Ballamaha fiidiyowga – Virtual Clinic – Somali
Booqashada muqaalka
Sida ay u shaqayso
Rugaha badan ee daryeelka guud iyo daryeelka takhasuska leh ayaa bixiya booqashooyin muuqaal ah. Weydii bixiyaha daryeelka ilmahaaga in booqashada muuqaalku ku habboon tahay daryeelka ilmahaaga.
Saacadaha
Inta badan rugaha adeeggan bixiya waxay booqashooyinka muuqaalka qabtaan maalmaha shaqada, saacadaha caadiga ah ee rugta. Saacaduhu way ku kala duwan yihiin rugaha.
Sida loogu biiro
Waxaad heli doontaa farriin qoraal ah ama iimayl uu ku jiro xiriiriye aad si toos ah ugaga qayb geli karto booqashada muuqaalka.
Kharashka
Kharashka booqashada muuqaalku wuxuu la mid yahay kan booqashada rugta caafimaadka, caymisyada badankooduna way bixiyaan.
Talooyin kaa caawinaya in booqashada muuqaalku si habsami leh u dhacdo
Use MyChart: Si aad si fudud uga qayb gasho, waxaan si weyn kuugula talinaynaa inaad isticmaasho MyChart, halkii aad marti ahaan uga qayb geli lahayd. MyChart wuxuu kuu oggolaanayaa inaad wakhti hore dhammaystirto isdiiwaangelinta booqashada, tallaabooyin yarna si toos ah kula xiriirisaa bixiyahaaga. Waxa kale oo uu dhammaan faahfaahinta ballamaha ilmahaaga si ammaan ah kuugu hayaa hal meel. Ma u baahan tahay inaad samaysato akoonka MyChart ee Children’s Minnesota? Halkan iska diiwaangeli..
Qalabka: Isticmaal taleefanka gacanta, tablet ama kombiyuutar, oo hubi inay kaameerada, makarafoonka iyo internetku shaqaynayaan. Haddii aad kombiyuutar isticmaalayso, waxaa la doorbidayaa internet fiilo ku xiran halkii laga isticmaali lahaa internetka bilaa fiilada ah (Wi-Fi). Internetka fiilada ku xiran iyo Wi-Fi-guba way ka wanaagsan yihiin isticmaalka xogta taleefanka gacanta. Hubi in qalabkaagu dab ku filan leeyahay ama uu koronto ku xiran yahay.
Ka qaybgalka: Bukkaanku waa inuu joogaa booqashada muuqaalka, haddii uusan bixiyuhu si kale kuu sheegin. Waalid ama mas’uul sharci ahna waa inuu joogaa haddii booqashadu u baahan tahay.
Goobta: Joog meel kugu habboon, aamusan, iftiin fiican leh oo gaar kuu ah. Wakhtiga booqashada waa inaad jir ahaan ku sugan tahay Minnesota. Haddii aad Minnesota ka maqnaan doonto, waa inaad rugta caafimaadka la xiriirtaa ka hor booqashada.
E-visit (Booqashada qoraalka ah ee internetka)
Cidda isticmaali karta e-visits
Bukkaannada daryeelka guud ee hadda ka tirsan Children’s Minnesota iyo Partners in Pediatrics, kuwaas oo jira 18 sano ama ka yar. Si e-visit loo sameeyo, waalidka ama mas’uulka leh oggolaanshaha uu ku geli karo akoonka ilmaha, ama bukkaanka jira 12 ilaa 18 sano, waa inuu leeyahay akoon MyChart oo Children’s Minnesota ah oo shaqaynaya. Ma u baahan tahay inaad samaysato akoonka MyChart ee Children’s Minnesota? Sign up nowHalkan iska diiwaangeli.
Sida ay u shaqayso
MyChart kaga jawaab su’aalo ku saabsan calaamadahaaga iyo macluumaad kale, sida xasaasiyadaha, farmashiyaha aad doorbidayso, caymiska iyo lacag-bixinta. Tani waxay qaadataa qiyaastii 10 daqiiqo. Kadib, bixiye ka tirsan daryeelka guud ayaa dib u eegi doona jawaabahaaga oo kuu soo diri doona qorshe daaweyn; mararka qaarkoodna waxaad ku heli kartaa dhowr saacadood gudahood.
Xaaladahaa an daaweyno
Hadda e-visit-ka waxaan ku daaweynaa calool-fadhiga, indhaha oo casaada, finan ama cuncunka maqaarka, dhuun-xanuunka iyo matagga.
