Mararka qaarkood qandhadu iskeed ayey isaga ba'daa, iyadoon wax sabab ah la helin.

Sidee baa loo eegaa qandhada?

Carruurtu waxay dareemi karaan diirranaan iyagoon qandho qaban. Tusaale ahaan, haddii ilmuhu aad u ciryaaro ama uu ku seexdo dhar/buste kulul oo kordhiya heerkulkiisa jirka. Dhallaanka yaryar heerkulka jirkoodu xoogaa ayuu sarreeyaa markay ilko u soo baxayaan, balse badanaa kama sarreeyo 100°F. In la isticmaalo qalab lambar soo qora oo cabbiraya heerkulkii ayaa ah habka ugu fiican ee lagu ogaan karo in ay ilmaha qandho hayso.

Heerkulka ilmaha waxaa laga cabbiraa kilkisha, wejiga kore, afka, dhegta, ama malawadka, oo meelahaas oo dhan wax yar ayey kala duwan yihiin. Fadlan isticmaal habka uu dhakhtarka ilmaha kuu sheego in aad u cabbirto. Dhallaanka ka yaryar 3 bilood, cabbirka heerkulka malawadka ayaa ugu fiican. Haddii aad taleefan u dirto kilinigga aad ilmaha geysato, u sheeg habkaad isticmaashay.

Qandhada sarreysa macnaheedu ma aha in ilmuhu aad u buko ama ay u baahan yihiin antibiyootig. Qandhada sarreysa guud ahaan wax dhib ah uma keento ilmaha. Heerkulka jirka ee sarreeya ee uu keeno kuleyl ka yimaada bannaanka (sida in lagu dhex jiro baabuur kulul ama in muddo la joogo cimilo kulul bannaaka) waa khatar, si kastaba.

Sidee baan ilmaha ugu daryeelayaa guriga?

Waa in uu jirka Ilmaha ahaado dhexdhexaad. Dharka fudud ayaa ilmaha ka caawin kara in jirku u qaboobo. Haddii uu jirku ilmuhu qaboow, huwi buste khafiif ah.

Sii cabitaan badan si aad uga hortagto fuuqbixid (“jirkoo qallala”).

Maro in aad jirka ugu dhaqdo laguma talinayo, sababtoo ah gariirid ayey keentaa. Gariiriddu runtii waxa ay kordhisaa heerkulka jirka. Ha ku darin aalkolo maro aad jirka ugu nadiifineyso, jirka ayey dhexgaleysaa oo waxyeello daran ayey keeneysaa.

Qandhada mar kasta uma baahna in loo qaato daawo. Sababta ugu weyn ee ilmaha loo siiyo daawada qandhada waa in ay caawiso. Haddii ay dhakhtar ama dhakhtar-xigeen kugula taliyaan daawada qandhada, weydii nooca aad isticmaaleyso. Marna ha siin aasbiriin ama wax uu ku jiro ilmaha iyo dhallinta.

Ka cabbir qandhada ilmaha ka hor intaadan siin wax ah daawo qandho oo dheeraad ah. Sidaas ayaa kugu caawineysa in aad ogaato haddii heerkulku sarreeyo oo ha siin daawo uusan ilmuhu u baahneyn.

Mararka qaarkood carruurta qandheysan waxay u neefsadaan si ka dhakhso badan sida caadiga ah oo garaaca wadnahooda ayaa kordhi kara, sidaas oo kale.

Goorma ayaan la soo xiriirayaa kilinigga?

Taleefan noo soo dir haddii ilmuhu:

  • Ka yar yahay 3 bilood oo ay heerkulka qandhada haysa gaarto 100.4°F ama ay ka hooseyso 97°F. Habdhiskiisa difaaca jirka si buuxda ugu sameysmin, oo waa wax calaamad u noqon kara infakshan ah bakteeriyo oo halis ah.
  • qandheysan yahay muddo ka badan 48 saac oo uu ka weyn yahay 3 bilood
  • qandheysan yahay oo aysan daawadu caawineyn, ama ay qandho aad kor u sii kacayso
  • si joogto ah u ooyayo, ama aad u xanaaqsan yahay oo aan la aamusin karin
  • yahay bilaa tamar ama tamartu ku yaraato
  • hurdo badan yahay oo aan la aamusin karin
  • dareemayo qoortu in ay xanuuneyso ama adkaaneyso ama madax xanuun daran
  • wax cabbi waayo
  • kaadida ay ka yaraato sidii caadiga ahayd
  • matagayo ama shubmayo
  • ay ka ba'day qandho ka tagtay dhowr maalmood oo hadda ku soo noqotay
  • weli si degdeg ah u neefsanayo ka dib markii ay qandhadii ka yaraato

Garaac 911 haddii ilmuhu:

  • dhib ku qabo neefsashada
  • uu jirkiisa yeesho dhibco ah buluug khafiifa ama aad ku aragto maqaarka oo beddelmay
  • suuxdimo qabo
  • uu horay-horay u liicayo oo uu dhareerayo

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga.

Wakhtigii qoraalka 5/2024

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota