TRANSLATIONS: English | Spanish

Isbeddel ku imaanaya daryeelka

Isbitaalka Carruurta ee Minnesota, mar kasta waxa uu ku dedaalayo waa caafimaadka carruurta iyo qoysaskooda. Sannadka 2021 gudihiisa, waxaan u wareegeynaa qaab cusub oo ah daryeel koox ahaaneed. Habkan cusub waxay ilmuhu daryeel ka heli doonaan koox shaqaale ah oo si joogto ah ugu heellan baahidooda gaarka ah. Dhakhtarka markaad la kulantaan ayuu kaala hadli doonaa habkan daryeelka ah ee cusub.

Fadlan ogsoonow isbeddelka soo socda oo ah mid aan ku sii bilaabeyno habka cusub ee daryeelka kooxda.

Ballamaha la heli karo

Kilinigga Minneapolis wuxuu furan yahay Arbacada oo keliya. Wuxuu u furan yahay in laga sameysto ballan ama in ballan la’aan la iska yimaado. Si wax looga qabto maalmaha la yareeyey ee kilinigga Minneapolis, waxaan wakhtiyo ballamo oo dheeraad ah ku darnay goobaha kale ee Minnetonka, St. Paul iyo Woodbury oo aad ka heleyso.

Codsiyada baarista sokorta dhiigga

Laga bilaabo Abriil 2021, eegista jawaabta dhiigga aan degdegga ahayn — wixii aan ahayn hoosu-dhaca dhiigga ama xanuun — waa in loo qabsado ballan ah nooca fiidiyowga oo lacagta waxaa la isaga qaadayaa. Isbeddelkan — oo dhaqangeli doona bisha Abriil — waxa ay fursad siineysaa in ay dhakhaatiirtu helaan wakhti ay ku soo eegaan feylka caafimaadka. Waxa kale oo fududaanaya shaqada kilinigga oo si loo hubsado wakhtiga eegista feylka — oo qaadan karta ilaa hal saac — oo waxaa lagu darayaa jadwalka dhakhtarka.

Waxaa la sii wadi doonaa in isla maalintiiba si degdeg ah loo baaro sokorta dhiigga si loo ogaado sokorta dhiigga ku yar iyo wixii jirro ah oo soo kordha.

Si aad ah ayaa loo adeegsan doonaa kadinka MyChildren’s

Iyadoo la isticmaalayo kadinka MyChildren’s, si loogala xiriiro kooxda daryeelka ee ilmaha, si ballan looga qabsado iyo si lagu dalbado dibu-buuxiska daawooyinka. Haddii aadan isticmaalin kadinka intarnetka ee MyChildren’s, waa in aad hadda ka sameysato koonto ama summad. Haddii aad caawimaad rabto, shaqaalaha ayaa ku caawinaya.

Waxaan dhowr waxyaabood ku dareynaa kadinka bukaanka ee MyChildren’s. Waxyaabahaas waxaa ka mid ah:

  • Jawaabaha sheybaarka: Mar dambe boostada kuma soo direyno waraaqo ah jawaabaha sokorowga lagula socdo ee baarista sheybaarka. Waxaa laga heli karaa kadinka MyChildren’s. Jawaabaha aan caadiga ahayn ee sheybaarka waxaa lagu soo diri doonaa boostada oo waxaa la soo gelin doonaa kadinka MyChildren.
  • Dibu-buuxinta daawada: Waraaqaha daawada ee ilmahaaga waxaa dib loo cusbooneysiin doonaa lixdii biloodba mar ama markaad leedihiin ballanta kilinigga. Haddii ay shaqaalaha farmashiyaha kuu sheegaan in aysan daawadaada u harin dibu-buuxin, fadlan weydii in ay kuu xaqiijyaan. Farmashiyuhu waa in uu haysto waraaqaha dawooyinkii hore iyo kuwa cusub. Fadlan isticmaal kadinka MyChildren’s si aad u soo sheegto su’aalo iyo codsi wixii aad hayso.
  • Foomam: Codsiyada la buuxinayo foomam (dibad-bixid, iskuulka, baabuur-wadis, ciyaaraha fudud iyo fasaxa loo qaato geerida ama xanuunka daran ee FMLA) waxaa lagu soo diri karaa kadinka MyChildren’s. Fadlan sug 14 maalmood oo la soo buuxinayo.

Qorsheynta ballanta ka horreysa

Fadlan soo gudbi macluumaadka keydan ee bambada insuliinka ilmahaaga ee sokorta dhiigga 24 saac ka hor ballanta ilmahaaga. Arrintan waxay nagu caawineysaa inaan u diyaargarowno ballanta. Adigana waa lagu soo xasuusin doonaa markaad ballan qabsaneyso. Si aad u hesho bambada ka eego bogga macluumaadka sokorowga.

Haddii aad wax su’aalo ah ka qabto isbeddelka, fadlan kala soo xiriir kilinigga 651-220-6624.

GET EDUCATED

At Children’s Minnesota, we know how important reliable information about conditions and illnesses is.