Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

ADENOIDECTOMY (GOYNTA HILIBKA-SANKA)

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay hilibka sanka?

Hilibka sanka waa xuubab isku dheggan oo ku yaalla qebta dambe ee ah barta ay iska galaan sanka iyo cunaha. (In kasta oo inta badan la isku yiraahdo "hilbaha sanka" sidii iyaga oo ah hal hilib ka badan, run ahaantii waa hal hilib keliya.)

Hilibkaasi waa qeyb ka mid ah habdhiska difaaca jirka. Habdhiska difaaca jira waxay la dagaallamaan jeermisyada xanuunka keena. Hilibkaasi si kasta, ma aha oo keliya qeyb aad u yar oo ka mid ah habdhiska difaaca. Caruurta laga gooyey hilibka sanka (iyo xataa qumanka) kama xanuun badna caruurta kale ee "daayo" hilibka sanka. Dhab ahaantii, carruurta hilibkaas laga gooyo qaarkood wixii xanuun ah oo ku dhacaya ayaaba ka yaraada kuwa aan laga goyn, sida infakshka sanka oo soo noqnoqda.

Muxuu ilmahaygu ugu baahan yahay in laga gooyo hilibka sanka?

Waxaa jira dhowr sababood oo uu qofka dhakhtarka ah ku talin karo in loo soo gooyo hilibka sanka ee ilmahaaga sida:

  1. Si ay uga caruurtu inay neefsadaan oo si fiican u seexdaan. Haddii uu hilibku ku weynaado ilmaha, waxaa qeyb ahaan ka xirmi karta neefta marka uu hurdo oo waxay ku keeni kartaa khuuro, hurdo la'aan iyo hurdo xumo guud.
  2. Infakshanka dhegaha ee soo noqnoqda ama dareeraha dhegta dhexe ee joogtada ah. Hilibka sanka wuxuu ku yaallaa meel u dhow tuubbada isku xirta cunaha gadaale iyo sanka. Tuubada Eustachian waxay caawisaa caafimaadka dhegaha. Hilibka sanka oo weyn ama si joogto ah u bukooda ayaa u horseedi kara inay xumaato tuubbadaas. Marka hilibka sanka la gooyo, caabuqa dhegta iyo dhacaanka ah ayaa yaraada.
  3. Soo noqnoqoshada Infakshinka xuubka sanka. Carruurta qaar waxaa lagu arkaa caabuqa sanka oo ah xab cagaar ama huruud ah. Mararka qaar dheecaanka waxaa lagu daaweeyaa antabiyootig, laakiin waxa uu soo noqdaa daawada ka dib; taas ayaa calaamad u ah in uu jiro infakshanka hilibka sanka. Marka hilibka laga gooyo ayuu dhibkaasi harayaa, laakiin kama hortagi karo hargabka caadiga ah ama waxyaabaha kale ee dheecaanka ka keena sanka.

Sidee loo soo gooyaa hilibka sanka?

  • Hab qalliin ah ayaa loo soo goynayaa hilibka bukooda ee sanka gudihiisa. Habka qalliinkan ah waa la yiraahdaa 'goynta hilibka-sanka'. Waxa suuxinta ka dib saalada qalliinka ku sameynaya waa dhakhtarka qalliinka dhegaha, sanka, iyo cunaha. Qalliinkan wuxuu caadi ahaan qaata 20 ilaa 30 daqiiqadood.
  • Inkastoo xuubka sanku ku yaalo qeybta danbe ee sanka, waxaa laga jaraa dhinaca afka si aan wax haaro ah uga muuqan sanka qaliinka ka dib.
  • Dhakhtarka Qaliinka wuxuu gooyaa inta badan hilibka sanka, laakiin kulligiis, ma wada goynayo. In kasta oo ay macquul tahay in uu xanuunka qumanku soo noqnoqdo oo uu dhib keeno, haddana mar dhif ah ayaa ilmaha mar labaad qumanka laga qalaa.

