Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Hore Uga Soco Wax Shiidida

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

  • Sii cuntooyinka jilicsan oo shabaqa ama caaga quudinta lagu rido. Waxaa u fiican cuntada cusub ama lagu fariisiyo qabow badan (frozen).
  • Isticmaal caagaga ilko soo baxa Nuk® brush (haddii ay ku siisay baxnaanisadu) in aad ku bartid afka ilmaha dareemada kala nooca ah ee cuntada.
  • Isku dar cuntooyinka kala duwan ee guriga si ay u yeeshaan dhadhan dabiici ah. Cuntooyinka sida fiican u shaqeeya waxaa ka mid ah baastada/bariiska/casseroles, cuntada lagu fariisiyay qabow badan, baastada qasacadaysan, fawaakihada iyo khudaarta qasacadaysan, iwm. Waxaad u baahantahay in aad u karisid cuntada iyo/ama aad ku dartid wax qooya (sida maraq adag, burcad culus, casiir, caano, subag fadhiya, ama maraq) si ay u sahasho in ay isku qasmaan.
  • Ku dar waxyaalo nool-nool oo yar-yar cuntada shiidan, wax la burburiyay. Ku bilow sida marka ay tahay boor oo kale, kadibna ku dar wax la burburiyay, hadba sida uu ugu adkaysan karo. Cuntada burburta waxaa ka mid ah buskud adag, siiriyaal, buskudyo, rooti la burburiyay, iwm.
  • Marka aad siinaysid cunto isku qasan, sii midba mar tan isku qasan iyo tan shiidan.
  • Sii cuntooyinka sida sahalka ah u burbura/milma oo la yaqaan “kuwa milma.” Waxaad ku dayi kartaa puffed corn, Cheetos puffs, cheese puffs, crackers ama cookies with high butter content (e.g., Pepperidge Farm®, Keebler®, Town House®/Ritz crackers®, graham crackers, butter cookies, etc.)
  • Ku dar waxa milma waxa shiidan si aad u bartid waxyaalaha isku qasan.
  • Sii cunto jilicsan oo aad ku jajabisay fargeeto, u jajabi sida uu ugu adkaysan karo.
  • Sii cadad yar-yar oo ah raashinka guriga oo aad loo kariyay oo si sahlan loo calalin karo.
  • Afka u gali cadad yar-yar oo jilicsan oo is haysta afka ilmahaaga adigii oo saaraya gowsihiisa dhexdooda si carabkiisu u dhaqaaqo uuna u calaliyo. Ku tus afkaaga sida dhaqdhaqaaqa calalisku yahay si uu kuugu daydo.
  • Sii cunto loo jarjaray si dhuuban ama dheerdheer taasoo ilmuhu soo qabsan karo haysana karo oo isa siinkaro. Cuntada ku fiican sidaas waxaa ka mid ah rootiga duban, doolshaha, malawax, siiriyaalka dhuudhuuban, iwm.

Su’aalo?

Macluumaadkan gaar uma ahan ilmahaaga kaliya, laakiin waa macluumaad guud. Haddii aad su’aalo ka qabtid, fadlan soo wac bukaan-socodkaaga.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota