Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

DAAWADA NEEFTA EE AFKA LAGU BUUFIYO

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Sidee baa loo isticmaalayaa daawada afka lagu buufiyo?

Waxaa jira noocyo kala duwan oo ah daawada neefta oo afka lagu buufiyo – metered dose inhaler (buufiska qiyaasta la qaadanayo ama MDI), buufis neef ahaan oo loo qaato, iyo buufis ah budo qallalan. Raac tilmaamaha hoos ku qoran ee ah nooca daawada buufiska afka ah ee laguu qoray.

Had iyo jeer waxaa jira daawooyin cusub oo la soo saaro. Haddii aysan daawadaadu halkan ku qorneyn, raac qoraalka la socda ee kuu sheegaya sida daawada loo qaadanayo.

Haddii aad hal mar qaadato daawo ka badan hal nooc oo afka lagu buufiyo, daawada ah xaaladaha degdegga ah/nooca lagu nafiso (sida albuterol) qaado marka hore si aad ugu furato hawamareenka. Sidaa ayaa caawineysa daawooyinka kale in ay gaaraan sambabada, iyo in ay si fiican u shaqeeyaan.

Sidee baa lagu ogaanayaa markay daawadu dhammaato?

Daawadu Yeysan Kaa Dhammaan

Daawada badanaa waxaad ku arkeysaa tirada kuugu harsan oo ugu qoran meel gees ah. Taleefan u dir farmashiyaha oo goor hore ka sii codso dibubuuxiska daawada, marka aad ku aragto in tirada buufiska ama qiyaasaha kuugu harsan ay ku dhow yihiin 10. Haddii aad ku aragto 0, wax daawo ah kuuguma harin, ee waa in aad iska tuurto oo aad bilowdo daawo cusub.

METERED DOSE INHALER (BUUFISKA QIYAASTA LA QAADANAYO AMA MDI)

Metered dose inhaler (buufiska qiyaasta la qaadanayo ama MDI) waxaa lagu isticmaalaa dhuun dheer, oo la yiraahdo dhuunta daawada ama meesha daawadu soo dhex mareyso. Waxay caawisaa in uu qiiqu si fiican u gaaro sambabada. Haddii uusan ilmuhu neefta isku celin karn 10 ilbiriqsi, waxaa loo baahanayaa in uu isticmaalo dhuun dheer oo wadata caag loogu daboolayo gafuurka.

Diyaarso daawada buufiska afka:

  • Ka bixi daboolka daawada afka lagu buufiyo iyo caagga dhuunta dheer.
  • Si fiican u rux daawada neefta (ilaa 5 ilbiriqsi) si aad isugu qasto daawada.
  • Haddii ay daawada buufiska afka cusub tahay ama aan la isticmaalin 2 toddobaad, waa inaad buufiskeeda tijaabiso 2 ilaa 4 jeer adigoo kor u haya ka hor intaan afka lagu buufin.
  • Daawada ku xir caagga dhuuban.

Marka la isticmaalayo caagga dheer oo uusan ku xirneyn daboolka afka

  • Si tartiib ah ilmuhu neef weyn ha isaga soo saaro ilaa sambabada.
  • Qeybta gaaban ilmaha afka u geli, carrabka dushiisa, ilkaha dhexdooda, oo bishimaha ha ku xiro.
  • Hoos ugu riix daawada neefta marka ilmuhu bilaabo in uu afka uga neefsado si ah tartiib iyo jiidid dheer.
  • Neefta ha isku celiyo 10 ilbiriqsi si ay daawadu ugu jirto sambabada iyo hawamareenada.
  • Afka ka bixi caagga daboolan oo si tartiib ah ilmuhu neefta ha u soo tufo.
  • Sug ilaa 1 daqiiqo buufis kasta oo ah daawada xaaladaha degdegga ah. Looma baahna wax sugid ah buufisyada u dhaxeeya daawada xakameynta.

Marka la isticmaalayo caagga dheer oo uu ku xiran yahay daboolka afka

  • Sanka iyo afka uga xir caagga ah gafuurxirka.
  • Ku riix daawada neefta
  • Caagga gafuurxirka ah ku dabool sanka iyo afka dushooda oo ilmuhu ha ku neefsado 3 ilaa 5 jeer.

Ka dib marka la isticmaalo daawada neefta MDI ee afka laga qaato:

Haddii la isticmaalayo isteerooyd (xakameyn), waa in laga luqluqdo oo biyaha la iska tufo.

Waa in la raaco tilmaamaha ku qoran ee lagu nadiifinayo caagga dhuuban ee daawada.

REDIHALER (DAAWADA NEEFTA KU SHAQEYSA AMA HFA)

  • Ka bixi furka.
  • Si toos ah u qabo daawada afka lagu buufiyo.
  • Neef weyn ha tufo ilmuhu si uu u faaruqiyo sambabada, balse gafuurxir ha ku xirin.
  • Caagga daawada afka u geli oo ilmuhu bishimaha dhexdooda si fiican ha ugu qabto.
  • Neef weyn ha qaato si ay daawadu sambabka ugu gasho. Waxaa laga maqlayaa “qac” marka daawadu soo baxdo ee ilmuhu ha sii jiido neefta.
  • Waa in ilmuhu neefta isku celiyo 10 ilbiriqsi.
  • Si tartiib ah neefta ha u tufo, ilmaha oo ka jeesanaya caagga daawada.
  • Ku xir furka.
  • Haddii lagu buufinayo mar labaad, raac sidii aad sameysay markii koowaad.

Ogow: Haddii ilmuhu yar yahay oo daawada loogu xirayo caag dhuuban, waxaa daawada Redihaler looga dhigi karaa sidii mid u shaqeysa sida tan afka lagu buufiyo ee MDI. Waxaa tusaale u ah nooca Qvar Redihaler. Dhakhtarka ama dabiibaha neefsashada ayaa ku tusi doona sida loo isticmaalo habkaas haddii loo baahdo.

DAAWADA AFKA LAGU BUUFIYO EE AH BUDADA: DISKUS

  • Caagga wareegsan ama Diskus ku qabo hal gacan. Suulka hoos ugu riix intii ay soconeyso, ilaa uu caagga afku ka soo baxo oo uu ku dhego meesha laga rabo.
  • Afka u dhawee Diskus, oo qeybta afka ku jeedi ilmaha afkiisa. Ka xir meesha laga xiro ilaa iyo inta aad maqasho dhag.
  • Madaxa ka leexi daawada ah Diskus oo ilmuhu neef ha tufo si uu u faaruqiyo sambabada. (Ogow: Waa in aan daawadan la ruxin oo waa in laga ilaaliyo neefta la tufayo.)
  • Geli qeybta gaaban afka oo waa in lagu qabto bishimaha dhexdooda. Si tartiib ah oo sii kordheysa neef ha u jiido, sida ugu dhakhso badan ee ilmuhu awoodo. Waa in si xoog ah u soo baxdo qiyaasta daawada ah budada.
  • Ka bixi caagga wareegsan ama Diskus afka ilmaha.
  • Waa in ilmuhu neefta isku celiyo 10 ilbiriqsi. Dabadeedna si aayar ah ha u tufo neefta.
  • Xir caagga wareegsan ee ah Diskus adigoo gantiisa ku riixaya suulka ilaa aad xirto.
  • Waa in ilmuhu luqluqdo oo uu tufo biyaha isagoon laqin.

DAAWADA NEEFTA EE AH BUDADA: FLEXHALER

Buufinta tijaabinta ah ee Flexhaler

Daawada Flexhaler waa in hawada lagu buufiyo hal mar ka hor intaan la isticmaalin.  Samee tallaabooyinka soo socda:

  • Furka leexi oo ka soo bixi.
  • Daawada Flexhaler u qabo si toosan, oo afkeeda kor u jeedi.
  • Midig u wareeji qeybta hoose ee midabka leh oo ka dibna bidixda u wareeji mar kale.
  • Samee wareejintaas ilaa aad qac ka maqasho. Markaas ayey daawadu diyaar tahay.

Isticmaalidda daawada Flexhaler

  • Furka wareeji oo ka soo bixi. Daawada Flexhaler u qabo si toosan (oo afkeeda kor u jeedi).
  • Midig u wareeji qeybta hoose ee midabka leh, ka dibna bidixda u celi ilaa ay qac tiraahdo.
  • Madaxa ka leexi daawada ah Flexhaler oo ilmuhu neef ha tufo si uu u faaruqiyo sambabada. (Ogow: Waa in aan daawadan la ruxin oo waa in laga ilaaliyo neefta la tufayo.)
  • Waa in caagga afka lagu qabto bishimaha oo si xoog ah neef looga buuxiyo sambabada.
  • Ka bixi caagga daawada ama Flexhaler afka ilmaha.
  • Waa in ilmuhu neefta isku celiyo 10 ilbiriqsi. Dabadeedna si aayar ah ha u tufo neefta.
  • Mar kale samee sidii aad sameysay, haddii ilmaha loo qoray buufis labaad.
  • Markaad u dhammeyso, furka ku celi oo ku wareeji ilaa aad ku xirto.
  • Waa in ilmuhu luqluqdo oo uu tufo biyaha isagoon laqin.

