ALLARJIGA PENICILLIN/AMOXICILLIN
Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)
Penicillin iyo amoxicillin waa daawooyin muhiim ah oo uu dhakhtarku ilmaha ugu qoro infakshanka ah bakteeriyada (jeermiska). Dad badan ayaa loo maleynayaa in ay allarji ku yihiin penicillin/amoxicillin, laakiin markii lagu sameeyey tijaabo, in ka yar 1% ayaa runtii allarji ku ah penicillin/amoxicillin.
Haddii uusan ilmuhu allarji ku qabin penicillin/amoxicillin oo loogu qori waayo daawooyinkaas allarji laga shakisan yahay awgiis, waxaa ku imaan kara dhibaatooyin badan.
Waa maxay allarjiga penicillin/amoxicillin?
Allarjiga penicillin/amoxicillin waa falcelin khatar ah oo uu jirku ka sameeyo daawo antibiyootig ah sida penicillin ama amoxicillin.
Waa maxay calaamadaha allarjiga ee penicillin/amoxicillin?
Allarji halis ah ayaa lagu arki karaa daqiiqado gudahood, ama ilaa iyo 24 saac gudahood, sida:
- Finan waaweyn
- Cuncun
- Qandho
- Barar ku dhacaa wejiga, carrabka, ama jirka
- Neefsashada oo yaraata ama hiinraagid
- "Allarji guud": Cabbirka dhiigkarka oo hooseeya, miyirbeelid, suuxdin, neefsashada oo dhib noqota, dareen ah wareer ama suuxitaan yar
Noocyada kale ee halista ah ee allarjiga penicillin/amoxicillin waxay qaadan kartaa muddo dheer in ay dhacaan, sida:
- Xanuunka Stevens-Johnson: indhaha oo guduuta, afka oo finan yeesha, finan malaxeysta iyo maqaarka oo fiiqma
- Allarjiga barootiin daawo ku jira: qandho, xanuun ah kalagoysyada iyo barar, finan, lallabbo
- Dhaawac ah beerka ama kelyaha (xaalad loo yaqaan "DRESS" ama infakshanka kelyaha)
Maxay muhiim u tahay in la ogaado haddii uu ilmahaygu allarji ku yahay penicillin/amoxicillin?
Penicillin/amoxicillin waa daaweynta ugu fiican ee loo qooto infakshan badan. Dadka qaba, ama u maleynaya in ay allarji ku yihiin penicillin/amoxicillin, waa in ay qaataan noocyo kale oo ah antibiyootig (oo loo barbar dhigayo penicillin/amoxicillin). Daawooyinka antibiyootiga ee aan ahayn penicillin/amoxicillin:
- Infakshanka uma daaweyn karaan sida penicillin/amoxicillin
- Waxay jirka u waxyeelleyn karaan si ka badan waxyeellada marka loo eego penicillin/amoxicillin
- Waxay daawooyinka kale ee bakteeriyada ka dhigi karaan kuwo uu waxtarkoodu yar yahay
- Waxaa laga yaabaa in kharashkoodu badan yahay
- Waxay sababi karaan in isbitaalka lagu sii jiro wakhti dheer
Miyey falcelin kasta oo ah antibiyootig keentaa allarji?
Maya. Penicillin/amoxicillin iyo daawooyinka kale ee ah antibiyootiga waxa ay keeni karaan waxyeello caadi ah, sida:
- Madax-xanuun
- Lallabbo yar
- Shuban
- Cuncun ah xubinta taranka gabdhaha
Haddii penicillin/amoxicillin ilmaha loo siiyo infakshan (sida infekshanka dhegaha) balse uu ilmuhu qabo faayrus gaar ah, waxaa imaan kara finan barar ah ilaa hal toddobaad ama ka badan ka dib marka loo bilaabo daawada antibiyootiga ah. Finanka noocaas ah waxaa sabab u ah faayruska, oo looma tixgalin karo allarji ka imaanaya antibiyootiga. Sidaas awgeed penicillin/amoxicillin waa la siin karaa ilmaha oo dhibaato kama imaan karto.
Miyey tahay in ilmaha loo tixgeliyo in uu allarji ku yahay penicillin/amoxicillin haddii uu jiro qof qoyska ka mid ah oo allarji ku ah penicillin/amoxicillin ama daawooyin kale oo ah antibiyootig?
Maya. allarjiga daawooyinka ma aha hidderaace oo "qoysku dhexdiisa isuma gudbin karo". Marka uu qof qoyska ka mid ah allarji ku yahay penicillin/amoxicillin ama daawooyin kale oo ah antibiyootig ma noqon karto sabab uu ilma yar allarji ugu noqon karo penicillin/amoxicillin.
Sidee baan ku ogaan karaa in ilmahaygu si dhab ah allarji ugu yahay penicillin/amoxicillin?
Kala hadal dhakhtarka haddii ilmahaaga mar hore allarji ku noqday penicillin/amoxicillin. Haddi dhakhtarku ka shakiyo khatar yar oo ah allarji, waxaa lagu tijaabin karaa daawada afka ah. Daawada tijaabada afka ah waa mid si dhow loogula soconayo ilmaha oo jooga isbitaal ama kilinig si loo ogaado haddii ay falcelin jirto ka dib marka afka laga siiyo amoxicillin.
Haddii ilmahaagu ku jiro khatar weyn, dhakhtarka allarjiga (dhakhtar takhasus ku haysta allarjiga) ayaa wax idiinka sheegi doona adiga iyo ilmahaaga. Waxaa laga yaabaa in la sameeyo baaritaan ah maqaarka iyo/ama daawo afka ah. Dhakhtarka allarjiga ayaa markaas go'aaminaya haddii ilmaha la siin karo penicillin/amoxicillin.
Haddii ilmahaygu si dhab ah allarji ugu yahay penicillin/amoxicillin maxaa la sameyn doonaa?
- Dhakhtarka ayaa ilmaha u qoraya nooc kale oo ah antibiyootig si infakshanka loogu daaweeyo.
- Haddii loo baahdo antibiyootig ah penicillin, dhakhtarka allarjiga ayaa si tartiib ah ugu siin kara isbitaalka iyada oo si dhow loola soconayo ("tijaabin-daawo").
- Waa in ilmuhu xirto silsilad ama jijin ah digniin caafimaad, haddii ay dhacdo in feylka ama adiga uu dhakhtarku idinka ogaan waayo in uu ilmuhu allarji ku qabo penicillin/amoxicillin.
- Qiyaastii 80% ayaa dadka allarjiga dhab ah ku qaba penicillin/amoxicillin waxay uga bixi kartaa 10 sano ka dib markii ugu dambeysay falcelinta daawo ah antibiyootig. Dhakhtarka allarjiga waa in lagala tashado haddii loo tixgelinayo penicillin/amoxicillin ilmaha weyn ama soo koray ee lahaan jiray allarji hore oo jiray yaraantii.
Su'aalo?
Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad wax su'aalo ah qabto, fadlan kala hadal dhakhtarka bukaanjiifka ee ilmahaaga.
Reviewed 8/24
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2024 Children's Minnesota