OOFWAREEN
Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)
Waa maxay oofwareen?
Oofwareenka (new-mohn-ya) waa infakshan ku dhaca sambabada oo waxaa keena bakteeriyo, faayrus, ama fangas. Waxa kale oo keeni kara wax sambabka gala, oo waxaas oo ah wax caloosha ka soo gudbaya (sida candhuuf, cunto, matag, ama aashitada caloosha). Infakshanku wuxuu keeni karaa barar iyo xab ku urura sambabada, oo waxaa adkaaneysa in la neefsado. Waa mid ka mid ah infkashanka ugu badan ee ku dhaca hawamareenka hoose ee ilmaha.
Waa maxay calaamadaha oofwareenka?
- qufac
- qandho
- neefsashada oo adkaata
- Xabad-xanuun
- Calool-xanuun ama matag
- Cunto-xumo
Sidee baan ilmaha ugu daryeelayaa guriga?
Dhakhtarka ayaa soo qori kara antibiyootig lagu daaweeyo infakshanka ah bakteeriyada. Waxaa muhiim ah in daawada oo dhan loo qaato sida lagu taliyey. Xataa ka dib marka ilmuhu dhammeysto antibiyootigga oo uu roonaado, qufaca ayaa sii socon kara toddobaadyo.
Waa in ilmaha la siiyo cabitaan dheeraad ah. Xabka ilmuhu qufacayo ayaa khafiif noqonaya oo markaas ka soo baxaya sambabada.
Wixii qandho ah, waxaa loo siin karaa acetaminophen (Tylenol® ama nooc kale) ama ibuprofen (Motrin® ama nooc kale) sida loogu qoro, ama 6dii saacba sidii loogu baahdo. HA siin Ibuprofen dhallaanka ay da'doodu ka yar tahay 6 bilood. Marna ha siin daawooyinka qufaca ama hargabka ee ilmaha ka yar 6 jirka. Haddii ilmuhu ka weyn yahay 12 bilood, waxaa qufaca habeenkii loo siin karaa hal ama laba qaaddo oo malab ah.
Ku dedaala nadaafadda si aad uga hortagtaan in uu sii faafo jeermiska oofwareenka. Nadaafadda waxaa ka mid ah in 20 ilbiriqsi gacmaha lagu dhaqo saabuun iyo biyo oo la baro ilmaha in gacmaha la ilaaliyo, oo lagu qufaco laguna hindhiso Kleenex ama xusulka. Waxa kale oo ka mid ah inaan qofna lala wadaagin weel wax lagu cabbo ama lagu cuno.
Goorma ayaan la soo xiriirayaa kilinigga?
La xiriir kilinigga haddii aad ilmaha ku aragto:
- matagid ah daawada.
- hurdo ka badan sidii caadiga ahayd
- in uu wax cabbi waayo
- neefsasho ah degdeg ama sharqan leh.
- qandho sii haysa 48 saac ka dib marka lagu bilaabo antibiyootig haddii loo qoray.
Goorma ayaa ilmaha la geynayaa Qeybta Imarjansada?
Qeybta Imarjansada waa in la keeno ilmaha haddii lagu arko:
- in ay qaarka sare raacayaan neefsashada (in ay neef kasta qaarka sare kor ugu jiidmeyso cunaha ama feeraha dhexdooda), gunuunuc, ama in uu sanku la neefsanayo naqaska.
- midab ah buluug ama u muuqda caddaad afka hareerihiisa.
- midab ah caddaad, boor, caddaan, ama buluug ka muuqda bishimaha, cirridka, ciddiyaha, ama indhaha qeybtooda cad.
Su'aalo?
Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga, laakiin waxaa ku qoran macluumaad guud. Haddii aad noo qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan u soo dir kilinigga.
qoristii 2/2024
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2024 Children's Minnesota