Maxaan filan karnaa qalliinka ka dib?

  • Carruurtu waxay caadiyan aadaan guriga isla maalinta qalliinka, laakiin xaaladaha qaarkood dhakhtarka ayaa yiraahda waa in hal habeen lagu hayo isbitaalka.
  • Marka ilmahaagu diyaar u yahay in laga saaro guriga, waxaa lagu bari doonaa:
    • Waa in xanuunka loo siiyo Tylenol® (acetaminophen) ama Children's Motrin® (ibuprofen) hadba sidii xanuun awgiis loogu baahdo.
    • Waxaa ilmuhu cuni karaa cunta kasta/cuntada caadiga ah.
    • Waa in ilmaha la siiyo cabitaan aad u badan oo da' ahaan ku habboon. Cunaha ayaa ilmaha u qoyi doona oo waxay ku caawineysaa in uusan dhib dareemin iyo sidoo kale waxay ka hortageysaa fuuqbixid.
    • Ilmuhu wuu noqon kara dhaqdhaqaaqi caadiga ahaa qalliinka ka dib
    • Waa in uu ilmuhu ku noqdaa iskuulka/xadaanada haddii ay dareemaayaan caafimaad oo aanay u baahnayn dawooyinka xanuun baabi'iyaha ah. Cauurtu waxay badankoodu ku noqdaan iskuulka/xadaanada 1-3 gudahood.
    • Calaamadaha badanaa dhaca ee qalliinka ka dib:
      • Calool-xanuun iyo matag dhici kara 24ka saac ee ugu horreeya qalliinka ka dib
      • Sanka oo ay ku badato cabburka, khuurada, diifka, ur xun iyo luqunta oo danqata bararka qalliinka ka dib. Calaamadaha waxay socon karaan 3da toddobaad ee ugu horreeya qalliinka ka dib.
      • Qandhada heer kulkeelkeedu uu yahay 102.0 F waa caadi. Dhakhtarkaada la xiriir haddii qandhada heer kulkeedu ka uu dhaafo 102.0 F marka la qaato acetaminophen (Tylenol) iyo/ama Ibuprofen
      • Codka ayaa u ekaan kara mid ka duwan kii caadiga ahaa laakiin caadi ayuu ku soo noqdaa 6 ilaa 8 toddobaad
      • Dhega xanuun. Waxaasi waa xanuun ka imaanaaya xagga hilibka sanka - kama imaanaayo dhegta!
      • Dhibco dhiig ah oo sanka ka imaada ama candhuufta soo raaca waa caadi saacadaha ugu horeeya wax laga welwelana maahan
      • Dhiigbaxa daran waa naadir qalliinka hilibka sanka ka dib. Haddii ilmahaagu qufaco, matago, ama uu cunto soo tufo dhiig guduudan oo dhalaalaya ama xinjirro ah, si degdeg ah waa in loo keeno imarjansada Children’s.
      • Haddii aad ka welwelsan tahay fuuqbax (indhaha oo god ku jira, faruuryo qallalan oo dhegdheg leh, kaadi la'aan in ka badan 8 saac, iyo indhaha oo aan ilmeyn karin) la soo xiriir kilinigga ENT.

Su'aalo?

Macluumaadka ku qoran buugyarehan gaar kuma aha ilmahaaga. Macluumaadkan waa mid guud oo la siiyo ilmaha la qalo oo dhan. Macluumaadka waxaa loogu talagalay warbixin iyo macluumaad ahaan oo keliya balse waa in aan loo isticmaalin wax baddiil u noqon kara talada dhakhtarka carruurta. Haddii aad wax su'aalo ah qabto, fadlan taleefan u soo dir Kilinigga Children's ENT & Facial Plastic Surgery (ENT & Qeybta Qalliinka Wejiga)
612-874-1292.

Dibu-eegistii 10/2022

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota