JABNIINKA LAFAHA WEJIGA (EE AAN AHAYN LAFAHA SANKA)
Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)
Waa maxay jabniinka wejiga dhexe?
Jabniinka wejiga dhexe waa jabniin ku lug leh lafaha wejiga ilaa daanka (qalka hoose). Waa jabniin naadir ku ah in uu ku dhaco carruurta. Noocyada kala duwan ee jabniinkan waxaa ka mid ah jabniinka dhexda wejiga (LeFort), jabniinka duleellada lafaha sanka ee gudaha, iyo jabniinka lafaha u dhaxeeya sanka ilaa isha.
Maxaa la filan karaa marka wax laga qabanayo jabniinka wejiga?
Waxaa laga yaabaa in ilmaha la seexiyo isbitaalka marka hore ee uu jabniinku ku dhaco ama in xaalka lala socdo qaliinka ka dib. Waa wax ku xiran nooca jabniinka ama sababta jugta dhaawaca, qiimeynta ilmaha ee lagu arko sawirka CT, qiimeynta jugta dhaawaca, iyo in laga wiisiteeyo ilkaha.
Sidee baa loo kabaa jabniinka wejiga dhexe?
Jabniinka ilmaha waxaa lagu daaweyn karaa in lala socdo ama qalliin oo waxay ku xiran tahay dhaawucu inta uu le'eg yahay. Haddii aan qalliin loo baahneyn, ilmaha waxaa loo qori karaa cunto jilicsan dhowr toddobaad iyo joojinta isboortiska la isku dhici karo. Haddii qalliin loo baahdo, ilmaha waxaa laga qalayaa faruuryaha hoostooda (faruurhoosaadka), sunniyaha, baalka hoose ee isha, ama xarriijinta timaha
(leynka-timaha). Caagag xalleefsan ama boolal yaryar ayaa la isticmaali karaa si loo simo jajabka lafaha yaryar.
Maxaa laga filayaa qalliinka jabniinka wajiga dhexe ka dib?
Haddii la qalayo gudaha afka, dhakhtarka ayaa ku talin kara nadiifinta afka iyo cunto jilicsan ama dareere ah.
Haddii ilmaha laga qalo baalka hoose ee isha, dhakhtarka ayaa u qori kara goojada indhaha ama boomaato iyo wiisiteynta aragtida oo dheeraad ah.
Haddii ilmaha laga qalo xariijiinta timaha, tuubbo dheecaanka ka soo saarta ayaa loo deyn karaa ilaa dhowr maalmood. Indhaha ayaa aad u barari kara qalliinka ka dib.
Waxaa laga yaabaa in dhakhtarku qoro antibiyootig balse waxay ku xiran tahay nooca iyo inta uu leeg yahay dhaawucu.
Ka warran jabniinka daanka?
Jabniinka qalka hoose waa jabniinka wejiga dhexe kan ugu badan ee isbitaalka loo seexdo. Inkasta oo uu jabniinka qalka hoose yahay mid aan ku badneyn carruurta yaryar, waa mid ku badan dhallinta iyo dhallinyarada. Sababaha ugu badan waa shilalka baabuurta iyo baaskiilka, dhaawacyada isboortiska, iyo dhicid.
Sidee loo qiimeeyaa jabniinka qalka hoose?
Waxaa ilmaha la saari kaaro raajada ilkaha ama sawir ah CT si loogu eego jabniinka daanka. Wiisiteynta waxaa ku jiri doona qiimeynta ilig kasta oo liiqliiqanaya ama jaban. Siday iugu aaddan yihiin ilkaha kore iyo kuwa hoose ayaa la hubinayaa si loo arko safka ilkaha.
Sidee loo daaweynayaa jabniinka qalka hoose?
Jabniinka qalka hoose badankoodu waxay u baahdaan qalliin. Inkasta oo laga yaabo in dhakhtarka qalliinka ee ENT uu wax ka qiimeeyo oo uu la socdo jabniinka daanka ilmaha, badanaa jabniinka qalka hoose ee carruurta waxaa la socda dhakhtarka qalliinka afka. Qalliinnka waxaa badanaa lagu sameeyaa cirridka hoose ee afka gudihiisa, laakiin marmar dhabanka ama luqunta ayaa noqonaya lagama maarmaan. Lafaha jaban badanaa qalliin ahaan ayaa la isugu celiyaa iyadoo la gelinayo caag xalleefsan.
In kastoo aysan caadi ahayn beryahan dambe, waxaa ilmuhu u baahan karaa qalliinka ka dib in ilkaha loogu xiro silig lagu toosinayo. Haddii sidaas loo baahdo, ilmuhu wuxuu dhowr toddobaad u baahan doonaa cunto dareere ah.
Miyey jiraan wax talo ah oo aan u baahanahay in aan raaco qalliinka ka hor?
Waa in aad ilmaha soo marsiiso wiisiteyn guud oo ah dhakhtarkiisa dhowr maalmood ka hor qalliinka si loo hubiyo in uu caafimaadkiisu caadi yahay. Badanaa ilmaha waxaa soo wiisiteyn doonta Qeybta Imarjansada ama kooxda Waaxda Dhaawacyada iyada oo lagu saleynayo dhaawaca wejiga. Dhakhtarku waa inuu soo buuxiyo foomka Taariikhda iyo Caafimaadka oo laga helayo xafiiska. Waa in aad foomka oo buuxa keento maalinta qalliinka.
Badqabidda awgeed, waxaa muhiim ah in la keeno ilmaha oo aan waxba soo cunin si loo suuxiyo. Fadlan raac talooyinka Cuntada iyo Cabbitaanka ee Children's Hopsital. Haddii aad raaci weydo talooyinka, waxa dhacaya waa in la joojiyo qalliinka ilmaha. Waxaa laga yaabaa in ilmaha lagula taliyo cunto jilicsan dhaawaca ka dib xataa qaliinka ka hor.
Maxaan filan karnaa qalliinka ka dib?
Qalliinku guud ahaan waxa uu qaataa 2 saac ilaa 3 saac. Qalliinka ka dib waxa uu ilmuhu ku soo naaxi doonaa qolka nasashada. In ilmuhu soo naaxo waxay badanaa qaadaneysaa 20 ilaa 40 daqiiqo. Marka ilmahaagu soo naaxo, waxaa la geynayaa goobta la joogo marka la baxayo si loo diyaariyo. Waxaad ilmaha lala joogi karaa marka la keeno goobta lagu soo naaxo. Hal habeen ayaa qalliinka ka dib ilmaha la seexin karaa isbitaalka balse waxa ay ku xiran tahay dhaawacyada kale ee ka soo gaaray jabniinka wejiga.
- Waxaa laga yaabaa in ilmaha wejiga loogu soo xiro faashad (mararka qaarkood waxaa la yiraahdaa qal-celis) oo qalka ayey taageereysaa. Waxay loo sameynayaa meelo baraf laga saari karo si uu bararku uga yaraado
- Dhakhtarku wuxuu qori karaa antibiyootig afka lagu dhaqdo
- Dhakhtarku waxaa antibiyootig loogu qori karaa caabuqa, ilkaha xumaada, ama dhaawaca afka
- Waa in uusan ilmuhu ciyaarin isboortiska la isku dhici karo ilaa 4 toddobaad
- Qandho heerkeedu yahay 102.0 F qalliinka ka dib waa caadi. Dhakhtarka la xiriir haddii qandhadu ka sarreyso 102.0 F markaad siiso acetaminophen(Tylenol) iyo/ama Ibuprofen
- Waxaa ilmaha xanuun ka qaban karaa daanka, wejiga, indhaha ama ilkaha. Marmar waxaa u muuqan kara aragtida indhaha oo laba-laba u noqoneysa. Waxaa ilmaha xanuunka yar loo siin karaa Tylenol® (acetaminophen) ama Children's Motrin® (ibuprofen). Mararka qaarkood dawooyin xanuunka oo xoog badan ayaa loo qori karaa.
- Barar lagu arko isha hareeraheeda waa wax caadi ah. Badanaa waxay sii xumaataa subixii oo waxay roonaataa toddobaadka ka dambeeya.
- Waxaa la idin siin doonaa waraaqda Ka-bixidda Isbitaalka ka hor inteydnaan guriga aadin oo waxaa idiinku qoran talooyinka iyo daawada inta jeer ee la qaadanayo.
- Waxaa ilmaha loo qori karaa cunto dareere ah ama jilicsan dhawr toddobaad qalliinka ka dib.
- Daryeelka dhaawaca waxaa ku jiri kara dhaqista afka, goojo, ama boomaato ah antibiyootig.
Su'aalo?
Macluumaadka ku qoran waraaqahan gaar kuma aha ilmahaaga. Macluumaadkan waa mid guud oo la siiyo ilmaha la qalo oo dhan. Macluumaadka waxaa loogu talagalay warbixin iyo macluumaad ahaan oo keliya balse waa IN AAN loo isticmaalin wax baddiil u noqon kara talada dhakhtarka carruurta. Haddii aad wax su'aalo ah qabto, fadlan taleefan u soo dir Kilinigga Children's ENT and Facial Plastic Surgery (ENT iyo Qeybta Qalliinka Wejiga).
Dibu-eegistii 10/2022
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2024 Children's Minnesota