Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)
Markay ilmo yar ama weyn u baahdaan daryeelka dhimirka oo degdega ah, Children's Minnesota ayaa u haya caawimaad. Children's Minnesota waxay daryeelka dhimirka ee degdegta ah ku hayaan labadaba isbitaal ee Minneapolis iyo St. Paul. Waxa isbitaalka St. Paul lagu hayaa qeyb ah bukaanjiifka caafimaadka dhimirka. Carruurta waxaa loo soo wareejin karaa isbitaalka ama waxaa laga sii wareejin karaa ka dib markay soo maraan qeybta xaaladaha degdegta ah. Waxaa lagaala hadli doonaa waxa ku saabsan daaweynta degdega ah ee ugu fiican si loo ilaaliyo badqabka ilmaha, adiga, bukaanka kale, iyo shaqaalaha.
Isbitaalka Children's, waxaa lagu daaweyaa ilmaha ku jira dhibaatada degdegga ah ee dhimirka, oo waxay daryeelayaan baahi kasta oo ah caafimaadka oo ilmuhu qabo. Inta lagu jiro habraacan, waxa uu ilmuhu sii joogi doonaa qeybta xaaladaha degdegga ah ee Children's Minnesota. Inta ilmuhu ku jiro qeybta imarjansada, ilmaha waxaa u adeegi doonaa koox ah xirfadlayaal oo isugu jira adeege bulsho, kalkaaliso sariirta ugu imaaneysa, dhakhtar iyo mid ka mid ah clinical support associate (shaqaalaha taageerada caafimaadka) (CSA) emergency medical technician (gurmadka xaaladaha degdegga ah) (EMT). Adeegaha bulshada wuxuu noqon doonaa shaqaalaha koowaad ee adiga iyo ilmaha idin la shaqeynaya si loo xaqiijiyo qorshaha ugu fiican ee caafimaadka dhimirka. Dhakhtarka iyo kalkaalisada ayaa hubin doona in la fuliyo baahiyaha caafimaad ee ilmaha oo CSA/EMT ayaa ku caawin doonta in lala socdo badqabka ilmaha.
Maaddaama ay qeybtan isbitaalka tahay goobta garaabada haddana ma aha isbitaalkii dhimirka, oo shaqaalaha waa in ay aad uga taxaddaraan badqabaka ilmaha.
Marka ilmaha la dejiyo oo loo daaweeyo caafimaad ahaan, waxaa loo wareejinayaa xarunta daaweynta dhimirka marka loo diyaariyo haddii aan lagu daryeeli karin guriga. In kasta oo aan isku dayeyno in aan helno meelo u dhow gurigaaga, laakiin mar kasta sidaas ma suurtowdo.
Carruurta badankoodu waxay ku jiraan qeybta imarjansada saacado badan ka hor inta aan lagu sameyn qiimeynta caafimaadka dhimirka. Haddii ilmuhu u baahdo seexinta isbitaalka, waxaa caadi ah in ugu yaraan hal habeen la seexiyo imarjansada inta loo raadinayo sariir ka bannaan qeybta bukaanjiifka dhimirka.
Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad qabto wax ah su'aalo ama walaac, fadlan kala hadal dhakhtarka, kalkaaliyaha, ama adeegaha bulshada.
Wakhtigii qoraalka 2/2024
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2024 Children's Minnesota