DAAWADA NEEFTA EE AH BUDADA: ELLIPTA

  • Ka fur daboolka daawada adiga oo hoos uga leexinaya si aad u aragto qeybta la gelinayo afka ilaa aad maqasho qac. Tirada kuu muuqaneysa hoos ayey u soconeysaa.
  • Neef weyn ha tufo ilmuhu si uu u faaruqiyo sambabada oo afka ha ka fogeeyo daawada.
  • Si adag ha ugu celiyo qeybta afka bishimaha ilmaha oo qaadanaya hal mar neef ah degdeg, oo ha xoojiyo qaadashada neefta. Marka la jiidayo neefta daawada waa in faraha laga fogeeyo duleellada ay ka soo baxdo.
  • Waa in ilmuhu neefta isku celiyo ilaa 10 ilbiriqsi.
  • Ka bixi caagga daawada buufiska ah afka ilmaha.
  • Dabool caagga daawada adigoo ku soo xiraya furka lagu soo celiyo qeybta afka.

DAAWADA NEEFTA EE AH BUDADA: RESPICLICK

  • Fur daboolka oo furista sii wad ilaa aad maqasho “qac”.
  • Neef weyn ha tufo ilmuhu si uu u faaruqiyo sambabada, oo afkiisa ka fogee qeybta afka.
  • Qeybta gaaban ilmaha afka u geli, oo bishimaha ha ku xiro.
  • Neef weyn afka ha qaato ilmuhu.
  • Waa in ilmuhu neefta isku celiyo 10 ilbiriqsi.
  • Ka bixi caagga daawada buufiska ah afka ilmaha oo ku xir daboolkiisa.
  • Mar kale samee sidii aad sameysay haddii aad siineyso buufis labaad.

RESPIMAT (DAAWO AH QIIQ AAYAR U SOCDA)

Sida la isugu xirayo oo loo diyaarsanayo

  • Qabo batoonka ammaanka adiga oo si adag gacantaada kale ugu soo jiidaya qeybta hoose ee weyn. Ka digtoonow in aadan taaban cirbadda daawada.
  • Taariikhda dusha uga qor qeybta ah tuurista (tirada bilaha laga bilaabo taariikhda maanta).
  • Geli cirifka dhuuban daawada qeybta buufiska ah ee neefta.
  • Dhigo daawada neefta meel fidsan oo si adag hoos ugu riix ilaa aad maqasho qac ah gelid.
  • Beddelo qeybta dambe adiga oo ku toosinaya batoonka ammaanka oo isku jiid ilaa aad qac maqasho.
  • Markaad daboolka ku xirto, qeybta weyn u wareeji dhanka fallaarta dusha kaaga muuqata ilaa aad qac maqasho.
  • Ka riix furka wareegsan ee yar ilaa uu si buuxda u wada furmo.
  • Adigoo daawada u jeedinaya dhulka, riix batoonka soosaaraya daawada. Ka eeg qiiqa daawada. Ku soo celi tallaabooyinka ilaa ay ka soo baxdo 4 jeer oo ah qiiqa daawada.

Daawadan waxaa lagu isticmaali karaa ama aan lagu isticmaali karin caag ah dhuun dheer; raac tilmaamaha dhakhtarka ama dabiibaha neefsashada.

Isticmaalidda maalin kasta

  • Markaad daboolka ku xirto, qeybta weyn u wareeji dhanka fallaarta dusha kaaga muuqata ilaa aad qac maqasho.
  • Fur daboolka isku haya adiga oo riixaya furka wareegsan ee yar, ilaa uu si buuxda u wada furmo.
  • Si tartiib ah ilmuhu neef ha u tufo si uu u faaruqiyo sambabada oo ha ka jeesto daawada. Ha isku xiro bishimaha oo yuusan daboolin duleellada ay hawadu ka soo baxdo.
  • Daawada buufiska ah ugu aaddi dhuunta dambe ee cunaha. Markaas ilmuhu ha qaato neef weyn, hoos u riix batoonka midabka boorka ah si ay daawadu uga soo baxdo oo daawada ha u jiido neef ahaan.
  • Neefta ha isku celiyo 10 ilbiriqsi ama ilaa intii suurtagal ah.

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga, laakiin waxaa ku qoran macluumaad guud. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan u dir dhakhtarka.

qoristii 3/2024

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota