The wait times in our emergency departments are longer than usual due to illnesses like RSV and the flu. View our estimated ED wait times and learn more about where to get care for your sick child.

Ballamaha fiidiyowga – Virtual Clinic – Somali

Translations: English, Español, Hmong, Karen, Somali

Ballamaha fiidiyowga: Waa wax caadi noqday, daryeel heersare ah oo la adeegsado intarnet iyo taleefan, shaashadda xalleefsan ama kambuyuutar

Barnaamijka ballamaha fiidiyowga ee isbitaalka Children’s Minnesota, waa mid aad ku qabsan karto ballan ah wiisiteynta intarnetka si aad ugula kulanto shaqaalaha caafimaadka adigoo gurigaaga jooga – ama jooga meel kale oo idinku habboon – iyo iyada oo uusan idinku bixin wax kharash ah oo ah imaanshaha isbitaalka.

Inta ay socoto ballanta caafimaadka fiidiyowga ah, bukaanka iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka waa ay is arki karaan, waa is maqli karaan, sidii dad wada jooga, oo si caadi ah isugu dhow. Fadlan shaqaalaha isbitaalka weydii haddii ay kuu fiican tahay ballan caafimaad oo ah fiidiyow.

Ballamaha caafimaadka fiidiyowga waa ballamo caadi ah oo la qabsado saacadaha caaddiga ah ee isbitaalka. Waa ballamo aad fool-ka-fool kula kulmeysid dhakhtar adigoo isticmaalaya fiidiyow ammaankiisu adag yahay.

Ballamaha caafimaadka fiidiyowga kharashkoodu waa kuwa la mid ah marka la yimaado oo kale oo ceymisyada caafimaadka badankoodu lacagta waa ay bixiyaan.

Daryeelka kale ee fiidiyow ahaanta lagu helo waa Adeegga Bulshada, Turjubaan, Nafaqada, Caawinta dhaawaca iyo Shaqaalaha Daaweynta Guryaha. Waxa kale oo daryeelka fiidiyowga lagu heli karaa isbitaalka, kilinigyada gudahooda iyo sidoo kale guryaha.

Waxa aad u baahan tahay ee ballanta fiidiyowga intarnetka ah

Bukaanku waa in uu Minnesota ku nool yahay wakhtiga ay dhaceyso ballanta caafimaadka fiidiyowga ah. Sharciyada la xiriira ballanta fiidiyowga waa kuwa maalin kasta isla beddelaya xanuunka dunida ku faafaya ee COVID-19, sidaas awgeed fadlan kala xiriiri kilinigga haddii aad daryeel rabto adiga oo jooga meel ka baxsan Minnesota.
Bukaanku waa inay ballan ah fiidiyow ku xiran intarnetka soo galaan haddii aan laga beddelin.
Waa inay fariistaan meel u gaar ah oo iftiin leh, oo ma aadi karaan goobo kafee lagu cabbo.

Waa in la isticmaalo qalabka casriga ah ee fudud (taleefan ama aalad xaleef ah) oo sida ugu fiican. Haddii aysan aaladdaadu ku xirneyn intarnetka (Wi-Fi) khadka taleefanka ayaad isticmaali kartaa. In uu taleefanku leeyahay khad aan xad lahayn ayaa kuu fiican.
Haddii aadan taleefanka isticmaali karin, waxaad isticmaali kartaa kambuyuutar caadi ah ama midka yar ee dhabta la saarto, balse waa inay leeyihiin kaamerad, makarafoon, sameecad, iyo in aad haysato intarnet. Waa inaad haysato mid ka mid ah barnaaijyada lagu galo intarnetka ee kala ah Google Chrome ama Safari.

Ballantaada fiidiyowga ee dhakhtarka

Haddii aad haysato waxa lagaa rabo oo dhan, halkan hoose ka dooro kilinig caadi ah ama mid takhasus ah, tilmaamaha iyo taleefanka aad la xiriireyso si aad u qabsato ballanta fiidiyowga.

Kilinigyada daaweynta guud

Sida ballamaha wiisitada korriinka, xanuunnada caamka ah, iyo dhaawacyada fudud

Takhasusaaska

Waxaa loo hayaa carruurta la kulanta dhakhtar takhasus ku haysta daryeelid gaar ah

Waad ku mahadsan tahay in aad ilmahaaga daryeelid u keensato isbitaalka Children’s Minnesota.

Sameysiga ballanta fiidiyowga ah

  1. Taleefan kula soo xiriir kilinigga kore si aad ballan fiidiyow ah u qabsato.
  2. Haddii aad turjubaan u baahan tahay, fadlan noogu sheeg taleefanka.
  3. Kadinka intarnetka ee MyChildren’s waa in laga soo galo ballamaha wiisitada fiidiyowga ee kiliniggan. Si aad kadin intarnetka ah uga hesho MyChildren’s, ka codso shaqaalaha diiwaangelinta bukaanka ee kilinigga ama soo garaac taleefanka Maamulka Macluumaadka Caafimaadka Isbitaalka ee Children’s Minnesota 612-813-6216.
  4. Maalinta ballantaada, soo gal kadinkaaga intarnetka 10 ilaa 15 daqiiqo ballanta ka hor si aad isu xaadiriso ballantaada fiidiyowga.

La soo deg waraaqda nooca PDF ee hoose si aad uga hesho tilmaamaha aad isugu diyaarineyso gelidda ballantaada fiidiyowga.

Tilmaamo la daabacan karo

Ka hor ballantaada fiidiyowga

  1. Tijaabi kambuyuutarka, xalleefka ama taleefanka goor hore haddii ay suuroobeyso oo la soo deg/soo dejiso wixii hagaajin u ah ama cusub. Sida ugu fudud ee aaladda lagu tijaabin karo waa in aad sameyso tijaabin ah Hubinta Qalabka ama Tech Check (Hubinta Qalabka)  Tilmaamo la daabacan karo
  2. Soo diyaarso daawada ilmaha, waraaqaha caafimaadka, jawaabihii baaristii ugu dambeysay oo sii eeg culeyska iyo cabbirka ilmahaaga.
  3. Soo gudi wixii ah sawir/sawirro kiliniggu ku weydiiyey si aad u isticmaasho kadinka intarnetka MyChildren’s adiga oo raacaya tilmaamaha.
  4. Soo gudbi wixii foomam ah oo uu kiliniggu soo codsaday.
  5. Haddii aad rabto in ay xubno kale oo qoyska ka mid ah kula soo galaan ballanta fiidiyowga, boostadooda intarnetka ama farriin taleefan ugu soo dir isbitaalka Children’s Minnesota si ay shaqaaluhu ugu casuumaan ka dib markaad soo gasho ballantaada fiidiyowga.

Caawimaad miyaad rabtaa?

  • Fadlan soo garaac taleefan kor ku qoran haddii aad su’aal ka qabto ballantaada wiisitada isbitaalka ee fiidiyowga ah.
  • Wixii su’aalo la xiriira xagga farsamada, soo garaac 877-621-8014.