Kharashka
Caymisyada badankoodu caadi ahaan way bixiyaan kharashka e-visit-ka. Haddii aanaan ilmahaaga si ammaan ah internetka ugu daaweyn karin, wax lacag ah laguguma dallaci doono e-visit-ka. Lacagta caymisku kaa rabo inaad qayb ahaan bixiso iyo kharash kasta oo aanu caymisku bixin adiga ayaa lagugu soo dallaci doonaa.
Su’aalaha inta badan la isweydiiyo
Sideen uga qayb geli karaa booqashada muuqaalka ee ilmahayga?
Haddii aad leedahay akoonka MyChart ee Children’s Minnesota:
- Dhammaystir eCheck-in adigoo isticmaalaya xiriiriyaha soo diro farriin qoraal ah ama iimayl toddoba maalmood ka hor ballantaada. (Fiiro gaar ah: Waa inaad oggolaataa si aad farriimo uga hesho Children’s Minnesota).
- Hal saac ka hor ballantaada, waxaad heli doontaa xiriiriyaha booqashada muuqaalka. Isticmaal xiriiriyahan si aad booqashada u bilowdo marka la gaaro wakhtiga ballantaada.
- Haddii aad dhammaystirtay eCheck-in, waxaad sidoo kale booqashada kaga qayb geli kartaa adigoo MyChart ka dooranaya badhanka “Visits” (Booqashooyinka) ama xusuusinta ballanta ka dooranaya badhanka “Join visit” (Ku biir booqashada).
- Fadlan shaashadda ku sug ilaa bixiyaha daryeelku kusoo biiro.
- Ku darista marti, sida waalidka kale ama mas’uul sharci ah, waxay gacan ka geysan kartaa in dhammaan dadka ka qaybqaata daryeelka ilmahaaga ay xog-ogaal ahaadaan. Kadib markaaad arrintan kala hadasho bixiyaha daryeelka ilmahaaga, waxaad MyChart dhexdiisa dad kale kaga qaybgelin kartaa booqashada muuqaalka:
- Liiska weyn ee MyChart ka dooro qaybta Visits (Booqashooyinka).
- Booqashadaada soo socota ka dooro Details (Faahfaahinta).
- Dooro View and Invite Participants (Ee goo martiqaad ka qaybgalayaasha).
- Waxaa lagu weydiin doonaa inaad geliso cinwaanka iimaylka qofka aad martiqaadayso.
- Waxaad sidoo kale bixiyaha daryeelka ka codsan kartaa inuu xiriiriyah booqashada muuqaalka u diro qofka aad mariqaadayso.
Haddii aadan lahayn akoonka MyChart ee Children’s Minnesota:
- Haddii xiriiriyaha eCheck-in laguugu soo diro farriin qoraal ah ama iimayl, fadlan isdiiwaangeli oo dhammaystir dukumentiyada iyo su’aalaha lagaa doonayo ka hor booqashada.
- Hal saac ka hor ballantaada, waxaad heli doontaa xiriiriyaha booqashada muuqaalka. Isticmaal xiriiriyahan si aad booqashada u bilowdo marka la gaaro wakhtiga ballantaada.
- Shaashadda ku sug ilaa bixiyaha daryeelku kusoo biiro.
- Ku darista marti, sida waalidka kale ama mas’uul sharci ah, waxay gacan ka geysan kartaa in dhammaan dadka ka qaybqaata daryeelka ilmahaaga ay xog-ogaal ahaadaan. Kadib markaad arrintan kala hadasho bixiyaha daryeelka ilmahaaga, waxaad qof kale booqashada kaga qaybgelin kartaa adigoo xiriiriyaha booqashada si toos ah ugu gudbinaya. Waxaad sidoo kale bixiyaha daryeelka ka codsan kartaa inuu xiriiriyaha si toos ah ugu diro qofkaas.
Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo ku biirista booqashada muuqaalka? Fadlan si toos ah ula xiriir rugta caafimaadka.
Maxaa dhacaya haddii ilmahaygu u baahdo dawo dhakhtar qoro?
Haddii bixiyaha daryeelka ilmahaagu inta lagu jiro booqashada muuqaalka ama e-visit-ka go’aamiyo inuu ilmuhu dawo u baahan yahay, wuxuu warqadda dawada u diri doonaa farmashiyaha aad dooratay.
Caymisku ma bixiyaa kharashka daryeelka caafimaadka ee internetka?
Haa. Caymisyada badankoodu waxay bixiyaan kharashka daryeelka caafimaadka ee internetka, oo ay ku jiraan booqashooyinka muuqaalka iyo e-visit-yadu. Waxaan kugula talinaynaa inaad shirkadda caymiska la xiriirto si aad u hubiso kharashka uu caymiskaagu bixinayo.
Booqashooyinka muuqaalka ma lagu heli karaa luqado kale?
Haa. Adeegyada turjubaanka waxaa lagu heli karaa lacag la’aan. Fadlan rugta caafimaadka ogeysii ka hor ballantaada haddii aad turjubaan u baahan tahay. Bixiyaha daryeelka ayaa turjubaanka ku soo dari doona booqashada muuqaalka.
Ma samayn karnaa booqasho muuqaal ah haddii aannaan Minnesota joogin?
Caadi ahaan, maya. Sharciyada ruqsadaha caafimaadka awgood, adiga iyo ilmahaaguba waa inaad Minnesota ku sugnaataan wakhtiga booqashada muuqaalka. Haddii aad Minnesota ka maqnaan doontaan, waa inaad rugta caafimaadka horay ula xiriirtaan si aad ugala hadashaan fursadaha aad haysataan. Qaar ka mid ah bixiyeyaashayadu waxay sidoo kale ruqsad caafimaad ku leeyihiin Wisconsin, laakiin waa inaad marka hore rugta la xiriirtaa si loo hubiyo in booqashadu dhici karto.
Ilmahayga dhallinyarada ahi kaligiis ma ula hadli karaa bixiyaha daryeelka inta lagu jiro booqashada muuqaalka?
Haa. Haddii ilmahaaga dhallinyarada ahi doonayo inuu keligiis ula hadlo bixiyaha daryeelka, codso oo keliya. Bixiyaha ayaa kuu sheegi doona haddii wada-hadal gaar ahi ku habboon yahay booqashadaas.
Booqashooyinka muuqaalku ma yihiin kuwo gaar ah oo ammaan ah?
Haa. Booqashooyinkayaga muuqaalku waa kuwo ammaan ah, waxayna waafaqsan yihiin sharciga HIPAA ee ilaalinta xogta caafimaadka.
Inta lagu jiro booqashada muuqaalka, shaqaalaha Children’s Minnesota waxay joogi karaan meel gaar ah, sida qolka baaritaanka ama xafiis. Haddii shaqaaluhu joogaan rug caafimaad oo laga yaabo in shaqaale kale gadaashooda ka muuqdaan, caadi ahaan waxay isticmaali doonaan sameecado si dadka kale aysan u maqlin wada-hadalkiinna.
Children’s Minnesota marnaba ma duubo booqashooyinka muuqaalka. Duubis aan oggolaansho loo haysan lama oggola. Haddii booqashada lagu qabto taleefanka, wada-hadalkiinnu wuxuu leeyahay ilaalin la mid ah wicitaan kasta oo taleefan.
Maxaa dhacaya haddii internetkaygu go’o inta booqashada muuqaalku socoto?
Haddii booqashada muuqaalku go’do, isku day inaad mar kale ku biirto adigoo isticmaalaya xiriiriyaha booqashada. Haddii aadan dib ugu xirmi karin, bixiyaha daryeelka ayaa wici doona lambarka taleefanka ee ku qoran akoonkaaga MyChart si booqashada loogu dhammaystiro taleefanka.
Siyaabo kale oo daryeel lagu heli karo
Hubinta calaamadaha
Miyuu ilmuhu u baahan yahay ballan mise calaamadaha ayaa guriga lagula tacaali karaa? Hadda ka ogow Hubinta Calaamadaha, oo la heli karo 24/7.
Daryeelka Ballan’aanta ah
Ma doorbidaysaa booqasho fool-ka-fool ah marka ilmuhu qabo xanuun ama dhaawac fudud? Inta badan rugahayaga daryeelka guud waxay bixiyaan daryeel ballan la’aan ah oo loogu talagalay xanuunnada aan halista ahayn, sida qufaca, qandhada, matagga, shubanka, finan ama cuncunka maqaarka, dhaawacyada fudud iyo kuwo kale. Intaadan iman, noo sheeg inaad soo socoto si boos loogu sii hayo ilmahaaga.