As of Oct. 3, 2026, MyChart is now your new online health record at Children’s Minnesota. Learn more and activate your account now.

Translations: English | Español | Hmoob

Ka soo qaybgalka ballamaha iyo habraaca ballan ka maqnaanshaha

Waxaan fahamsanahay in noloshu mashquul noqon karto, qorshayaashuna isbeddeli karaan. Si aan dhammaan bukaannada u siino daryeel waqtigiisa ku habboon, fadlan sida ugu dhakhsaha badan nala soo xiriir haddii aad u baahan tahay inaad ballantaada baajiso ama waqti kale u beddesho.

Haddii aad ballan ka maqnaato adigoon nala soo socodsiin, wakhtigaas ma siin karno bukaan kale oo daryeel u baahan.

Si booqashadaadu si habsami leh ugu dhacdo, fadlan:

  • Rugta caafimaadka imow wakhtiga ku qoran farriinta qoraalka ah ama iimaylka lagugu xusuusinayo ballantaada. Hubi inaad wakhti dheeraad ah u qorshayso baarkinka.
  • Soo qaado aqoonsigaaga sawirka leh, kaarka caymiska iyo lacagta qaybta kaa saaran.

Ballanta oo laga soo daaho

Haddii aad ballantaada ka soo daahdo, waxaa dhici karta inaanan ilmahaaga qaabili karin, waxaana laga yaabaa inaan ballanta waqti kale u beddelno..

Waa maxay “Ballan ka maqnaasho?”

Ballan ka maqnaansho waxaa loola jeedaa inaad ka maqnaato ballan hore loo qorsheeyay adigoon nala soo xiriirin si aad u baajiso ama waqti kale ugu beddesho ka hor wakhtiga ballanta.

Maxaa dhaxaya haddii aan ballan ka maqnaado?

Si aan u hubinno in dhammaan bukaannadeennu ay heli karaan daryeel, waxaan la soconnaa ballamaha laga maqnaado, waxaanan dhammaan rugahayaga caafimaadka ka raacnaa habraaca ballan ka maqnaanshaha:

  1. Ogeysiisyo: Haddii ilmahaagu ballan ka maqnaado, waxaan kugu soo wargelin doonnaa farriin qoraal ah ama iimayl (haddii aad oggolaatay inaad farriimaha naga hesho).
  2. Marka ilmahaagu shan ballamood ka maqnaado muddo sannad gudaheed ah, waxaa loo wareejin doonaa hab kale oo ballamaha loo qabsado:
    • Habka kale ee ballamaha loo qabsado: Ballamaha internetka kama qabsan kartid, waana inaad si toos ah rugta caafimaadka u wacdaa si aad ballamaha dambe u qabsato.
    • Sida loogu soo laabto habka caadiga ah ee ballamaha loo qabsado: Ilmahaagu wuxuu ku sii jiri doonaa habka kale ee ballamaha loo qabsado ilaa tirada guud ee ballamaha uu ka maqnaaday 12-kii bilood ee ugu dambeeyay ay ka yaraato shan.

Haddii ilmahaagu sii wado inuu ballamaha ka maqnaado, waxaa laga yaabaa inaan ka saarno ballamaha dambe ee loo qabtay.

Translations: English | Español | Hmoob

Sharciga imaanshaha iyo marka ballanta loo gooyo

Waxaan ognahay in ay dadku mashquuli karaan oo uu marmar qorshahoodu isbeddeli karo. Si loo hubiyo in ay ilmuhu wakhti ku fiican daryeel naga helaan, waxaa muhiim ah in la keeno ballamaha loo qabtay ama waa in sida ugu dhakhsa badan naloo ku soo sheego haddii aan la keeni karin ama haddii ballanta loo beddelayo. Marka loo gooyo ballan iyada oo aan isbitaalka la soo ogeysiin, wakhtigaas lama siin karo ilma kale oo u baahan ballan degdeg ah. Si aad u hubsato in ay ballantu si fiican idiinku fududaato, fadlan:
  • Qorsheyso in aad soo hormartaan 15 daqiiqo ugu yaraan oo aad is-xaadirisaan.
  • Soo qaado aqoonsi, kaarka ceymiska, iyo qeybta aad bixneyso lacagta.
Imaanshaha daahitaanka ah: Haddii ballan laga soo daaho, waxaa suurtagal ah in aan ilmahaaga la qaabili karin balse waxaa loo beddeli doonaa wakhtiga ballanta.

Sharciga cusub ee ballamaha loo gooyo

Waxaan raacaynaa sharci cusub oo ah ballamaha loo gooyo ee daaweynta guud, takhasuska, caafimaadka dhimirka iyo xarumaha baxnaaninta. Haddii loo gooyo saddex ballamood ka badan sannadkii, waxay saameyn ku yeelan kartaa in ballan dambe laga qabsado Children’s Minnesota.

Marka la gooyo

Ballanta loo gooyey waa marka la imaan waayo ballan iyadoo aan lala soo xiriirin kilinigga si ballanta loo beddesho ama si loo soo sheego in aan la imaan karin.

Marka ballan loo gooyo waxaan qoraal ku soo direynaa taleefanka ama boostada intarnetka. Waxaa markaas la isku qori doonaa hab nooc kale ah oo la isugu qaban doono ballanta ka dib marka loo gooyo saddex ballamood muddo ah ilaa laba-iyo-toban bilood gudahood. Saddex ballan marka loo gooyo ka dib sannad gudihiis, waraaq ayaa qoyska loo soo dirayaa. Markaas waxaa ilmahaaga ballamaha caadiga ah loo sameyn doonaa hal sano ka dib marka uusan mar dambe u goyn wax ballan ah.

MyChart is here! MyChart Epic Systems Corporattion.

MyChart is here

Managing your child’s health care is easier with MyChart, your secure online health record at Children’s Minnesota. Set up and activate your Children’s Minnesota MyChart account.

Give to Kids Day

Today is Give to Kids Day!

A day for our generous community to join together to ensure that even the tiniest hearts get the strongest possible start.